You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka oo laga codsaday xabbad joojin gudaha Xalab
Magaalada xalab ee dalka Suuriya dagaal cusub ayaa ka socda, xilli Qaramada Midoobey ay codsaneyso in ay u baahan tahay 48 saacadood si dadka tabaaleysan ay u gaarsiiso gargaarka ay u baahan yihiin.
Qaramada Midoobey waxa ay sheegeysaa in dowlada Ruushka ay kala hadlayso suurtogalnimada ah in la hakiyo dagaalka si kaalmadaasi loo geeyo dhulka looga baahan yahay.
Labo milyan oo qof ayaa la aaminsan yahay inay magaaladaasi ku xanniban yihiin. Magaalada ayaa maalin ka hor waxaa lagu weeraray kiimiko sun ah oo waxyeeleysay dad badan oo shacab ah.
Ruushku waxuu sheegayaa in maalin walba uu muddo saac ah dagaalka joojin doono si dadka loo gargaaro.
Balse Qaramada Midoobey iyo hay'ada gargaarka ayaa sheegaya in aysan saddex saacadood ku filnayn in ay dadka ay gargaar ku garsiiyaan.