Australia oo shaacisay tallaabo ay qaadayso oo ku saabsan duuliyihii labaad ee Flydubai

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Mas’uuliyiinta Australia ayaa xaqiijiyay inay baaritaan ku hayaan duuliyihii labaad ee u dhashay Cumaan, kaas oo toddobaadkii hore isku dayay inuu afduubo diyaarad Flydubai ah oo ku socotay Israa'iil.
Kooxda Wadajirka ah ee La-dagaallanka Argagixisada ee Victoria, oo ay ka mid yihiin Booliska Federaalka Australia, Booliska Victoria iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Australia, ayaa “baaraysa xiriirrada uu ninkan la leeyahay Australia,” sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Booliska Federaalka Australia.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in “macluumaad dheeraad ah la bixin doono waqtiga ku habboon.”
Mas’uuliyiinta Australia si rasmi ah uma shaacin magaca duuliyihii labaad, balse warbaahino dhowr ah oo ay ka mid yihiin Reuters, CNN iyo New York Times ayaa magaciisa ku sheegay “Hammam Al-Hamami.”
Warbaahinta ABC Australia, oo soo xiganaysa “ilo xog-ogaal u ah arrintan,” ayaa sheegtay in duuliyihii labaad loo oggolaaday fiisaha ardaynimo ee Australia sannadkii 2014, isla markaana uu dalkaas wax ku bartay intii u dhaxaysay 2015 iyo 2017, ka hor inta uusan dalka ka bixin.
ABC waxay sheegtay in fiisihiisa la kansalay sannadkii 2019, kadib markii la ogaaday inuusan iska diiwaangelin wax koorsooyin ah, sidaas darteedna uusan mar dambe u qalmin fiisaha ardaynimo.
Sida lagu sheegay warbixinta ABC, Kooxda Wadajirka ah ee La-dagaallanka Argagixisada ayaa baaraysa in qofkan uu fikir xagjir ah qaatay intii uu Australia ku sugnaa.








