You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Idris Depy oo markii shanaad xilka loo dhaarinayo
Madaxweynaha Dalka Chad Idris Depy ayaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo.
Madaxweynuhu waxaa xilka qabanayaa markii shanaad.
Waxaa jiray dibadbaxyo ay dhigayeen dad taageersan mucaaradka.
Caasimadda Dalkaasi ee N'Djamena ayaa lagu dilay hal qof dibadbax ka qayb qaadanayay.
Booliska ayaa kala eryey dad isusoo baxay caasimadda oo mudaaharaadayay, waxa ayna rasaas ku fureen dadka dibadbaxayay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa mucaaradka ka mabnuucay inay qabtaan isu-soobaxyo xiliga dhaarinta madaxweynaha.
Madaxweye Idris Depy ayaa xilka dalka Chad qabtay sanadkii 1990-kii