Agaasimaha guud ee hay'adda sirdoonka qaranka Suudaan G.sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal oo socdaal ku tagay Muqdisho ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
xiriirka labada dal ayay ka wada hadleen iyo dhambaal uu uga siday guddoomiya golaha kumeel gaarka ee Sudaan Cabdifataax Alburhaan, sida ay warbaahinta dowlada Soomaaliya ay sheegtay.
Agaasimaha ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad.
Ciidamada Suudaan waxaa ay sanadihii u dambeeyay dagaal kula jirtaa kooxda RSF ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Dagalo, iyaga oo marar kala duwan ku eedeeyay Imaaraatka in taageeraan kooxdaasi.
Aqalka Cad ee Maraykanka oo u baroor diiqay dadkii ku geeriyooda toogashada Minneapolis
Xigashada Sawirka, Orlando Carrasquillo
Qoraalka sawirka, Banaanka Iskuulka Annunciation Catholic School
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay koox
ka tirsan aqalka cad ee Maraykanka ay la ‘’socdaan xaalada Minneapolis’’
‘’Inagu soo biira dhammaanteen ducada aynu u samaynayno
dhibanayaasha,’’ ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, JD Vance
Booliska Minneapolis oo faahfaahiyay khasaaraha iyo halka uu marayo howlgalka toogashadii ka dhacday Iskuulka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Brian O'Hara
Madaxa booliska magaalada Minneapolis Brian O'Hara ayaa
sheegay qofka toogashada gaystay uu ku jiray da’da 20aadka xilliga hore, ayna
aaminsan yihiin inuu kali ku ahaa weerarka uu gaystay.
Qofka weerarka gaystay ayaa boolisku sheegeen inuu isdilay,
iyada oo sidoo kale ay weerarkaasi ku dhinteen Laba carruur ah oo da’dooda lagu
qiyaasayo sideed iyo 10, iyada oo waalidkood lagu wargaliyay.
Waxaa uu intaa ku daray 17 qof oo kale ay ku dhaawacmeen
toogashada, oo ay 14 kamid ah yihiin carruur. Labo kamid ah carruurtaasi ayaa
xaaladoodu aad u adag tahay, sida uu sheegay Brian.
Saddex Qof oo ku dhintay Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaala Magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay
Xigashada Sawirka, CBS
Qoraalka sawirka, Goobta toogashadu ka dhacday ee Minneapolis
Saddex qof ayaa ku dhintay oo uu ku jiro qofka weerarka
gaystay toogasho ka dhacday Iskuul ku yaala magaalada Minneapolis, iyada oo
ilaa 10 qof oo kale ay ku sugan yihiin xaalad adag, sida ay laga soo xigtay
bahwadaagta BBC ee Maraykanka ee CBS News.
Lix carruur oo dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa cisbitaalka
Carruurta ee Minnesota, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xarunta.
‘’Kooxaheena ayaa loo tababaray inay ka jawaabaan xaaladaha
wakhtiyada adag, waxaana ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin inay daryeelaan carruurta
ay saamaysay,’’ sida lagu sheegay bayaanka. ‘’Lama wadaagi doono faahfaahinta
intaasi ka dheeri ah inaga oo ixtiraamayna xaaldaha gaarka ee bukaanada iyo
qoysaska.’’
Goobo hor leh oo Puntland ay ka qabsatay Daacish iyo khasaaraha ka dhashay
Xigashada Sawirka, Warbaahinta Dowlada Puntland
Qoraalka sawirka, Ciidamada Puntland
Ciidamada Puntland ayaa 72dii saac ee u dambeeyay
howlgaladii ay sameeyeen ku qabsaday ceelka Idakacab ee togga Baalade, sida ay
warbaahinta maamulka Puntland ay ku warantay.
Howlgal ka dhacay Maraagaale iyo kal-Idaad oo iyaguna ka
tirsan buuraha calmiskaad ayaa sida ay sheegtay warbaahinta ay dowladu maamusho
ee Puntland lagu dilay saddex kamid ah kooxda Daacish. Iyaga oo intaasi
raaciyay in howlgaladaasi lagu soo qabtay hubka noocyadiisa kala duwan.
Iyada oo ay Israa’iil sii
wado qorshaheeda ay ku doonayso inay ku qabsato magaalada Qaza ayaa afhayeen u
hadlay milatariga Israa’iil uu sheegay inay lama huraan tahay in
Falastiiniyiinta halkaasi jooga ay isaga baxaan.
Ilaa iyo hal milyan oo
qof ayaa hadda ku nool halkaasi. Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil Avichay
Adraee, ayaa u sheegay dadka inay aadaan koonfurta dhulka isaga oo ku
andacoonaya in meel bannaan ay ku taal halkaas, kuwa tagayna ay heli doonaan
gargaar bini'aadantinimo.
Ku dhawaaqista ayaa la
soo saaray ka hor shir uu guddoomin doono madaxweyne Trump oo ka dhacaya Aqalka
Cad ee dalka Maraykanka oo looga tashanayo dagaalka Qaza ka dib. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho
ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la dilay lixdan iyo lix qof, ku
dhawaad saddex boqol oo kalena lagu dhaawacay.
Denmarka oo u yeertay diblomaasiga Maraykanka ugu sarreeya dalkeeda ka dib eeda faragalinta Greeland
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Greeland
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Denmark ayaa u yeeray diblomaasiga ugu sarreeya dowlada
Maraykanka ee ku sugan Copenhagen, ka dib eedo la xiriiro in muwaadiniin
Maraykan ah ay howlgalo qarsoodi ah ka wadaan Greenland.
Warbaahinta
guud ee dalka Denmark ee magaceeda loo soo gaabiyo DR oo soo xiganaysa ilo xog
ogaal ah ayaa sheegtay in ujeedadu ahayd in bulshada Greenland lagu soo dhex
dhuunto, ayna qayb ahaan dadka Danmark geeyaan Maraykanka, inkasta oo aan la
caddayn cidda ay u shaqaynayeen.
Sirdoonka
Denmark ayaa ka digay Greenland inay bartilmaameed sadeen noocyo kala duwan oo
dad wada olole saamayn leh oo ka dhan ah joogitaanka Denmark ee Jasiirada uu
sida weyn u danaynayo Trump inuu la wareego.
Canshuurihii ciqaabta Hindiya ee Donald Trump oo dhaqan galay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Haweeney kharkhaan tolaysa
Konton boqolkiiba canshuuraha Maraykanku uu ku soo rogay
badeecadaha Hindiya ayaa dhaqan galay. Donald Trump ayaa sheegay inuu ku
ciqaabayo dalka caalamka ugu dad badan iibkeeda shidaalka Ruushka.
Waxaa la filayaa inay noqon karto dhaawac weyn oo soo gaaray dhaqaalaha Hindiya,
gaar ahaan qaybteeda wax dhoofinta. Sida dharka.
Delhi ayaa sheegtay canshuuraha ay yihiin kuwo aan loo qiil
dayin, iyada oo ku dooday shidaal soo dhoofinta Ruushka inay riixayso baahida
ammaan ee tamarta. Xilli ay soo baxayaan warbixinada kordhaya ee la xiriira
kala duwanaanta kala dhaxaysa Trump.
Maxkamadda sare ee gobolka Tigray oo soo saartay go'aan ka farxinaya hablaha muslimiinta ah ee waxbarta
Qoraalka sawirka, Magaalada Mekele ee magaalada Aksum ee gobolka Tigray ayaa waxaa ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo mamnuucida gabdhaha Muslimiinta ah ee ardayda in ay xijaabka la tagaan goobaha waxbarashada.
Maxkamadda sare ee gobolka Tigray ayaa ku dhawaaqay go'aanka ku saabsan ardayda Muslimka ah ee gabdhaha ah ee waxka barta magaalada Axum, kuwaas oo laga hor istaagay inay kusoo galaan iskuulka iyaga oo xidhan xijaabka: maxkamaddu waxay amar ku bixisay in "loo ogolaado inay waxbartaan iyaga oo xidhan xijaabka''.
Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Tigray ayaa codsaday in go'aankan maxkamada la dhaqangeliyo lana ogolaado in ay hablahu dib loogu soo celiyo fasalka iyagoo ay xidhan labiskaan islaamiga ah.
Hablaha muslimka ee waxka barta magaalada Aksum oo aan ka qaybgelin imtixaanaadkii qaranka iyo kii deegaanka tan iyo bishii November ayaa codsaday in magdhow laga bixiyo waxbarashadii ayka hadheen.
Waaxda Madaniga ee Maxkamadda Sare ee Deegaanka Tigray, ayaa go'aankan gudbisay Khamiista, Agaasimaha isgaadhsiinta maxkamadda, Alemayehu Eshte, ayaa BBC-da u sheegay in go'aankaasi dhab ahaan la soo saaray.
Golahana ayaana maxkamadda arrinkaan u gudbiyay kadib markii ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee magaalada caasimadda ah ee Aksum ayka mamnuucday hablaha muslimiinta ah xidhashada xijaabka.
Waxuu sheegay In Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Gobolka Tigray in ay ka gudbiyeen dacwadaan waaxda waxbarashada ee deegaanka.
Maxay tahay sababta gabdhaha Suudaan mar labaad loo gudo?
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, .
Warbixin hore,
Barnaamijkeenna taxanaha ah ee Warqadaha ay soo diraan Wariyeyaasha Afrika, waxaan kusoo qaadaneynaa sheeko ay soo dirtay Zeynab Maxamed Saalix, taasoo ay ku eegeyso dhaqanka kusii kordhaya waddanka Suudaan ee ku saabsan in haweenka "mar labaad la gudo".
Qaar ka mid ah dumarka reer Suudaan ayaa doonaya inay maraan gudniinka loo yaqaanno (FGM) marka ay bil ama labo bilood ka harsan yihiin xilliga la guursanayo, iyagoo ujeeddadooduna ay tahay inay iska dhigaan gabdho bikro ah.
Arrintan waxay dhacdaa iyadoo xitaa badankood horay loo guday markii ay gabdhaha yar yar ahaayeen - gudniinkaas oo ah mid sida caadada ah hablaha lagu sameeyo marka ay da'doodu u dhaxeyso 4 ilaa 10 sano.
Waddankan Muslimka ah ayaa gudniinka waxa uu bulshada dhexdeeda ka yahay mid khasab ah, oo ka mid ah dhaqanna la wada raaco.
Ujeeddada gudniinkaas laga leeyahay ayaa ah in lagu ilaaliyo bikrada gabdhaha, taasoo burburta marka ay galmo sameeyaan.
Haweenka guurka isku diyaarinaya ee gudniinka raba hadda waxaa qalliinka noocaas ah ku sameeya dhakhaatiir umilisooyin ah.
'Maalmo ma socon karin'
Qaar ka mid ah dumarka reer Suudaan ayaa doonaya inay maraan gudniinka loo yaqaanno (FGM) marka ay bil ama labo bilood ka harsan yihiin xilliga la guursanayo, iyagoo ujeeddadooduna ay tahay inay iska dhigaan gabdho bikro ah.
Arrintan waxay dhacdaa iyadoo xitaa badankood horay loo guday markii ay gabdhaha yar yar ahaayeen - gudniinkaas oo ah mid sida caadada ah hablaha lagu sameeyo marka ay da'doodu u dhaxeyso 4 ilaa 10 sano.
Waddankan Muslimka ah ayaa gudniinka waxa uu bulshada dhexdeeda ka yahay mid khasab ah, oo ka mid ah dhaqanna la wada raaco.
niinkaas laga leeyahay ayaa ah in lagu ilaaliyo bikrada gabdhaha, taasoo burburta marka ay galmo sameeyaan.
Ergeyga
Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay in madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, uu shir guddoomin doono shir ballaaran oo maalinta
Arbacada ah ka dhici doona Gaza, xilli Israa’iil ay horay u sii waddo qorshe ay
ku qabsaneyso dhulkaas.
Mr Witkoff
ayaa u sheegay Fox News Washington, inay dejinayaan qorshe dhammaystiran oo ku
saabsan maaraynta Gaza dagaalka ka dib.
Madaxweyne
Trump ayaa horay u sheegay in aragtidiisa ay tahay in uu la wareego Gaza oo uu
u raro muwaadiniinteeda.
Mar la
weydiiyay in Israa'iil ay tallaabo ka duwan oo lagu joojinayo dagaalka, ayna u
xaqiijin lahayd soo celinta la haystayaasha, Mr Witkoff wuxuu sheegay in
arrinta la xallin doono ka hor dhammaadka sanadkan".
Talaadadii shalay, tobanaan kun oo
mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil,
iyagoo dalbanaya heshiis xabbad joojin ah si dalkooda dib loogu soo celiyo la
haystayaashii Israa’iil ee ku haray gacanta Xamaas.
Shirar dhowr ah oo laga yeeshay xal-u-helidda arrintan ayaa natiijo la'aan ku soo dhammaaday.
Ha se yeeshee, Isniintii toddobaadkan ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in dhinac ka mid ah madashii mucaaradku ay heshiis la qaateen madaxweynaha.
Siyaasiyiin afar ah oo shaaciyay in gebi ahaan ay isaga tageen golihii mucaaradka ayaa dawladda la gaadhay heshiis lagu sheegay in is-afagarad laga gaadhay is-jiidjiid muddo dheer taagnaa oo ku aaddanaa wax-ka-beddelkii lagu sameeyey dastuurka, arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka dalka.
Haddaba, madasha samatabixinta ayaa markii ugu horraysay war ka soo saartay mowqifkooda ku aaddan heshiiska garab ka mid ahaa ay la qaateen madaxda dawladda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xubin ka ah madashaasi ayaa waraysi uu siiyay BBC-da waxa uu ku sheegay in xubnaha heshiiska qaatay ay ra'yigooda gooni u yihiin, bal se madasha inteeda kale aanay ku raacsanayn.
Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday in xubnaha heshiiska la qaatay dawladda Soomaliya ay madasha ku wargeliyeen in ay ka baxayaan iyaga oo sheegay duruufo uu diiday in uu wax faahfaahin ah ka baxiyo.
"Runtii, nimankaas odayaasha ah, fiidkii Isniinta ayay madasha u yimaaddeen oo ay keeneen iscasilaad. Waxa ay yitaahdeen, waxa aan rabnaa in aan madasha ka baxno. Markii horaba, madasahda waxa lagu soo galay si mutadawacnimo ah. Duruufaha ay sheegeen iyo sababta ay u baxayaan markii aan dhagaysannay waxaan garowsannay in laga aqbalo," ayaa uu yidhi.
Xildhibaanka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo in ay kala qaybsameen xubnihii hore ugu midaysnaa Madasahda Samatabixinta ee mucaaradka iyo in kale.
Tusmada Sannadlaha ah ee Nabadda Adduunka ayaa muujisay in Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ay ka mid yihiin dalalka ugu hooseeya marka la eego heerka nabadda adduunka.
Warbixinta Tusmada Nabadda Caalamiga ah ee Midowga Yurub ee 2025 (GPI), oo qiimeysa xaalada nabadeed ee 163 waddan oo caalamka ah, ayaa Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ku dartay liiska dalalka ugu hooseeya, iyadoo ay heleen dhibcaha ugu yar.
Soomaaliya waxay gashay kaalinta 151aad, halka Ethiopia ay gashay kaalinta 138aad ee 163-da dal ee warbixintu xustay iyadoo 25 dal uun ka sareysa, halka Eritrea ay ku jirto kaalinta 132aad, taasoo ka dhigan in ay Soomaaliya ay ku jirto wadamada ugu liita dhanka nabadda keliya 12 wadan ayaa ka hooseeya.
Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu daray liiska dalalka ugu hooseeya marka la eego heerka nabadda ee Tusmada Nabadda Adduunka ee sanadka 2025. Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (IEP), oo diyaariya liiska dalalka ugu nabadda badan caalamka, ayaa Iceland u aqoonsaday dalkii ugu nabadda badnaa adduunka.
Tusmada Nabadda Caalamiga ah waxay cabbirtaa amniga iyo xasilloonida dalalka aduunka iyadoo adeegsanaysa 23 tilmaamood. Heerka nabadda ee waddan waxaa lagu go'aamiyaa iyadoo la eego amniga bulshada, heerka dagaallada gudaha iyo dibedda ee ay la tacaalayaan, iyo hub urursigooda ciidan.
Nin toogasho ka geystay Australia oo weli la baadi goobayo
Xigashada Sawirka, Victoria police
Qoraalka sawirka, Booliska la dilay
Booliska
dalka Australia ayaa sheegay in nin aad u hubeysanaa oo Isniintii la soo dhaaafay
toogasho ku dilay labo askari oo boolis ah uu weli baxsad yahay.
Eedeysanaha
oo magaciisa lagu sheegay Dezi Freeman, ayaa lugihiisa ku baxsaday, kadib
markii uu rasaas ku furay askartaasi oo tegay gurigiisa oo ku yaalla
magaalladda Porepunkah ee Waqooyiga magaalladda Melbourne, si ay u fuliyaan
amar lagu baadi-goobayo fal-dambiyeedyo galmo oo lagu eedeeyay ninka dilka
geystay.
Booliska
ayaa baaritaankooda diirada ku saaraya meel duur ah oo ciriiri ah oo ka tirsan dalkaas,
waxayna dadka aaggaas ugu baaqeen in aysan banaanka u bixin.
Dagaalka Ukraine: Ciidanka loo yaqaanno 'Guutada Soomaalida' maxay ka sameeyeen Mariupol?
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa mar kale soo cusboonaysiiyay hadal haynta ku saabsan ciidamada Ruushka taageersan ee loo yaqaanno "Guutada Soomaalida", kaddib markii ay gacan ka gaysteen dagaalkii ka socday magaalada Mariupol.
Kaddib markii uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ku dhawaaqay in Ciidanka waddankiisa ay la wareegeen magaalada Mariupol oo in muddo ah la isku hor taagnaa, waxaa durbadiiba soo baxday in guutada loo garan og yahay "Somalia Battalion" ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan ay kaalin wayn ku lahaayeen howlgalka ka dhacay Mariupol.
Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa ka mid ahaa warbaahinta ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Soomaalida iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.
Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Soomaalida ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.
Maalmo kaddibna, ciwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ah gobolka Donetsk.
Sababta ay hadal-heyn u abuurtay xiriirka Suuriya iyo Israa'iil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Iyadoo ay
jirto qalalaase siyaasadeed oo ka taagan dalka Suuriya, waxaa isa soo taraya qorayaasha
wargeysyada caalamiga ah ay uga hadlayaan mucaaradka gudaha Suuriya ee
wadahadalka kula jira Israa'iil iyo warbixinnada warbaahinta ee shirar qarsoodi
ah oo looga hadlayo heshiis amni oo suurtagal ah oo ay daba ka riixeyso Washington.
Wargeyska
Imaaraatka, The National, ayaa daabacay, "Maxay Suuriya xaq ugu leedahay
inay la hadasho Israa'iil?"
Qoraagu wargeyskan,
Raghida Dergham, waxaa uu sheegay in hoggaanka cusub ee Suuriya, ka dib markii
ay "meesha ay ka baxeen Iran iyo Hezbollah" ay horseedayso isbeddel
ku yimaada xiriirkeeda gobolka, gaar ahaan xiriirka ay la leedahay Israa'iil.
Dargham
wuxuu sharxayaa in Suuriya, oo mar ahaan jirtay "tiir ka mid ah mashruuca
ballaarinta Iran," ay hadda raadinayso inay dib u dhigto gobolka iyo
caalamkaba. Isbadalkan, ayuu sheegay inay taageerayaan wadamada Khaliijka iyo Mareykanka,
ee hoos imaanaya hogaanka cusub ee Suuriya oo uu si ku meel gaar ah u hogaamiyo
ah Axmed al-Sharaa.
Waxa uu yiri "Dowladda Suuriya weli si buuxda xukunka uma heyso, waxaana jirta cabsi laga qabo in kooxaha xagjirka ah ay isku ballaariyaan dalka, sidaas darteed hadalka Sharaa ee uu ku diidan yahay kala qeybsanaanta iyo baaqiisa ah in la mideeyo Suuriya iyada oo aan wax dagaal ah la qaadin, waa in loo rogaa tallaabooyin wax ku ool ah."
Abaalmarinta Mareykanka ee ciddii xog ka keena Daacish-ta Soomaaliya
Xigashada Sawirka, al-kataib
Qoraalka sawirka, .
Dawladda Mareykanka ayaa ku yaboohday cadad lacageed oo dhan 10 milyan oo Doollar iyo dib u dajin ay ku abaalinayso cidda xog ka keenta nidaamka maaliyadda ee Ururka Daacish.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in kooxda Daacish ee ka hawlgasha Soomaaliya ay maamulaan nidaam maaliyadeed oo lacaguhu ay ka soo galaan jihooyin kala duwan. Waxa ay intaasi ku dartay in hababka ay kharashaadka u ururiyaan ay ka mid tahay baadda, lacag dhaqista, afduubyo madax-furasho ah, iyo ka ganacsiga hubka.
Falalka budhcad-badeenimo ee laga fuliyo badaha iyo kaluumaysiga sharci darrada ah ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in uu ka mid yahay ilaha dhaqaale ee Daacish uu dhaqaaluhu ka soo galo.
Qaab kale oo ururka Daacish uu ka macaasho ayaa warbixintu ay ku sheegtay lacagaha caddaanka ah, xawilaadaha mobayllada iyo nidaamka cryptocurrency-ga.
Cunaqabataynta saaran madaxa maaliyadda Daacish
Laba sano ka hor ayay ahayd markii Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee kooxda Daacish ee Soomaaliya, kooxdaas oo ka jirta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Suurtagal ma tahay in Shiinuhu uu weeraro dalkaan ay Somaliland xiriirka leeyihiin?
Qoraalka sawirka, .
Waxa ay ahayd subax kale oo Jimco ah, jasiiradda Taiwan ee Kinmen, oo dhawr kiilo mitir u jirta xeebta Shiinaha, markii seedhiga uu yeedhay.
Dad ku sugnaa xafiiska dawladda hoose oo halkaasi ku yaalla, ayaa dad badan waxa ay damiyeen nalka iyo iyaga oo ku dhuuntaymiisaska hoostooda. Kuwo kalena waxay u carareen meel baabuurta la dhigto oo dhulka hoostiisa ah. Cisbitaal u dhow aaggaasi, shaqaaluhu waxay u yaaceen si ay u caawiyaaan dad ay dhaawacyo soo gaadheen.
Laakiin dhiiggu wuxuu ahaa mid been abuur ah, dhaawacyaduna waxay ahaayeen kuwo ay jilayaal matalayaan. Shaqaalaha dawladda ayaa ka qayb qaadanaya dhoollatusyada millatari oo qasab ah oo la xidhiidha difaaca madaniga ah oo lagu qabtay guud ahaan Taiwan, bishii hore.
Ujeedada ayaa u muuqata jawaab celin ay ka bixinayaan weerarka suurtagalka ah ee Shiinaha.
Shiinaha ayaa in muddo ah wacad ku marayay in uu "dib ula midoobi doono" Taiwan oo hadda iskeed isku maamusha, isaga oo aan meesha ka saarin in awood loo adeegsan karo. Waa khatar sii kordhaysa oo ay Taiwan u aragto mid halis ah. Madaxweyne William Lai, oo xilka la wareegay sannadkii hore, ayaa qayb ka noqday mid ka mid ah dadaalladii ugu xoogganaa ee sannadihii la soo dhaafay la qabtay oo looga go lahaa in lagu xoojiyo difaaca.
Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah oo isugu soo baxay magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, .
Tobanaan kun
oo qof oo Israa'iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla magaalada
Tel Aviv - oo inta badan loo yaqaan fagaaraha la haysto - iyagoo ku baaqaya in
Israa'iiliyiinta weli lagu haysto Qaza ay dib ugu laabtaan.
Dibadbaxan
ayaa daba socday isu soo baxyo maalin socday oo lagu xiray waddooyinka waaweyn,
waxaana dad badan ay isugu soo baxeen guryaha wasiirro ka tirsan dowladda.
Waxa ay
hareeyeen xafiiska raysal wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo shirka golaha
wasiirada uu ka dhacay halkaasi.
Dibad-baxayaashu
waxay dalbadeen in la joojiyo dagaalka ay kula jiraan Xamaas.
Laakin
shirka wasiirada ayaa la sheegay in uu ku dhamaaday cod la’aan ama xitaa aan
laga doodin hindisaha xabbad joojinta ee qeyb ka ah oo ay soo bandhigeen wada
xaajoodyada gobolka oo Xamaas soo dhoweeyeen