You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Zelensky oo sheegay inuu kulanka Davos ee Trump ay ku heshiyeen dammaanado amni dagaalka kaddib.

Donbas ayaa ah qodob adag oo hortaagan heshiiska nabadda ee Ukraine?

Kooban

Tebin toos ah

  1. Wasiir UK ah oo Trump ku tilmaamay nin aan abaal lahayn

    Stephen Kinnock oo ah wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo saaka ka soo muuqday warbaahin kala duwan oo BBC-da kamid tahay ayaa sheegay ‘inuu aad uga niyad jabay’ hadallada madaxweynaha Maraykanka, isagoo intaa ku daray in sheegashada Trump “aysan ahayn mid is leh oo isqaadan karta” isla markaana hadalladiisu “aysan haba yaraatee xaqiiqa ahayn”.

    “Askar badan oo u dhashay Ingiriiska iyo kuwa kale oo ka socday waddamada kale ee Yurub ee xulafada NATO ayaa naftooda u huray taageeridda hawlgallada Maraykanka iyo kuwa Maraykanku uu hoggaaminayay, meelo ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Ciraaq,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Sky News.

    “Waxaan aad ugu faanayaa ciidamadeenna. Waxay naftooda khatar u geliyeen dalkooda. Waxay tusaale u yihiin sharaf, geesinimo iyo waddaniyad dhab ah.

    “Qof kasta oo isku daya inuu dhaleeceeyo waxa ay sameeyeen ciidamadeennu iyo dedaalkii naf-hurnimada lahaa ee ay bixiyeen, si cad ayuu qaldan yahay.”

    Waxa uu intaa ku daray wasiirka, “Hadallada Madaxweyne Trump waa kuwo si qoto dheer niyadda u jabinaya, mana jirto si kale oo loo dhihi karo.”.

    Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Trump uu yiri 'ciidamada dowladaha kale xaga dambe ayey ka jogeen dagaalkii Afgaanistaan".

  2. Cirro ''Waxa aan raadinaynaa iskaashi iyo wax-wada-qabsi, balse ma raadinayno gargaar iyo gacan-hoorsi''

    Qoraal la soo dhigay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro ka sheegay Davos in Somaliland ay raadinayso iskaashi iyo wax-wada-qabsi oo aysan raadinayn gargaar iyo gacan hoorsi.

    ''Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu madasha ka caddeeyey in Somaliland ay raadinayso iskaashi iyo wax-wada-qabsi, balse aanay raadinayn gargaar iyo gacan-hoorsi, isaga oo sheegay in Somaliland ay u soo bandhigayso maalgashadayasha xasillooni siyaasadeed, amni, kala dambayn iyo kalsooni sharci, taasi oo dhif iyo naadir ku ah Gobolka Geeska Afrika oo aad u xasaasi ah'' ayaa lagu yiri qoraalka.

  3. Cirro ''Somaliland waa albaab istaraatiiji ah oo isku xira Afrika, Bariga Dhexe iyo Marrinada Ganacsiga Caalamka

    Qoraal la soo dhigay xafiiska afhayeenka madaxtooyada madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro isaga oo la hadlayay mid kamid ah warbaahinta uu soo hadal qaaday muhiimadda Somaliland iyo halka ay ku taalo.

    ''Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka Somaliland ku tilmaamay Albaab Istiraatiiji ah oo isku xidha Afrika, Bariga Dhexe iyo Marrinada Ganacsiga Caalamka, isaga oo faahfaahiyey fursadaha ku jira khayraadka kala duwan ee dabiiciga ah ee ay leedahay Somaliland (Sida: Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanaha kala duwan iyo Shidaalka'' ayaa lagu yiri qoraalka

  4. Ukraine iyo Maraykanka oo heshiiyay iyadoo wada-hadalladu gaareen “halkii u dambaysay”

    Tagitaanka Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ee Switzerland ayaa calaamad u noqotay in diiradda diblomaasiyadda la saaro dagaalka ka socda Ukraine.

    Kaddib kulankii saacadda socday, Trump ayaa sheegay in “qof walba uu doonayo in dagaalku dhamaado,” iyadoo Zelensky uu ku dhawaaqay in dukumiintiyo loogu talagalay nabadda Ukraine “diyaar yihiin.”

    Madaxweynaha Ukraine wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in tani ay tahay meeshii ugu dambaysay,” ka hor intaanu ku dhawaaqin in Kyiv iyo Maraykanka ay ku heshiiyeen dammaanadaha amniga kaddib dagaalka, hase yeeshee wali lama saxiixin. Dukumiintiyadani waa kuwo muhiim u ah Ukraine.

    Markii uu ka baxay Switzerland isagoo raacaya Air Force One, Trump wuxuu yiri: “Waqti cajiib ah ayaan ku qaatay Davos… waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa dhacaya!”

    Waxa weli socda in Ergayga gaarka ah ee Maraykanka, Steve Witkoff la sheegay inuu gaaray Moscow si uu ula kulmo hoggaamiyaha Ruushka Putin, ka hor kulanka saddex-geesoodka ah ee Washington, Moscow iyo Kyiv ee Abu Dhabi berri lagu wado.

  5. Macron oo sheegay inay feejigan yihiin kadib dib u gurashadii Trump

    Kadib markii uu gaaray Brussels si uu uga qayb galo kulan gaar ah oo ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha Yurub, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu soo dhoweeyay go’aanka Donald Trump ee ahaa inuu ka laabto qorshihii uu canshuuraha (tariffs) ugu soo rogi lahaa Faransiiska iyo toddoba dal oo kale.

    Hase yeeshee, wuxuu yiri “weli waan feejigan nahay”, wuxuuna sheegay in kulanka maanta uu muhiim u yahay xoojinta farriinta midnimada Midowga Yurub iyo taageerada loo muujinayo Denmark.

    “Waxaan toddobaadka ku billownay nooc xiisad kordhin ah, hanjabaado duullaan iyo canshuuro,” ayuu yiri. “Hadda waxaan wajahaynaa xaalada ii muuqata mid ka aqbalaad badan, inkastoo aan weli feejigan nahay.”

    Macron wuxuu mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Yurub ay si “midaysan” uga jawaabto arrimahan, isagoo intaas ku daray:“Waxaan doonaynaa nabad, xasillooni iyo nidaam caalami ah oo deggen.”

  6. Mette Frederiksen “Waxaan u baahan nahay joogitaan abadi ah oo Nato ah”

    Brussels, hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa isugu yimid kulan aan rasmi ahayn oo Golaha Yurub ah si ay uga wada hadlaan isbeddellada degdegga ah ee toddobaadkan dhacay.

    Iyadoo weli la sugayo wararka ka imanaya kulankaas, halkan waa waxa Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ay wariyeyaasha u sheegtay Iyada oo ka jawaabaysa dalabaadka Donald Trump ee ku saabsan Greenland, Frederiksen waxay sheegtay in Denmark ay weli tahay “dal madax-bannaan, mana ka wada-hadli karno arrintaas.”

    Hase yeeshee, waxay intaas ku dartay in ay diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan arrimaha “amniga, sida aan mar walba yeelno”

    Frederiksen waxay sidoo kale sheegtay inay Nato ka codsatay inay joogitaan ballaaran ka sameyso gobolka Arctic-ga.

    “Waxaan u baahan nahay joogitaan joogto ah oo Nato ah oo ka jira gobolka Arctic-ga, gaar ahaan agagaarka Greenland,” ayay tiri.

    “Waa inaan si ixtiraam leh u wada shaqeynaa annaga oo aan is-cabsi gelin,” ayay hadalkeeda ku dartay.

  7. Maxay Denmarka iyo Ingiriiska iska yiraahdeen ammaanka Greenland iyo Nato

    Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa kala hadlay dhiggiisa Denmark “xoojinta” iskaashiga milatari , kaddib xiisaddii Greenland, sida ay sheegtay Downing Street.

    Starmer iyo dhiggiisa Denmark, Mette Frederiksen, ayaa kulan ku yeeshay Chequers wax yar ka hor.

    Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa yiri: “Hoggaamiyeyaashu waxay ku bilaabeen inay ka falceliyaan horumarradii ugu dambeeyay.

    Waxay ku heshiiyeen in amniga Arctic-ga uu yahay arrin quseysa dhammaan isbahaysiga Nato, isla markaana Yurub iyo Nato ay sii wadi doonaan hormarinta dadaallada arrintan la xiriira.

    Hoggaamiyeyaashu sidoo kale waxay ka wada hadleen sida UK iyo Denmark u xoojin karaan iskaashiga guud ee amniga, ha ahaado mid laba-dhinac ah ama mid Yurub oo dhan ah, taas oo ay ka mid tahay kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-fahamka ciidamada milatariga.”

  8. Weeraro cusub oo Ruushku ku qaaday Ukraine xilli uu socdo xalka dagaalka

    Saacado yar uun kaddib markii Volodymyr Zelensky uu hoggaamiyeyaasha caalamka kula hadlay Davos, hay’adaha gurmadka degdegga ah ee Ukraine ayaa sheegay in hal qof la dilay, afar kalena ay ku dhaawacmeen weerar Ruushku ku qaaday Zaporizhia, oo ku taalla koonfur-bari Ukraine.

    Ciidamada Ruushka ayaa duqeeyay dhowr guri oo ku yaalla Zaporizhia, taas oo keentay burbur soo gaaray dhismayaal badan, sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adaha gurmadka oo lagu daabacay Telegram.

    Shaqaalaha samatabbixinta ayaa sidoo kale ku guuleystay inay damiyaan dab ka kacay saqafka guri la deggan yahay, ayaa lagu yiri bayaanka.

  9. Trump oo ka hadlay guulaha uu kala laabtay Davos ee Greenland ay ku jirto

    Waxaan hadda helnay war cusub oo ka yimid madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ku sii jeeda Washington D.C. kaddib safarkiisii Davos, Switzerland.

    Wuxuu ka hadlay Madasha Dhaqaalaha Adduunka shalay iyo maanta labadaba, wuxuuna qoraalkiisii ugu dambeeyay ee Truth Social ku yiri:

    “Waxaan ku sii jeedaa D.C. Waqti aad u cajiib ah ayaan ku qaatay Davos. Qaab-dhismeedka Greenland waa la diyaarinayaa, wuxuuna noqon doonaa mid wax weyn u soo kordhiya Maraykanka, halka Guddiga Nabadduna uu yahay wax dunidu horay u arag.

    “Aad u gaar ah. Waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa dhacaya! Madaxweynaha Maraykanka, DONALD J. TRUMP.”

  10. Donbas – maxay u tahay qodob adag oo hortaagan heshiiska nabadda ee Ukraine?

    Donbas waa magac loo adeegsado dhul ka kooban gobollada bariga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk, kuwaas oo ka bilaabma banaanka Mariupol oo koonfurta ah ilaa ay gaaraan xadka waqooyi ee Ruushka.

    Gobolkani waa xarunta ugu weyn ee dhuxusha iyo birta laga soo saaro ee Ukraine.

    Donbas waxaa inta badan looga hadlaa af-Ruush, waxaana kaddib markii Ruushku la wareegay Crimea sannadkii 2014, xoogag uu Ruushku taageerayay ay qabsadeen in ka badan saddex meelood meel bariga Ukraine.

    Kahor dagaalka, Putin wuxuu aqoonsaday dhammaan Luhansk iyo Donetsk inay ka madax-bannaan yihiin Ukraine. Markii uu billowday duullaankii 2022, Moscow waxay hoos u dhigtay hammigeedii ahaa in ay qabsato Kyiv, iyadoo diiradda saartay Donbas.

    Bishii hore, Zelensky wuxuu yiri: “Si fudud ugama bixi karno, taas sharci ahaan waa mamnuuc. Ma aha sharci oo keliya. Dad baa halkaas ku nool, 300,000 oo qof… ma lumin karno dadkaas.”

    Maantana, kaddib markii uu Donald Trump kula kulmay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, madaxweynaha Ukraine wuxuu wariyeyaasha u sheegay in “arrintu gebi ahaanba ku saabsan tahay dhulka. Tani waa qodobka aan weli la xallin.”

    Qorshaha Maraykanka ee ku aaddan Donbas — oo ah wadnaha warshadaha Ukraine — waa in laga dhigo aag ka caagan hubka oo dhaqaalaha xorta ah, taas beddelkeedana Kyiv la siiyo dammaanado amni.

    Ergayga gaarka ah ee Maraykanka, Steve Witkoff, ayaa yiri:“Haddii labada dhinac ay doonayaan in arrintan la xalliyo, waa la xallin doonaa.” Hase yeeshee, weli lama oga in arrintaas la gaari karo iyo in kale.

  11. Ukraine oo isu diyaarinaysaa wada-xaajood saddex-geesood ah

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky in uu helo oggolaanshaha madaxweynaha Maraykanka ee dammaanadaha amniga ayaa ah guul weyn, balse hadda diiraddu waxay saaran tahay wada-xaajood saddex-geesood ah oo dhex mari doona Maraykanka, Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo lagu wado in ay ka dhacaan Imaaraadka Carabta.

    Ergayga Trump, Steve Witkoff, ayaa sheegay in uu Moscow uga sii gudbi doono Abu Dhabi, halka Zelensky uu horey u magacaabay kooxdiisa ka qayb-qaadan doonta wada-hadallada, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiishiisa ugu sarreysa.

    Witkoff wuxuu muujiyay rajo ah in hal arrin oo weyn oo labada dhinac kala qaybinaysa ay tahay mid “la xallin karo”, halka Zelensky uu xaqiijiyay in arrintu ay gebi ahaanba “ku saabsan tahay dhulka” bariga Ukraine. Su’aashu waxay tahay: ma aqbali doonaa Putin qorshaha Maraykanka ee ah in Donbas laga dhigo aag aan hubaysnayn oo ganacsi xor ah, mise wuxuu sii wadi doonaa dalabka ah in Ruushku si buuxda u maamulo?

    Xawaaraha diblomaasiyaddu si cad ayuu u kordhay, hase yeeshee dammaanadaha amniga ee Maraykanku ma saxiixi doonaan waqti dhow. Zelensky wuxuu sheegay in marka hore ay tahay in ay ansixiyaan Kongareeska Maraykanka iyo baarlamaanka Ukraine.

    Sidoo kale weli lama oga waxa ay dammaanadahaasi si dhab ah u ka kooban yihiin — Kyiv waxay doonaysay ilaa 50 sano oo ballanqaad adag oo Maraykan ah oo ah in uu Ukraine garab istaagi doonto haddii la weeraro. Taasi mar walba waxay ahayd rajo aad u weyn.

    Si kastaba ha ahaatee, Zelensky wuxuu aaminsan yahay in la’aanta “dammaanad taageero” uu Trump bixiyo, isbahaysiga dalalka doonaya taageerada ee ay hoggaaminayaan Ingiriiska iyo Faransiisku aanu ku filnaan doonin.

  12. Madaxweynaha Ukraine oo Macron uga mahadceliyay markabka shidaal ee ay qabsadeyn

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kadib markii uu ku dhawaaqay in Ciidanka Badda Faransiiska ay gacanta ku dhigeen markab shidaal oo ka yimid Ruushka, kana socday Badda Mediterranean-ka.

    “Tani waa go’aanka saxda ah ee loo baahan yahay si loo hubiyo in shidaalka Ruushku uusan mar dambe maalgelin dagaalka Ruushka,” ayuu Zelensky ku qoray bartiisa X.

    Waxa intaa ku daray: “Maraakiibta shidaalka Ruushka ee ka hawlgala xeebaha Yurub waa in la joojiyaa.”

    “Sidoo kale, cunaqabataynta ka dhanka ah dhammaan kaabayaasha ‘shadow fleet’-ka waa in ay noqdaan kuwo adag.”

    Mar sii horreesay maanta ayuu madaxweyne Volodymyr Zelensky ku canaantay in reer Yurub kacaan oo xeebaha ka qabtaan gaadiidka shiidaalka ee Ruushka ku socda.

  13. Daawo: Zelensky oo sheegay in uu helay arrin uu muddo ka sugayay Trump

    Zelensky ayaa la hadlayay wariyeyaasha Davos, wuxuuna sheegay in uu la gaaray Mareykanka heshiis ku saabsan arrinta damaanadda amniga ee Ukraine, wuxuuna yiri waa la "dhammeeyay".

    Wadahadal uu maanta la yeeshay kooxda Mareykanka, oo uu ku jiray Trump, wuxuu sheegay inay ku heshiiyeen dammaanadda amniga oo muddo Ukraine ku dhaganeed.

    Wuxuu yiri "waxaan u baahanahay inaan saxiixno" laakiin "waxay imaan doontaa oo keliya marka dagaalku joogsado".

    Markii la weydiiyay inuu haysto heshiis ku saabsan dammaanadaha amniga, Zelensky wuxuu yiri maya, "waxay ku dhammeeyeen is afgarad" waana inay hadda "saxiixaan dhinacyadu, madaxweynayaashu, ka dibna ay tagaan baarlamaannada qaranka".

    Hoos ka daawo qoraalkan muuqaalkiisa

  14. War deg deg ah, Faransiiska oo qabtay Markab shidaal oo Ruushku leeyahay

    Faransiiska oo joojiyay markab shidaal ah oo Ruushka ka yimid oo cunaqabatayn saaran tahay, Macron ayaa sheegay, iyadoo UK ay taageertay.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ciidanka Badda Faransiisku subaxnimadii maanta ay galeen markab shidaal ah oo cunaqabatayn saaran tahay, kana yimid Ruushka, islamarkaana lagu tuhunsanaa inuu watay calan been ah.

    War lagu shaaciyay barta X, ee Macron wuxuu ku sheegay in markabka lagu qabtay Badda Dhexe iyadoo ay gacan ka geysteen dhowr xulafo, kuwaas oo ay Ciidanka Badda Faransiisku xaqiijiyeen inay ka mid tahay Boqortooyada Ingiriiska.

    “Waxaan naga go’an inaan ilaalinno sharciga caalamiga ah oo aan hubinno fulinta wax ku oolka ah ee cunaqabataynta. Hawlaha waxay gacan ka geystaan maalgelinta dagaalka gardarrada ah ee ka dhanka ah Ukraine,” ayuu yiri Macron.

    Wuxuu sheegay in baaritaan garsoor la bilaabay, isla markaana markabka loo weeciyay meel kale, hase yeeshee ma uusan sheegin halka loo qaaday.

  15. Waa kuma Ninka ku dhiirraday inu Trump Dacweeyo

    Baaraha gaarka ah ee dacwadaha Trump ayaa sheegay "inuu ku xadgudbayo sharciga Trump", halka xisbiga Jamhuuriga ay leeyihiin, "waa la siyaasadeeyey kiiskan".

    Jack Smith waa qareen sare shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacadda Harvard, waxa uuna qabtay xilka La-taliyaha Gaarka ah, isagoo hore uga mid noqday xafiiska xeer-ilaalinta federaalka ee Mareykanka, gaar ahaan gobollada New York iyo Tennessee. Intii uu ka tirsanaa Waaxda Caddaaladda, waxa uu hoggaamiyay xafiis dacwad kusoo oogay siyaasiyiin Jamhuuri iyo Dimuqraadi ahba.

    Jack Smith waxaa loo magacaabay La-taliye Gaar ah si uu u kormeero baaritaanka federaalka ee ku saabsanaa dadaalladii lagu doonayay in lagu baabi’iyo natiijooyinka doorashada madaxtinimada ee 2020, iyo sidoo kale baaritaan kale oo gooni ah oo la xiriiray sida Madaxweyne Trump u maamulay dukumentiyo sir ah dhammaadkii xilligii ugu horreeyay ee madaxtinimadiisa.

    Smith waxaa bishii Nofeembar 2022 loo magacaabay Xeer-ilaaliyaha Guud Merrick Garland, waxaana loo doortay La-taliye Gaar ah si uu u baaro dacwadaha ka dhasha feragelinta siyaasadeed

    Sidoo kale, Smith waxa uu kasoo shaqeeyey oo uu baaray kiisas ay qabatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee ku taalla Nederlaands.

    Smith ayaa hoggaamiyay laba baaritaan dambiyeed oo ka dhan ahaa Donald Trump, kuwaas oo markii dambe la joojiyay kaddib markii uu mar kale madaxweyne noqday. Tani waa markii ugu horreysay ee si dadweyne ah loo dhageysti marag-furka Smith tan iyo markii baaritaannadaas la laalay.

  16. War deg deg ah, Madaxweyne Cirro oo ka hadlay kulan ka dhacaya Davos iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa hadda ka hadlaya Madasha Abraham Housa ee magaalada Davos ee dalka Switzerland.

    Madaxweyne Cirro oo su’aalo lagu waydiiyay Madasha ayaa tilmaamay in Somaliland ay tahay meel ku habboon maalgashiga isla markaana ay horey u maal-gashadeen shirakdo Caalami ah.

    Wuxuu sheegay in joogitaanka shirkadaha shisheeye ee Somaliland ay maalgashaday ay caddeyn u tahay in Somaliland ay tahay meel la isku halleyn karo isla markaana ammaan ah.

    Isagoo intaa ku daray in ay doonayaan in la horumariyo arrinta maalgashiga.

    Magaalada Davos waxaa ka socda shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka, waxaana ka qayb galaya madaxweynayaal dunida isaga yimid, iyadoo Cirro uu halkaa xalay kula kulmay madaxweynaha Israa’iil iyo maalqabeenno caalamka si weyn looga garanayo.

  17. Immaaraadka Carabta miyaa qeyb ka noqonaya Dhexdhexaadinta Ruushka iyo Ukraine?

    Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inuu berri ka qeyb-galayo shir sadex geesood ah oo dhex mari dooona, isaga, Ruushka iyo Maraykanka, shirkaas ka dhici doona dalka Immaaraadka Carabta.

    Zelensky waxa uu yiri, "guddiga dhexdhexaadinta Maraykan waxa ay tagayaan maanta Mosko caasimadda Ruusha. waxa ay sugayaan kulankeena aniga iyo Trump kadib waa ay bixi doonaan". waxa uu intaasi ku daray in ay isla kulmi doonaan kooxdiisa iyo kooxda Maraykanka kadib ay jiheesan doonaan UAE, halkaas oo ay ku yeelan kulan socon doona laba maalin oo berri ka billaabaneysa.

    Inta uu waday khudbaddiisa waxa uu yiri in Ruushka uu diyaar ahaada "cid walba waa in ay diyaar noqotaa, kaliya maaha Ukraine in ay diyaar ahaato". Waxa ay dhaantaa in aan la yeelan wax wada hadal ah". ayuu yiri Zelensky.

  18. Madaxweynaha Ukraine: Ruushka oo lacag la'aan noqda waa Yurub oo nabad ah!

    Madaxweynaha Ukraine oo hadal ka jeediyey madasha dhaqaalaha adduunka ayaa yiri "In xabad joonin la sameeyo ayaa suuragal ah, waxaana dhaw in la gaaro heshiiska uu dabada ka riixayo Trump.

    "Muxuu u joojin waayey madaxweyne Trump maraakiibta iyo booyadaha shidaalka ee badaha dhex maraya haddii Yurub aysan qabsan karin", ayuu yiri Volodymyr Zelenskyy, waxa uuna intaasi ku daray shidaalka laga dhoofinayo yurub in lagu maalgeliyo dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

    "Haddii Putin uusan lacag haysan dagaal kama dhacayo Yurub" ayuu ku daray hadalkiisa.

    Madaxweynaha Ukraine ayaa Yurub u sheegay in ay u baahan tahay ciidankeeda hubaysan, halkii ay ku tiirsanaan lahayd NATO maadaama "cidna aysan arkin isbahaysiga oo ficil sameynaya". Zelensky waxaa uu leeyahay NATO way jirtaa "iyadoo ay ugu wacan tahay aaminsanaanta" ay aaminsanyihiin in Mareykanku uu soo faragelin doono. "Laakiin maxaa dhacaya haddii aysan sameynin?".

  19. Degdeg: Madaxweynaha Israa'iil oo hadda hadlay isagoo ku sugan Madasha Dhaqaalaha Adduunka

    Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog ayaa sheegay in "isbeddelka nidaamku" uu noqon karo "mustaqbalka kaliya ee Iiraan."

    Wareysi uu maanta bixiyay isagoo ku sugan Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland, ayuu ku yiri: "Dadka Iiraan waxay aad u xiiseynayaan isbeddel, dadka Iiraan waxay mudan yihiin isbeddel."

    Sida uu sheegay Madaxweynaha Israa'iil: "Mustaqbalka dadka Iiraan wuxuu ku jiri karaa oo keliya isbeddelka nidaamka... waxaana taas gaari kara dadka Iiraan iyo taageerada bulshada caalamka."

    Mr. Herzog ayaa yiri "way ii caddahay in nidaamka Ayatollah uu ku jiro xaalad aad u jilicsan."

  20. Trump oo sheegay inuu qalbiga ka yahay sida "dadka guryaha iibiya".

    Waxaa soo idlaatay xafladdii uu Trump kusoo bandhigayey Golaha nabadda, iyadoo hadalkii ugu dambeeyay uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka.

    Trump ayaa ka hadlay hawsha ay hayaan guddiga uu u diray Gaza, isagoo sheegay inuu yahay “qalbi ahaan nin guryaha iyo dhulka ku takhasusay”.

    “Waxaan ku iri bal fiiriya goobtan waxaa ku taalla badd,” ayuu yiri Trump waxa uuna intaasi ku daray, "waxa ay ku noolyihiin dadka halkaas jooga nolo liidata oo soo hagaageysa, balse dhammaanba waxay ka bilaabatay goobtaas.”