You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
140 qof oo ku dhimatay duqeyn Yaman ka dhacday
Saraakiisha Qaramada Midoobeey ee ku sugan Yaman waxa ay sheegayaan in in ka badan 140 qof ay ku dhinteen duqeyntii shalay ka dhacday Sanca.
Duqeynta oo lagu eedeynayo isbeheysiga Sucuudiga uu hogaaminayo waxaa lala eegtay dad ka qeybgalayay tacsi.
Dadka waxay u tacsiyeynayeen wasiir ka mid ah dowladda Xuutiyiinta oo aabihii uu dhintay.
Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman, Jamie McGoldrick, waxa uu sheegay in shaqaalaha arrimaha gargaarka ay ka caroodeen duqeynta.
Dowladda Mareykanka ayaa duqeynta kaddib sheegtay inay dib u eegeyso ama yareyneyso taageerada ay siiso isbeheysiga Sucuudiga.
Balse, Sucuudiga iyo isbeheysigiisa ayaa beeniyay in diyaaradohooda ay duqeeyeen goobta ay tacsida ka socotay.
Isbehesigan ayaa xulafo la ah dowladda Yaman oo dagaal kula jirta mucaaradka Xuutiyiinta.