You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cameron: Baroor-diiq loo sameynayo 80 qof oo ku dhimatay shil tareen
Waxaa dalka Cameron ka billowday maalin baroor diiq qaran ah ka dib markii shil tareen oo dalkaasi ka dhacay Jimcihii ay ku dhinteen 80 qof.
Tareenkan oo ahaa nooca rakaabka ayaa ka soo kici timay magaalada caasimadda ah ee Yaounde wuxuuna ku socday magaalada dekadda leh ee Douala halkaasi oo uu shilku ka dhacay.
Tareenka waxaa saarnaa in ka badan 1400 oo qof.
"Waxaan amray in la sameeyo baaritaan qoto dheer oo lagu ogaanayo waxa sababay shilka. Waxaan sidoo kale amar ku bixiyay in kharashka daweynta dadka dhaawacmay ay bixiso dowladda", ayuu yiri madaxweynaha dalka Cameron, Paul Biya oo ka hadlayay talefishinka qaranka.
Calamada ayaa hoos loo dhigay waddanka oo dhan taasoo qeyb ka ah baroor diiqada, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC-da Richard Onanena oo ku sugan caasimadda Yaounde.
Waxaa wali socda dadaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado kuwa ku dhintay shilkaasi.