You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hilary Clinton oo ololaheeda siyaasadeed dib u bilowday
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga dimuquraadiga, Hillary Clinton, ayaa dib u billowday ololeheeda kaddib markii uu hakad ku yimid.
Clinton ayaa waxaa ku dhacay xanuunka oofwareenka horraantii isbuucan xilli ay ka qeybgaleysay xaflad lagu qabtay New York.
Mrs Clinton ayaa arrin aad uweyn ku tilmaamatay in ay dib ugu soo noqotay masraxa ololaha siyaasadda.
Taageerayaasheeda oo isugu soo baxay Greensboro ee waqooyiga Carolina waxay u sheegtay in fadhiga guriga ay ka heshay fursad ay ololeheeda ku xoojiso.
Fikrado la aruuriyay ayaa waxa ay muujinayaan in Donald Trump uu aad ugu soo dhawaanayo Hillary Clinton, doorashadana ay tahay mid loolan adag ah.
Shalay warbixin ku saabsan caafimaadka Trump oo la soo saaray waxaa lagu sheegay inuu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, laakiin aad uu u cayilan yahay.