Rabshadaha Maraykanka ee xigay wiilka madow ee la toogtay
Qoraalka sawirka, Gobolka Missouri ayaa u diraya milatari magaalada Ferguson kadib markay kordheen mudaaharaadyo. Boliiska ayaa isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena. Arrintan ayaa ka danbaysay markii Darren Wilson oo boliis ah uu toogtay wiil madow ah kadib markii uu istaajiyay.
Qoraalka sawirka, Gudoomiyaha Jay Nixon ayaa saxiixay amar lagu soo celinayo nabada iyo ilaalinta dadka degan Ferguson. Go'aanka ayaa la gaaray markii boliiska ay iska hor imaadeen dadka.
Qoraalka sawirka, Boliiska Ferguson ayaa sheegay in la soo weerarary oo ay isdifaaceen. Boliiska rabshadaha ayaa riday xabadaha caaga iyo gaaska ilmada dadka ka keena.
Qoraalka sawirka, Dadka mudaaharaadaya ayaan adeecin waqti la soo rogay inaan la socon karin.
Qoraalka sawirka, Dilka Michael Brown ee uu dilay nin cad oo boliis ah 9 August ayaa sii kordhiyay xiisada magaalada oo dad madow ay dagan yihiin.
Qoraalka sawirka, Darren Wilson oo boliis ah ayaa toogtay wiilka kadib markii uu istaajiyay.
Qoraalka sawirka, Gudoomiyaha Missouri ayaa dhaleeceeyay video la shaaciyay wiilka oo tukaan xadaya saacado ka hor.