Labo Markab oo laga leeyahay Iran oo ka baxay dekeddaha iyaga oo ku gacan-seyray go’doominta

Xigashada Sawirka, bbc
Xogta raadraaca maraakiibta ee ay falanqeeyeen BBC Verify ayaa muujisay caddeymo dheeraad ah oo sheegaya in maraakiib ay ka baxayaan dekedaha Iran, iyadoo muuqata inay ka hor imanayaan islamarkana ku gacan-seyrayaan xannibaadda badda ee Mareykanka.
Markabka xamuulka qaada ee lagu magacaabo Ashkan3 ayaa u muuqda inuu ka baxay agagaarka dekedda Chabahar Port 13-kii Abriil, isagoo aan wadin wax xamuul ah. Hadda wuxuu u socdaalayaa dhanka bari, meel u dhow Pakistan.
Markab kale oo konteenarro qaada, oo la yiraahdo Shabdis, ayaa isna ka baxay agagaarka dekedda Chabahar isla taariikhdaas, sidoo kalena wax xamuul ah ma uusan wadin. Kadib markii xannibaadda Mareykanku dhaqan gashay, wuxuu bilaabay inuu u socdo dhanka bari, wuxuuna hadda ku dhow yahay Hindiya, isagoo diraya xog muujinaysa in uu ku wajahan yahay Zhuhai ee Shiinaha.
Midkoodna maraakiibtan ma aysan ka tallaabin marin-biyoodka Strait of Hormuz kadib markii xannibaaddu bilaabatay.
Labada markabba waxay hoos tagaan calanka Iran.















