Dhallinyaro u ololeyneysay Trump oo Kampala lagu xiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska dalka Ugandha waxa ay xireen dhallinyaro dooneysay inay u ololeeyaan musharraxa madaxweyne ee dalka Mareykanka, Donald Trump.
Dhallinyaradaasi oo laba qof ah waxay doonayeen inay galaan safaaradda Mareykanka ee Kampala.
Website dowladda Ugandha taageera ayaa sheegay in shan dhallinyaro ah ay isku deyeen in safaaradda ay xoog ku galaan.
Booliska waxay taageerayaasha Trump u sheegeen inaan loo ogolaan doonin inay safaaradda gudaha u galaan.
Ciidamada dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyarada aysan fasax u haysan inay safaaradda u dhowaadaan, sida lagu qoray barta dowladda lagu taageero.
"Trump waxa uu ballan qaaday inuu wax ka qabanayo madaxda muddada dheer dalalka Afrika xukumaya oo uu madaxweyne Museveni ka mid yahay. Waa inaan u muujinaa taageero," Hakim Kizza, oo ka mid ahaa dhallinta u ololeyneysa Trump ayaa sidaasi laga soo xigtay.







