You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Falastiini lagu toogtay Daanta Galbeed
Booliska Israa'iil ayaa sheegaya in ay toogasho ku dileen nin Falastiini ah oo toorey geliyay askari boolis ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taala magaalada Qalandiya ee daanta galbeed.
Askarta Israa'iil ayaa rasaas ku furay isla markaana dilay ninkaasi Falastiiniga ah.
Weerarkaasi ayaa ka mid ahaa mowjado weerarro ah oo Falastiyiniin mindiyo ku hubeysan ay ku beegsanayaan dadka Yuhuudda ah.