You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Alshabaab oo soo daysay filin muujinaya askari reer Uganda
Alshabaab ayaa soo daysay filin gaaban oo laga arkayo askari ay sheegtay inuu yahay askari reer Uganda oo la qabtay sanad ka hor.
Filin lix daqiiqo ah, ayaa nin xiran dharka milatariga ee Uganda uu waydiisanayaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni inuu ka caawiyo sii dayntiisa.
Wuxuuu sheegay in lagu qabtay weerarkii Alshabaab ee saldhiga milatariga ee AMISOM ee Janaale, oo uu sheegay inay ku dhinteen afartan ilaa konton askari.
Madaxa ciidamada Uganda ayaa sheegay inuusan arag filinka, laakiin la samaynayo wax walba oo lagu soo dayn karo askariga la haysto.