“Waxaa jira go’aan aan ka gaarayo Iran,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha xilli uu Aqalka Cad ka baxayay, isagoo u socda isu-soo-bax ka dhacayay Vandalia, Ohio.
Hoggaamiyaha Jarmalka oo sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Ruushka
Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa gaaray caasimadda Ukraine ee Kyiv,
isaga oo sheegay in Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy uu ku tiirsanaan karo
taageerada Jarmalka, xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Ruushka.
Merz oo ay
weheliyaan madaxda shirkado dhowr ah oo ka shaqeeya dhinaca difaaca, ayaa
sheegay in mashiinka dagaal ee Ruushku uu u jeesan doono dalal kale haddii aan
la joojin.
Jarmalku
wuxuu Ukraine siinayaa gargaar milatari oo gaaraya ilaa hal bilyan oo Yuuro,
waxaana ka mid ah nidaamyada difaaca ee looga hortagayo diyaaraha an duuliyaha lahayn ee cusub ee
Ruushka ee ku shaqeeya matoorro jet ah.
Madaxweyne
Zelenskiy ayaa sheegay in Vladimir Putin uu oggolaanayo weerarrada lagu
beegsanayo dadka rayidka ah, kadib markii uu ku guuldarraystay inuu gaaro guul
milatari.
Dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee Soomaaliya ku dhuuntay
Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.
Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.
Xigashada Sawirka, Houthi Media Center via Getty Images
Qoraalka sawirka, Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Ansar Allah xilli ay dagaallo kula jiraan ciidamada uu Sucuudigu taageero ee Taciz.
Ciidamada qalabka
sida ee Yemen ayaa aroornimadii Axaddii sheegay inay duqeymo ka wadaan
maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo ku sugan
caasimadda Sanca iyo dhufayska kooxda ee Sanca.
Afhayeen u hadlay
ciidamada Yemen ayaa sheegay in ciidamada ay bartilmaameedsanayaan waxa uu ku
tilmaamay “bartilmaameedyo muhiim ah,” balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan
bixin.
Telefishanka Al-Masirah,
oo xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah, ayaa aroornimadii Axaddii
sheegay in Sucuudigu uu weerar ka fuliyay caasimadda Sanca.
Kanaalka ayaa soo
xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta oo sheegtay in duqeyn cirka ah oo
Sucuudigu ka geystay “isgoyska Al-Ahyouq ee degmada Al-Waziyah, gobolka Taiz”
ay illaa hadda sababtay laba dhimasho iyo dhaawacyo.
Ilaa hadda ma
jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhinaca Sucuudiga.
Kooxda
Xuutiyiinta ayaa ku eedeysay Sucuudiga inuu Sabtidii 26 duqeyn oo cirka ah ka
fuliyay caasimadda Yemen ee Sanca, halka ciidamada Yemen ee ka tirsan dowladda
caalamku aqoonsan yahay ay ku dhawaaqeen inay hawlgal ka dhan ah
bartilmaameedyo militari ka fuliyeen magaalada.
Kooxdu waxay
sidoo kale sheegtay inay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye
lahayn (drones) ku bartilmaameedsatay xarun ay leedahay shirkadda Aramco ee
Riyadh, kaddib markii dab lagu arkay warshadda sifaynta shidaalka ee shirkadda,
oo ku taalla koonfurta caasimadda Sucuudig
Markabka qaada diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka USS George H.W. Bush oo gaaray Thailand
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Markabka diyaaradaha dagaalka qaada ee USS George H.W. Bush
Markabka diyaaradaha dagaalka qaada ee USS George H.W. Bush
ayaa Axadda maanta gaaray magaalada Phuket ee dalka Thailand, halkaas
oo qiyaastii 4,800 oo xubnood oo ka tirsan shaqaalihiisa ay ku qaadanayaan
waqti nasasho ah.
Sida ay warbaahintu sheegtay, markabkan ayaa muddo bilo ah
taageerayay hawlgallada Maraykanka xilli ay sii xoogeysanayeen xiisadaha u
dhexeeya Maraykanka iyo Iran.
Reuters ayaa soo xigatay warbaahinta maxalliga ah oo
sheegtay in markabku ku xiran doono biyaha xeebaha, halka shaqaalaha saarana la
filayo inay xeebta u soo deggaan, isla markaana ay shan maalmood ku
qaataan jasiiradda.
Booqashadan ayaa timid kaddib markii markabka USS Abraham
Lincoln uu bishii hore ku hakaday dekedda Laem Chabang, halkaas oo qiyaastii 5,000
oo xubnood oo shaqaalihiisa ah ay ku waqti nasaho ku qaateen.
Trump oo sheegay in Iiraan ay labo mid doorato “waddada adag ama waddada fudud.”
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in
khilaafka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka lagu xallin karo “waddada adag ama
waddada fudud.”
“Waxaa jira go’aan aan ka gaarayo Iran,” ayuu Trump u
sheegay wariyeyaasha xilli uu Aqalka Cad ka baxayey, isagoo u socda isu-soo-bax
ka dhacayay Vandalia, Ohio.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran ay “si aad ah u
daciiftay” sababo la xiriira tallaabooyinka iyo hawlgallada Maraykanka, isla
markaana ay “ku dhowaad gebi ahaanba ka tanaasushay qorshayaal kasta oo ay ku
heli lahayd hub nukliyeer ah.”
Iiraan ayaa si joogto ah u beenisay inay isku dayayso inay
hesho hub nukliyeer ah.
Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo Xuutiyiinta oo muhiim ah
Xigashada Sawirka, Liam Weir/BBC News
Ciidamada
dowladda Yemen ayaa sheegay in ay weerareen “bartilmaameedyo milatari oo muhiim
ah” oo ku yaalla caasimadda Sanca ee xuutiyiintu gacanta ku hayaan.
Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda
Yemen ayaa sheegay in “ciidamadu awood u leeyihiin in ay ku qaadaan Xuutiyiintu
weerarro istiraatiiji ah.”
Saacado gudahood, waxaa Sanca laga soo
sheegay qaraxyo waaweyn oo dhowr ah, halka warbaahin Xuutiyiintu leeyihiin ay
sheegtay in duqeyn cirka ah lagu soo qaaday caasimadda. Xuutiyiintu waxay
duqeymaha ku eedeeyeen Sacuudiga. Waxay
sheegeen in 26 jeer hawada laga duqeeyay Sanca.
Warbaahin xiriirka la leh dowladda Yemen,
oo taageero ka hesha Sacuudiga, ayaa sheegtay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen
goobo ay Xuutiyiintu leeyihiin oo ku yaal Sanca.
Warbaahintaasi waxay
sidoo kale sheegtay in ciidamo iyo saanad dheeraad ah loo diray gobolka Taciz oo
Xuutiyiintu ku hayaan weeraro.
Hay’adda
Caalamiga ah ee Tamarta (IEA) ayaa sheegtay in dalalka xubnaha ka ah ay ilaa
iyo hadda fasaxeen 325 milyan oo fuusto oo shidaal ah iyo waxyaabo kale oo la xiriira shidaalka.
Shidaalka la fasaxay ayaa ahaa keydka dalalkaas.
Warkan ayaa soo baxay kaddib markii
dalalka G7 ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo sii daayo 100 milyan oo fuusto oo naafto iyo
saliid ceyriin ah oo laga soo saaro kaydkooda, si loo
yareeyo walaaca laga qabo sahayda tamarta adduunka.
Maamulka Donald Trump ayaa xulafadiisa ka
codsaday in ay fasaxaan qayb ka mid ah kaydkooda naaftada, si looga hortago in
qiimaha shidaalka uu sare u kaco.
Dagaalka ka socda Bariga Dhexe iyo weerarrada
Ukraine ay ku qaadday warshadaha sifaynta shidaalka ee Ruushka ayaa saameeyay
suuqa shidaalka caalamka.
32
dal oo xubno ka ah Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta ayaa
bishii Maarso ballanqaaday in kaydadkooda istiraatiijiga ah ay ka sii deynayaan
400
milyan oo fuusto, xilli uu dagaalka Iran socday.
Dhammaan xubnaha G7, oo ay ku jiraan Britain, Canada, Germany, Italy, Japan iyo Maraykanka,
ayaa sameeyay ballanqaadkaas.
Dalalka G7 ayaa sidoo kale shalay ku
heshiiyay in aan laga mamnuucin dalalka xubnaha ka ah dhoofinta naaftada, iyagoo meesha ka saaray hanjabaaddii Washington
ee ahayd in ay soo rogi doonto xayiraad noocaas ah. Donald Trump ayaa markii
dambe sheegay in xayiraaddaas aan la dhaqan-gelin doonin.
Reuters: Qiiq wayn oo ka taluumaya meel u dhow xarunta Aramco ee Riyaad.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa qof
goob-jooge ah, ayaa sheegtay in qiiq iyo dab badan ay ka kaceen meel u dhow mid
ka mid ah xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco ee magaalada Riyaad.
Saacado ka hor, wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo warisay
in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Sanca ee caasimadda Yemen, iyadoo
kanaalka Al-Masirah oo ah telefishinka Xuutiyiinta uu sheegay in Sacuudigu uu
duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay qaybo ka mid ah Sanca.
Toddobaadkii hore, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay gantaallo
iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen xarumaha shirkadda
Saudi Aramco ee ku yaalla Yanbu.
Sacuudiga ayaa xilligaas sheegay inay ka hortageen lix
gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo ay Xuutiyiintu ku weerarayeen magaalooyinka
Taif iyo Yanbu, balse ma aysan soo saarin warbixin ku saabsan waxyeello soo
gaartay xarumaha Aramco.
Xog: Cadaadis Mareykanku ku hayo Sri Lanka si ay u diiddo inay adeegyo u fidiso maraakiibta shidaalka ee Iran.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sri Lanka ayaa sheegtay in
cunaqabataynta labaad ee Mareykanka aysan khuseyn oo keliya Sri Lanka laakiin
ay qayb ka tahay siyaasadda caalamiga ah ee Washington.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sri Lanka
ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mareykanka uu uga
digay Sri Lanka in ay adeeg siiyaan maraakiibta Iiraan ee go'doonsan isla
markaana uu ku hanjabay ciqaab.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sri Lanka ayaa sheegtay in
habka loo fulin doono cunaqabataynta labaad ee Mareykanka uu yahay mid cad oo khuseyn doona dhammaan biyaha adduunka oo dhan, waxaana ku jira dhammaan
dalalka, ma aha oo kaliya dalkan.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa Arbacadii sheegay in
qiyaastii 20 markab oo saliida Iiraan qaada oo maran ay ku xayiran yihiin
qiyaastii 24 kiiloomitir xeebta koonfur-galbeed ee Sri Lanka, kuwaas oo
qaarkood ay wajahayaan cunto yaraan, shidaal yaraan, iyo biyaha la cabbo oo ku yar iyaguna.
Sida laga soo xigtay warbixinta, mas'uuliyiinta Mareykanka
ayaa Sri Lanka ku cadaadiyay toddobaadyadii la soo dhaafay inay ka hortagaan
shirkadaha maxalliga ah inay adeegyo siiyaan maraakiibtaan.
Mas'uuliyiinta Sri Lanka ayaa hore u sheegay inay la socdaan
marakiibta Iiraan ee ka baxsan biyaha dhulkeeda.
Safaaradda Mareykanka ee Sri Lanka ayaa dhawaan tababar
saddex maalmood ah u qabatay in ka badan 40 sarkaal oo Sri Lankan ah, taasoo
looga gol lahaa in lagu baro hababka lagu aqoonsado loogana hortago in laga baxsasado cunaqabataynta badda.
AFP ayaa ku warantay in qaraxyo culus laga maqlay magaalada
Sanaa, caasimadda Yemen.
Telefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah Channel, ayaa sheegay
in Sacuudigu uu duqeeyay goobo ka tirsan Sanca.
Wariyeyaasha AFP ayaa sheegay inay maqleen ugu yaraan shan
qarax oo ka dhacay meelo kala duwan, ayna arkeen laba diyaaradood oo dagaal oo
gantaallo ku ridaya magaalada.
Faahfaahin dheeraad ah lama shaacin.
Xuutiyiinta xulafada la ah Iiraan ayaa sii wada weerarrada
ay ku qaadayaan ciidamada Sacuudiga iyo goobaha ay joogaan, iyagoo iyagana
bartilmaameedsanaya duqeymaha cirka ee dowladda Sacuudiga iyo Yemen.
Marka laga soo tago caasimadda, Xuutiyiintu waxay maamulaan
inta badan waqooyiga Yemen iyo xeebteeda Badda Cas.
Xeer ilaaliyaha guud ee Imaaraadka oo sheegay in weerarkii lagu qaaday duuliyihii Flydubai uu ahaa mid aragagixiso
Xeer ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in
duuliyaha diyaaradda Flydubai uu damacsanaa inuu fuliyo weerar
"argagixiso". Waa markii ugu horreysay ee mas'uuliyiinta Imaaraadka
ay dhacdada ku tilmaamaan "argagixiso."
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee
Imaaraadka, Hamad Saif Shamsi ayaa sheegay in duuliyaha diyaaradda uu ku
weeraray duuliyaha faas xaaladaha degdeg ah loogu talagalay isla markaana uu isku dayay
inuu la wareego maamulka diyaaradda.
Faas loogu talogalay in lagu badbaado ayaa yaalla qolka diyaaradda laga hagoiyada oo loogu
talagalay xaaladaha degdegga ah, sida hadii shil diyaaradeed uu dhaco.
Wuxuu intaas ku daray in baaritaanno ay socdaan si loo
ogaado faahfaahinta dhacdada, sababaha suurtagalka ah iyo xiriirka, iyo in la
baaro caddaymaha.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog
ogaal ah, ayaa duuliyaha diyaaradda ku tilmaantay "Hammam Al-Hamami,"
oo u dhashay dalka Cumaan.
Mas'uuliyiinta Imaaraadka weli kama aysan jawaabin codsiyada
xaqiijinta rasmiga ah ee aqoonsigiisa.
Koonfur Kuuriya iyo Japan ayaa sheegay in Waqooyi Kuuriya ay Sabtidii ridday gantaal nooca ballistic-ga ah oo ku dhacay biyaha ku teedsan xeebteeda bari. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee dalkaas uu ku rido gantaal sanadkan.
Ciidamada Koonfur Kuuriya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in gantaalka laga riday aagga Wonsan abaaro 6:30-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah maalintii Sabtida, uuna gaaray masaafo ka badan 700 oo kiiloomitir.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in Seoul iyo Washington ay dib u eegis ku sameynayaan faahfaahinta tijaabadaas. Koonfur Kuuriya ayaa horay dalkaas ugu eedaysay inuu askarteeda dhaawac u geystay qaraxyo miinooyin dhulka lagu aasay oo ay sameysay Waqooyi Kuuriya; eedeyntaas oo ay Waqooyi Kuuriya shalay beenisay.
La taliyeyaasha sare ee Trump oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga tashteen Iiraan
Sida ay sheegtay Axios, xubno sare oo ka tirsan golaha wasiirrada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii si qarsoodi ah ugu kulmay xarunta Camp David, si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka xiga ee ku aaddan dagaalka Iran iyo colaadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ee Yemen.
Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa dad xog-ogaal u ah arrinta, in kulanka uu shir-guddoominayay J.D. Vance, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.
Kulanka ayaa dhacay xilli wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay meel xasaasi ah oo aan horumar lahayn gaareen. Sida warbixintu sheegtay, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa dhowr saacadood ka wada hadlay fursadaha Washington ay ka haysato jawaab ka bixinta arrimaha ka socda gobolka.
Axios waxay xustay in qabashada kulan noocan oo kale ah iyadoo aan horay loo sii shaacin ay tahay tallaabo aan caadi ahayn, iyadoo qortay in kulankii ugu dambeeyay ee la midka ahaa, oo ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, lagu qabtay Camp David bishii Juun 2025, maalmo ka hor inta uusan bilaaban dagaalkii Israa'iil iyo Iran.
Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay aroortii hore ee Sabtida in markab shidaal uu ku dhacay gantaal ama walax aan la aqoonsan, qiyaastii 4 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan Cumaan.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka la soo sheegay inay badqabaan, isla markaana aanay xilligan jirin wax war ah oo sheegaya waxyeello deegaanka soo gaartay.
Hay’addu waxay hore u sheegtay in Jimcihii markab shidaal uu gantaal ku dhacay isagoo ka sii baxayay marin-biyoodka Hormuz, taas oo sababtay dab yar iyo koronto ka go’day markabka.
Trump oo carrabaabay xilliga uu dhammaan karo dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ka hadlayay isu soo
bax olole doorasho oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama, ayaa mar
kale sheegay in dagaalka Iiraan uu dhammaan doono "malaha wax yar kadib
doorashooyinka dhexe."
Warbaahinta NBC News ayaa sheegtay in Trump toddobaadyadii u
dambeeyay marar badan ku celceliyay hadalladan, xilli uu sii kordhayo tirada
Maraykan ka soo horjeeda dagaalka Iiraan.
Khudbaddiisa, Donald Trump wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka
dhaqaale ee Iiraan, isagoo ku andacooday in sicir-bararka dalkaasi uu gaaray
qiyaastii 310%.
Trump wuxuu sidoo kale u sheegay dadkii isu soo baxay: "Dagaalkani
si dhakhso ah ayuu u dhammaan doonaa, malaha isla marka doorashadu dhammaato.
Laakiin marka uu dhammaado, qiimaha shidaalku si weyn ayuu hoos ugu dhici
doonaa."
Wuxuu dhowr jeer ku celiyay in dagaalkani uu mar dhow dhammaan
doono, "si uun ama si kale."
Sida lagu sheegay warbixintan, hadallada Donald Trump ayaa
imanaya xilli xogta la heli karo ay muujinayso in celceliska qiimaha hal gaaloon
oo shidaal ah gudaha Maraykanka uu hadda yahay $3.94.
Kooxda G7 ayaa ku heshiisay inay suuqa kusii deyso 100
milyan oo foosto oo shidaal cayriin ah iyo naafto ah, si loo yareeyo
cadaadiska dhanka sahayda ee sababay in qiimaha shidaalku si weyn u kaco.
Kooxdan oo uu ku jiro Maraykanka, ayaa sheegtay in
tallaabadan ay ka mid noqon doonto sii deyn ballaaran oo naafto ah
maalmaha soo socda.
Madaxweyne Donald Trump ayaa hore ugu hanjabay inuu
mamnuuci doono dhoofinta naaftada Maraykanka, taasoo ah tallaabo hoos u dhigi lahayd
cadaadiska qiimaha ee saaran macaamiisha Maraykanka ka hor doorashooyinka dhexe
ee bisha Noofambar, balse kor u qaadi lahayd qiimaha shidaalka ee dalalka kale.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, G7 waxay ku sheegeen in
dalalka xubnaha ahi ay ku heshiiyeen inay iska ilaaliyaan xayiraadaha
dhoofinta tamarta iyo wax soo saarka tamarta dhexdooda.
Kooxda G7 waxaa xubno ka ah Maraykanka, Boqortooyada
Ingiriiska, Canada, Japan, Jarmalka, Talyaaniga iyo Faransiiska, waxaana
sidoo kale shirarkeeda ka qayb gala Midowga Yurub.
Trump ayaa uga digay inuu joojin doono dhoofinta naaftada
Maraykanka haddii dalalka Yurub aysan oggolaan inay suuqyada keenaan qayb ka
badan kaydadkooda shidaalka.