Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 20 ruux ayaa lagu dilay weerarradii maalin ka hor Isra'iil ay qaadday, oo ah kuwii ugu darnaa ilaa haatan. Guud ahaan 95 ruux ayaa dhimatay ilaa haatan.
Qoraalka sawirka, Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dadkaas badigooda ay ku dhinteen weerar lagu qaaday goob maqaayad ahayd magaalada Khan Yunis.
Qoraalka sawirka, Dagaalyahanka Qaza ayaa iyaguna gantaallo ku gamayo Isra'iil, waxaa lala beegsaday magaalooyinka ku yaalla koonfurta Isra'iil.
Qoraalka sawirka, Khubaro reer Isra'iil ah ayaa uruurinayo haraaga gantaal laga soo riday Qaza oo ku dhacay meel dibedda ka ah guri ku yaalla magaalada Netivot.
Qoraalka sawirka, Militariga Isra'iil waxaa uu sheegay in 108 weerar oo dhanka cirka ah ay ku qaadeen marinka Qaza.
Qoraalka sawirka, Isra'iil waxay sheegaysaa in bartilmaameedkeedu yahay goobaha dagaalyahanka Qaza ee gantaallada laga soo tuuro.
Qoraalka sawirka, Falastiiniyiintu waxay leeyihiin dadka dhintay waxaa u badan rayid, ay ku jiraan dumar iyo carruur.
Qoraalka sawirka, Wasaaradda caafimaadka ee Falastiniiyiintu waxay leedahay 500 oo ruux oo kale ayaa la dhaawacay.