Askarayn khasab ah oo laga soo sheegayo gobolka Oromia ee Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in meelo ka mid ah dalka uu ka socdo hawlgal si khasab ah dhallinyarada loogu askaraynayo, sida laga soo xigtay dadka deegaanka Oromia.
Wararka qaar waxay sheegayaan in ay jiraan dad dhaawacyo aay soo gaareen markii la qabanayey, ayadoo qaarna ayba dhinteen.
BBC ayaa booqatay mid ka mid ah goobaha dhallinyaradaas la askaraynayo lagu hayo, taasoo ah dhisme ay dawladdu leedahay, waxaana ay halkaas ku aragtay dhallinyaro badan oo hool la iskugu keenay.
Afaafka hore ee hoolka ayaa xarig lagu gooyey si aan looga talaabin, ayadoo qofkii doonaya inuu xarigga ka gudbo uu sii marayo rag ku labisan dareeska ciidanka Oromia oo halkaas ilaalinaya.
Hoolka dibaddiisa ayaa waxaa tuban carruurta aabayaal halkaa ku jira iyo xaasas raggii qabay khasab lagu askareeyey.
Iskuday ay BBC kula xiriirtay maamulka Oromia si wax looga weydiiyo askaraynta ayaan suurto galin, ilaa iyo haddeerna kama aysan hadlin maamulka gobolka iyo kan dawladda federaalka.









