You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kooxda Niger Delta oo wadahadal aqbashay
Kooxda xagjirka ah ee Niger Delta, ee dalka Nigeria, ayaa sheegay in ay tixgelinayaan baaqa ku aadan xabad joojin ka dhacda gobalka koonfur bari ee dalkaasi ee shidaalka qaniga ku ah.
Odayaasha deegaankaasi ayaa codsaday Jimcihii in la soo afjaro weerarada kooxdaasi ay geysato, si ay taa u suurageliso in ay bilowdaan wadahadalo lala galo dowladda, si kharash kan ay hadda helaan ka badan loogu qoondeeyo gobalka shidaalka badan laga soo saaro.
Kooxdan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hindisahan, laakiin weerarada lagu qaadayo goobaha shidaalka ayaa sii socda, koox cusub oo la yiraahdo Niger Delta Greenland Justice Mandate, ayaa sheegaya in ay qarxiyeen dhuumo shidaal Sabtidii.