War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo Safiir u soo magacawday Somaliland

Israa’iil ayaa u magacawday Michael Lotem inuu noqdo safiirkeedii ugu horreeyay ee u fadhiya Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Sidoo kale warbaahinta Israa’iil ee lagu magacaabo ‘Israel Nationala News’ ayaa iyana xaqiijisay magacaabista safiirka u fadhiya Somaliland.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Gideon Sa’ar ayaa Michael Lotem u magacaabay safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u fadhin doona Somaliland. Afar bilood ka hor ayay ahayd markii ay ku dhawaaqday Israa'iil aqoonstay Somaliland.
Telefishinka rasmiga ah ee dowladda Somaliland ayaa dhankiisa qoraal uu dhawaan baahiyay ku xaqiijiyay magacaabidda.
Afar bilood ka hor ayay ahayd markii ay ku dhawaaqday Israa'iil aqoonstay Somaliland.













