Safar dhulka ah - Dubai ilaa Capetown

Mike Anthony iyo Alex Richter waxay soo gaareen Hargaysa
Qoraalka sawirka, Mike Anthony iyo Alex Richter waxay soo gaareen Hargaysa

Laba nin oo u dhashay Britain iyo Jarmalka oo sheegay inay socdaal dheer ku marayaan xagga dhulka iyagoo ku safraaya laba mooto ayaa gaaray magaalada Hargeysa. Waxay safar dhulka ah ku marayaan min Dubai , Imaaraadka carabta ilaa CapeTown, Koofur Afrika.

Waxay gaari doonaan ilaa Cape town
Qoraalka sawirka, Waxay gaari doonaan ilaa Cape town

Mike Anthony iyo Alex Richter ayaa weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo kula kulmay Hargeysa u sheegay inay ka soo bilaabeen socdaalkooda magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta 5tii Oktoobar 2016, iyagoo soo maray magaalooyinka Masqat iyo Salalah ee dalka Cummaan, ka dibna badda cas markab kaga soo gudbeen oo berbera yimaadeen 20 Oktoobar 2016.

Anthony iyo Mike waxaa la taagan wariyaha BBC Axmed Siciid Cige
Qoraalka sawirka, Anthony iyo Mike waxaa la taagan wariyaha BBC Axmed Siciid Cige

Waxay sheegeen inay u gudbayaan dalka Ethiopia, halkaas ka dibna ay dalal badan oo Afrika ku yaalla sii dhex jibaaxayaan ilaa ay ka gaadhayaan dalka Koonfur Afrika, magaalada Cape Town.

Labada mooto ee ay wataan labada nin ayaa ah mootooyinka dheereey . faah-faahin kale kama aysan bixin socdaalkooda, laakiinse dad badan oo reer Hargeysa ah ayaa daawasho ugu tegey.