You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Baarlamaanka Libya ee magaalada Tobruk oo u codeeyay kalsoonida oo ay kala noqdeen dowladda Libya ee aqoonsiga haysata
Afhayeenka baarlamaanka Libya ee saldhigiisu yahay magaalada bariga ee Tobruk, ayaa sheegay in baarlamaanka uu u codeeyay inay kala noqdeen kalsoonida dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.
Saamaynta ay codayntan yeelanayso lama hubo. Laakiin waxaa loo arkaa dib u dhac ku yimid dadaalka Qaramada Midoobay ay ugu jirto inay dowlad ka hirgaliso magaalo madaxda Tripoli, taasoo ujeedadu tahay inay joojiso dagaalka sokeeye iyo inay midayso waddanka.