You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Pep Guardiola oo Barcelona ku amaanay ciyaar wanaag
Kooxda Barcelona waa "makiinad ama mashiin" waxayna ka ciyaar wanaagsanaan doonaan Manchester City, sidaasi waxaa sheegay macallimka City, Pep Guardiola.
Guardiola ayaa intuu laylinayay Barcelona wuxuu ku guuleystay koobabka Yurub iyo La Liga.
Guardiola wuxuu dib ugu noqonayaa Nou Camp isbuuca soo socda, waana kullan kamid ah Champions League oo kooxdiisa City ay fooda is dari doonaan Barcelona.
"Barcelona waxaa u gaar ah qaabka ay u ciyaaraan. Waa sida makiinad oo kale," ayuu yiri.
Laakiin Guardiola wuu ogyahay inay waqti qaadaneyso in la gaaro maamuuska Barcelona ay heshay nus qarnigii u dambeeyay.
"Toban kii sano ee la soo dhaafay, 50 kii sano ee u dambeysay, Barcelona waxa ay qabsatay garoomada ciyaaraha kubadda cagta. Waan jeclahay sida ay u ciyaaraan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guardiola.