Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo la shaaciyay

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Golaha Musharraxiinta oo jawaab kasoo saaray jadwalkii doorashada

    War saxaafadeed ay goor dhow soo saareen Golaha ay ku mideysan yihiin musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ah ayaa si kulul looga jawaabay war maanta kasoo baxay Guddiga doorashada Soomaaliya oo lagu shaaciyay jadwalka doorashada.

    "Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu cambaareynayaa go’aanka ay guddiga sharci darrada ah ee ay Dowladda Federaalka ah magacawday ku iclaamiyeen jadwalka doorashooyinka heer Federaal". Ayaa lagu yidhi bayaanka.

    Hadallada ku qornaa war saxaafadeedkan oo ay caro xoog leh ka muuqatay ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabada shaacinta jadwalka ay bilow u tahay wax ay ugu yeedheen "booska doorashada heer qaran".

    Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintan ay abuureyso xasarad siyaasadeed.

    Musharraxiinta mucaaradka ayaa horay u qaaddacay jirintaanka guddiga doorashada, iyagoo ku andacoonayay in ay ka dhex muuqdaan shakhsiyaad aan dhex dhexaad ka noqon karin natiijada iyo caddaaladnimada doorashada.

    "Qas wade"

    Bayaankan ayaa sidoo kale dhaliil weyn loogu jeediyay madaxweyanaha dowladda Federaalka.

    "Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka", ayaa lagu yidhi.

    .

    Xigashada Sawirka, Musharraxiinta Mucaaradka

    Hadalkan ayaa yimid saacado yar kadib markii guddiga doorashada ay sheegeen in diiwaan galinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare ay billaabaneyso 26-ka December, 2020-ka, halka laga sugayo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada in liiska musharraxiinta ay soo saaraan 29-ka December, 2020-ka, kaddibna doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystiri doono inta u dhaxeysa 31-ka December ilaa 6-da January, 2021-ka."

  2. Askar ka tirsan booliska oo lagu dilay Muqdisho

    .

    Saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya ayaa toogasho lagu dilay kaddib markii ay koox hubeysan maanta weerar ka fuliyeen meel u dhow saldhigga booliska ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

    Lama yaqaanno heybta dadka weerarkaas geystay.

  3. Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo la shaaciyay

    .

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/ANADOLU AGENCY

    Guddiga doorashada ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray bayaan ay ku shaacinayaan jadwalka ay ku dhaceyso doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    War saxaafadeedka ayaa lagu qeexay in marka ugu horreysay la guda gali doono hannaanka doorashada Aqalka sare.

    Waxaa bayaanka lagu yidhi: "Sida ku cad habraaca doorashada iyo heshiiska golaha wadatagisha qaran ee la gaaray 17-kii September, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaannada Aqalka Sare oo ay qabanayaan baarlamaannada dowlad goboleedyadu. Sidaa darteed, diiwaan galinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare waxay billaabaneysaa 26-ka December, 2020-ka, halka laga sugayo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada in liiska musharraxiinta ay soo saaraan 29-ka December, 2020-ka, waxaana doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxeysa 31-ka December ilaa 6-da January, 2021-ka."

    "Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed waxay sidoo kale 7-da January 2021-ka gudagalayaan diiwaan galinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeyb galaya xulista ergooyinka doorashada, kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada."

    Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in uu rajeynayo in dhammaan daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qeyb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna ay kaalintooda ka qaataan howlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta labada Aqal.

  4. Ninkani wuxuu muhiim ah oo dad badan aysan ku dhiiran, wuxuu hooyo u noqday xayawaan yar oo hooyadiis laga dilay

  5. Baarlamaanka Hirshabelle oo kororsaday muddo xileedkooda

    Barlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maanta shir ku yeeshay magaalada Jowahar ayaa muddo xilleedka maamulkaasi ku kordhiyay sanad dheeraada.

    Muddada maamulkaasi oo ahayd markii hore afar sanno ayaa hadda laga dhigay shan sanno kadib markii xildhibaannada maamulkaasi ay cod u qaadeen.

    Haddaba si aan jawaab ugu helno sababta hadda keentay in la kordhiyo muddo xilleedka hay’adaha maamulka Hirshabeelle waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan taleefanka kula xiriiray gudoomiye kuxigeenka barlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdillahi, wuxuna marka hore weydiiyay go’aanka muddo kordhinta ah ee ay qaateen?

    Qoraalka Codka, .
  6. Ciyaar adag oo galabta dhex mari doonto xulalka Jubbaland iyo Puntland

    Ciyaar adag ayaa galabta la filayaa in ay dhex marto xulalka dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, weriyaha Ciyaaraha Baakaay ayaa waxrbixintan Muqdisho kasoo direy.

  7. Amni darro laga soo sheegayo deegaannada bariga Wajeer

    Odayaal iyo siyaasiyiin u baxay dhacdo lagu dilay mid ka ah madaxda maamulka deegaan bariga wajeer ayaa dhawaan halkaa ka soo laabtay, ayadoo meydka mas'uulkii la dilayna shalay xubnihiisa gooni gooni loo aasay.

    Rashiid Qaasim waa mudane laga soo doorto bariga wajeer, kana tirsan baarlamaanka Kenya.

    Wuxuu ka mid ahaa raggii u baxay deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday ee Khorof Xaraar, halkaasoo horena ay dilal uga dheceen. wuxuuna u waramay BBC.

    Qoraalka Codka, .
  8. Boorama oo maanta lagu qabtay banbdhiga buugaagta

    Magaalada Boorama ayaa maanta waxaa lagu qabtay banbdhig buugaag oo ah kii labaad oo halkaa lagu qabto, waxaana sannadkan barbar socda furitaanka matxaf iyo maktabad magaaladaas laga hirgaliyey.

    .

    Xigashada Sawirka, Boroma book fair

    ..

    Xigashada Sawirka, Boroma book fair

  9. Muqdisho oo si habsami leh uga soconaya tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada

    Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga soconaya tartanka kubadda cagta ee maamul gobolyada ee Soomaaliya.

    Xulka Jubbaland, ee koobka loo tartamaya difaacanaya, ayaa galabta waxa uu ka hortagayaa xulka Puntland oo tartanka ku guulaystay 2016-kii.

    Ciyaarta galabta waxa ay noqon doontaa mid xiisa gaar ah leh, maadaama haddii Jubbaland laga badiyo ay tartanka isaga harayso

    Haddaba faafaahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo diray Maxamed Cumar Baakaay.

    Qoraalka Codka, .
  10. War deg deg ah,

    Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta ansixiyey in muddo xileedka hey’adaha maamulka laga dhigo 5 sano halkii ay ka aheyd 4 sano.

  11. Jaamacad ma u tagi lahayd si aad u barato isqurxinta dumarka? Muuna Jaamac ayaa BBC-da uga warantay muhiimada ay waxbarashadan u leedahay gabdhaha.

  12. Wefti uu madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo oo gaaray Jabuuti

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanada ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

    Madaxweynaha ayaa safar ugu ambo baxay dalka Jabuuti, kaddib casuumad uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

    .
  13. Madaxweynaha Somaliland oo u safray Jabuuti

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanada ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray dalka Jabuuti.

    Madaxweynaha ayaa safar ugu ambo baxay dalka Jabuuti, kaddib casuumad uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

    Isla war-saxafadeedkaas ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa inta ay halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xiriirka iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

    .

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka

  14. Faransiiska oo bilaabay inuu dib u furo xudduudihiisa dhanka dhulka

    Faransiiska ayaa bilaabay inuu dib u furo xuduudihiisa dhanka dhulka ah ee uu la leeyahay Britain, kadib xiritaan labo maalmood ah oo sababtay inay kumannaan gawaari xamuul ah ku xayirmaan England.

    Dalalka Yurub ayaa xayiraado cusub ku soo rogay dalka Ingiriiska, kadib markii dalkaasi laga helay nooc cusub oo Coronavirus ah.

    Nooca cusub ee fayraska korona, ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England.

    Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub ayaa joojiyay dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey.

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

  15. Sheekooyinka kale ee ku jira website-ka BBC Somali

    Heshiiska Carabta iyo Israa'iil: 'Qorshaha qalloocan ee Trump Nabad kama dhallin karo Bariga Dhexe' Link

    Maxay yihiin saraakiisha beenta u sheegay FBI ee uu Trump cafiska u fidiyay? Link

    Maxay yihiin ciidamada Danab ee Mareykanka u tababaray Soomaaliya? Link

  16. Trump oo gaashaanka u daruuray qorshe ay Senate-ku meel mariyeen

    Xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa cod aqlabiyad ah waxa ay ku meelmariyeen kharash degdeg ah oo lagu kabayo dadka dalkaas ee uu dhaqaalahoodu hooseeyo.

    Sharcigan oo ah midkii labaad ee la meel mariyo tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada fayraska safmarka ah ee korona ayaa waxaa looga gol-leeyahay sidii dadka ay shaqa la'aantu ku dhacday loo kaabi lahaa.

    Hasa yeeshee Donald Trump, ayaa gaashaanka u daruuray qarashaka ay meel mariyeen aqalka Senate-ka, kaas oo dhan 9-boqol oo billion oo dollar. Soomaali badan oo ay saamaysay shaqo-la'aanta uu sababay cudurka Covid-19, ayey u badan tahay inay dhaqaalahaas qeyb ka heli doonaan.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  17. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo ah Arbaca ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kale ba.