Ciraaq: Qaramada Midoobay oo isku diyaarinaysa qaxa dagaalka Mosul

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hawlgalka milatari ee magaalada Mosul looga qabsanayo kooxda IS ayaa keeni doonta in milyan qof ay guryahooda ka qaxaan, ayay sheegtay Qaramada Midoobay.
Hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa BBC u sheegtay sida UNHCR iyo hayadaha kale ee gargaarka ay isugu diyaarinayaan dadka ka imanaya Mosul, iyagoo dhisaya xeryo dadka soo qaxa ay degaan.
Iyadoo isku diyaarinaya UNHCR iyo hayadaha kale ayaa samaynaya qorshayaal wax laga kororsaday dagaaladii hore sida kii ka dhacay Faluja, ayuu sheegay Bruno Geddo, oo ah wakiilka UNHCR ee Ciraaq.
Tusaale ahaan, Ciidamada Ciraaq ayaa dadka reer Mosul ku dhiirigalinaya inay joogaan gurigooda haday suurtogal tahay, halkii ay jidka mari lahaayeen oo qatar keeni kara.
"IS waxay taqaanaa jidka magaalada looga baxo wayna dili doonaan dadka ka baxaya magaalada" ayuu sheegay Mr Geddo.
"Waxaa jira jid yar oo ammaan ah oo la maro. Haddii dad badan ay soo maraan waxay noqonaysaa cariiri taasoo qatar ah. Way sahlan tahay in la soo weeraro."
Mr Geddo ayaa rajaynaya in ciidamada Ciraaq ay ku guulaysan doonaan in dadka ay guryahooda joogaan, laakiin waa wax adag in la fuliyo ayuu yiri. Sidaas darteed ayay UNHCR iyo hayadaha kale ee la shaqeeya ay isku diyaarinayaan sida ugu xun ee dhici karta.
"Haddii xaalada magaalada si fiican loo maamulo - wax walba waxaa maamuli doono ciidamada Ciraaq, dadkana looma ogolaan doono inay ka qaxaan Mosul," ayuu yiri.
"Haddii dadka baxaya aan la maamulin waxaa jiri doona jaho wareer iyo baahi badan."

Xigashada Sawirka, NRC/Iraq

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Getty Images










