You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Burundi oo ku dhawaaqday inay ka baxeyso maxkamadda ICC
Dowladda Burundi ayaa sheegtay inay go'aansatay inay isaga baxdo Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC.
Kullan heer wasiiro ah ayey dowladda Burundi ka soo saartay go'aanka ay maxkamadda uga baxday. Sidoo kale baarlamaanka dalkaasi ayaa loo gudbiyay sharci arrintaasi ku saabsan si uu u meel mariyo.
Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Burundi, Gaston Sindimwo, waxa uu tilmaamay in dowladdiisu aysan ka baqeynin go'aan caalami ah oo dheeraad ah.
Waxa uu intaa raaciyay in Burundi ay diyaar u tahay inay wajahdo cawaaqibta ka dhalata go'aanka ay ICC uga baxayaan.
Ugandha iyo Kenya ayaa horey ugu ololeynaayay in dalalka Afrika ay ka baxaan ICC-da ayagoo ku eedeeyay in shaqadeeda ay ku soo aruurtay "dacweynta madaxda Afrika".