You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mudaharaad ka dhacay Maraykanka
Boolis hubaysan ayaa kala dareeriyay dad ka isirran dadkii loogu tagay Maraykanka iyo kuwo kale oo u dhaqdhaqaaqa ilaalinta deegaanka oo ku bannaan baxayay gobolka North Dakota. Waxaanay dadkaasi ka soo horjeedeen dhismaha dhuumo shidaal oo muran dhaliyay.
booliska ayaa dadka dibad baxayey ku riday qunbulado qaraxweyn balse aan waxyeello kale lahayn kuna buufiyey basbaas si ay u kala dareeriyaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa labaataneeye qofna la xidhay.
Dadka mudaharaadayey ayaa dab qabad siiyay taayirro iyo looxaan ay boolisku wadada ku jareen. Xubno ka tirsan qabiilka Sioux ayaa sheegay in dhuumaha la marinayo dhulkoodu ay dhul iyaga xaram u ah waxyeellaynayaan sidoo kalena ay deegaanka dhaawacayaan.
Mashuurcan dhismaha dhuumaha shidaalka qaadaya oo la yidhaa Dakota Access Pipeline ayaa dhererkoodu yahay qiyaastii kun iyo sagaal boqol oo kiiloo mitir waxaanay shidaal ka soo qaadayaan wershadaha sifeeya shidaalka ee ku yaalla xeebta gacanka koofureed ee dalka Maraykanka.