Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa diyaaradda ku burburtay garoonka Muqdisho

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da

Kooban

Tebin toos ah

  1. Baaritaan DNA oo lagu sameeyey lafaha qof noolaa afar kun iyo shan boqol oo sanno oo muujiyey arrintan

    Baaritaanka DNA-ga oo lagu sameeyey lafaha nin ku noolaa Dooxada Nile qiyaastii afar kun iyo shan boqol (4,500) oo sano ka hor ayaa iftiiminaya xog cusub oo ku saabsan koritaanka ilbaxnimadii hore ee Masar.

    Cilmi-baarayaasha oo arrinta ku qoray joornaalka Nature waxay sheegayaan in qiyaastii shan meelood meel (1/5) oo ka mid ah DNA-giisa uu ka yimid awoowayaal ku noolaa bulshadii ugu horreysay ee wax akhriyi jirtay isla markaana magaalooyinku ka jireen — Mesopotamia, oo ah dalka Ciraaq ee maanta. Waxay sheegayaan in caddeymaha bayoolojiga ah ee muujinaya xiriirka labada dhaqan ay gacan ka geysan karaan fahamka sida Masartii hore ay uga gudubtay beeraley yar-yar una beddeshay mid ka mid ah ilbaxnimadii ugu xoogga badneyd ee abid dunida soo martay.

  2. Ukriane oo walaac xooggan ka muujiyey tallaabo uu Maraykanku qaaday

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Ukraine ayaa walaac ka muujisay in go’aanka maamulka madaxweyne Trump uu ku hakinayo qaar ka mid ah hubka Mareykanka uu geyn jiray Kyiv uu dhiirragelin karo Ruushka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukrayn ayaa martiqaadday diblomaasi Mareykan ah si ay ula yeeshaan wadahadallo. Waxayse ka mahadcelisay taageerada Mareykanka, wasaaraddu waxay si adag u sheegtay in dib u dhac kasta ama gaabis ku yimaada caawinta awoodaha difaaca ee Ukrayn ay kaliya dhiirrigelin doono gardarrada Ruushka in uu dagaalka sii wado halkii uu nabad u raadin lahaa.

    Mareykanka ma uusan xaqiijin hubka ay saamyn doonta hakintooda, laakiin waxaa la rumeysan yahay inay ku jiraan gantaalada difaaca hawada ee Patriot iyo madaafiicda. Kremlin-ka ayaa soo dhaweyeyeey go'aanka Mareykanka.

    Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ukraine ayaa ku tilmaamay hakinta Maraykan mid 'xanuun'. Leh xilli dulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sii socda.

  3. Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka hadashay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Muqdisho

    Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay diyaaraddii manta ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

    Waxay sheegeen inay tacsi u dirayaan ehelada geesiyada geeriyooday iyagoo howlahooda shaqo ku jira iyagoo dhanka kalena caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa uu dhaawaca soo gaaray.

    Waxaa kale oo ay intaa ku dareen inay garab taaganyihiin Soomaalida iyo xubnaha Midowga Africa xiligan adag.

  4. Madaxweynaha Iiran oo saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta dalkiisa iyo haya’dda IAEA

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Iiran Masoud Pezeshkian, yaa si rasmi ah u saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta Tehran la leedahay hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, IAEA. Sharcigan ayaa horay waxaa u ansixiyay baarlamaanka Iiraan, waxaana oggolaaday Golaha Ilaalinta Dastuurka ee awoodda badan leh.

    Tallaabadan waxay timid kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen xarumo nukliyeer iyo shaqsiyaad ka tirsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Sharciga ayaa sii shaqayn doona ilaa shuruudo gaar ah la fuliyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaalinta xarumaha nukliyeerka Iiraan iyo badbaadinta saynisyahannada ka shaqeeya barnaamijkaas.

  5. AUSSOM oo war ka soo saaray diyaaradii ku dhacday garoonka Muqdisho

    War qoraal oo ay soo saareen howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay diyaar nooca qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda oo ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

    War saxaafadeedka AUSSOM ayaa lagu yiri: – Arbacadii abbaare 7:30 subaxnimo, diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo leeyihiin Militariga Uganda ee ka mida howlgalka Midowga Afrika ayaa si halhaleel ah degtay wax yar ka hor inta aysan soo gaarin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, xilli ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.

    Saddex qof oo ka mid ahaa siddeed rakaab ah oo saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyey, waxaana loo qaaday Isbitaalka Heerka Labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loogu fidiyo daryeel caafimaad.

    Hawlgalka baadigoobka iyo badbaadinta ayaa wali socda si loo helo xubnaha kale eeshaqaalihii iyo rakaabkii hadhay.

    Dhanka kale, maamulka duulista ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay shilkan sida lagu yirii warsaxaafadeedka.

  6. Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha xabbad-joojin 60 maalmood ah oo ka dhacda Qasa

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Israa’iil ayaa oggolaatay "shuruudaha lagama maarmaanka ah" si loo dhammaystiro xabbad-joojin 60 maalmood ah oo ka dhacda Qasa, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Qoraal uu ku daabacay barta Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in inta lagu jiro xabbad-joojinta la soo jeediyey, Mareykanka uu "la shaqayn doono dhammaan dhinacyada si loo dhammeeyo dagaalka." Mase uusan bixin faahfaahin ku saabsan waxa xabbad-joojintu ka koobnaan doonto.

    "Qadar iyo Masar, oo si adag uga shaqeeyay sidii nabad loo heli lahaa, ayaa keeni doona soo-jeedintan ugu dambeysa. Waxaan rajaynayaa… in Xamaas ay aqbasho heshiiskan, sababtoo ah ma heli doonaan mid ka wanaagsan — XAALADDA KALIYA AYAA SII XUMAAN DOONTA," ayuu Trump qoray.

    Israa'iil ma aysan xaqiijin in ay ogolaatay shuruudaha heshiiska. Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in kooxdu ay "diyaar u tahay oo ay dhab ka tahay" inay heshiis gaaraan haddii ay soo afjaraan dagaalka.

  7. War cusub oo ka soo kordhay dacwadda loo haysto "Diddy"

    edeymaha ka dhanka ah Combs ayaa keeni kara in xabsi daa'in lagu xukumo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, edeymaha ka dhanka ah Combs ayaa keeni kara in xabsi daa'in lagu xukumo

    Garsoorayaasha dacwadda fannaanka Sean "Diddy" ayaa iksu raacay afar ka mid ah shanta eedeymood ee lagu soo oogay, balse waxay sheegeen in aanay weli go’aan ka gaadhin eedeynta ugu culus oo ah "dambiyo abaabulan" oo haddii lagu helo keeni kara xabsi daa'in.

    Jawiga maxkamadaynta ayaa ahaa mid kacsan. Diddy oo 55 jir ah ayaa fadhiyay isagoo madax hoos u dhigaya, gacmihiisana isku dhejinaya. Garsoorayaashu waxay mar kale kulmi doonaan subaxa Arbacada si ay u sii wadaa go’aan ka gaadhista fannaankan.

    Diddy waxa uu beeniyay dhammaan shanta eedeymood oo ay ku jiraan: kufsi, dambiyo abaabulan iyo ka ganacsiga galmada.

    Fannaankan caanka ku ah heesaha Hip-hop ee Sean "Diddy" Combs ayaa haatan ku jira xabsi heer federaal dalkaasi Mareykanka waxaana loo heystaa eedeymo la xiriira wax is dama marin iyo xad-gudubyo galmo.

    Xiriddiisa toddobaadkii lasoo dhaafay ee magaalada New York ayaa imaaneysa iyadoo dacwado dhowr ah laga gudbiyay oo ku saabsan tacaddi galmo iyo kuwo jir ahaaneed, qaarkood ayaa loo heystaa inuu galay sanadihii 1990meeyadii.

    Dacwoodaha 11aad ahna qofkii ugu dambeeyay, Thalia Graves, ayaa sheegtay in Combs iyo ilaaladiisa ay dhulka ku jiideen ayna kufsadeen sanadkii 2001, ayna duubeen dhacdada.

  8. Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa diyaaradda ku burburtay garoonka Muqdisho

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Munasar

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda ayaa ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho sida uu BBC-da u xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin.

    Diyaaradda oo ka soo kacday garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku burburtay qaybta garoonka ciidamada cirka ee garoonka, waxana saarnaa siddeed qof oo ay ku jiraan duuliyeyaashii diyaaradda, waxana socda gurmad la doonayo in lagu bakhtiiyo diyaaradda oo uu dab xoog leh qabsaday, lamana oga masiirka dadkii saarnaa diyaaradda.

    Waxaa duullimaadkeedii dib u dhigtay shirkadda Turkish Airline sababo la xiriirra shilka ka dhacay garoonka, waxaase garoonka ka dagtay diyaaradda Daalo iyo kuwa yaryar ee gobollada dalka ka shaqeeya.

    Illaa hadda lama oga sababta dhalisay shilka diyaaradda, waxaase socda baaris la xiriirta arintaas sida uu BBC-da u sheegay maareeyaha hay’adda duulista raiydka Axmed Macallin.

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Munasar

  9. Maxaa keenay in madaxweyne dhintay 45 sano ka hor loo sameeyo aas qaran

    William Tolbert

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, William Tolbert

    Madaxweynihii hore ee Liberia, William Tolbert ayaa loo sameeyay aas ​​qaran, kaddib 45 sano oo ka soo wareegtay markii lagu dilay afgambi iyada oo la rumeysan yahay in meydkiisa uu ku jiray dad lagu aasay xabaal wadareed.Toban maalmood kaddib markii madaxweynaha la dilay ayaa maxkamad ku taalla Kangaroo, 13 ka mid ah golahiisa wasiirrada laga xayuubiyay xilalkii ay hayeen. Intaas kaddib waa xidhay ka hor intii aan idl toogasho lagu fulun. Toogashadaasi waxay ka dhacday xeebta xigta xero ciidan oo ku taall caasimadda Monrovia.Meydadka 14 ka nin ayaan midkoodna la helin, balse nin walba loo smaeeyay aas qaran oo ay ka qeyb galeen madaxweyne Joseph Boakai iyo marti sharaf kale.Munaasabadan ayaa loo arkayay mid dib u heshiisiin ah oo qeyb ka ah hannaanka uu dalka uga soo kabanayo rabshadihii dhawaan dhacay.

  10. Trump oo hanjabaad u diray dalka Jabbaan

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu canshuur 30% ama 35%" saarayo Japan, haddii aan la gaadhin heshiis u dhexeeya labada dal ka hor dhammaadka toddobaadka soo socda.

    Tallaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay waxa uu Trump ugu yeedhay "Maalinta Xoriyadda" ee 2-da Abriil, markaasi oo uu ku dhawaaqay canshuuro dheeraad ah oo la saaray soo dejinta badeecadaha ee dalalka adduunka.

    Trump ayaa sidoo kale hadda ka hor shaki geliyay in heshiis lala gaadhi karo Tokyo. "Waxaan la macaamilnay Japan. Ma hubo in aan heshiis la geli doono. Waan ka shakisanahay," ayuu u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan Air Force One, Talaadadii.

    Japan ayaa diidday in ay ka hadasho hanjabaadda Trump ee ah in uu kordhinayo cashuuraha intii lagu guda jiro shir jaraa’id oo dhacay Arbacadii.

  11. Maraykanka oo hakiyay shixnad hub ah oo u socotay Ukrayn

    Volodymyr Zelensky oo la sawiran Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Volodymyr Zelensky oo la sawiran Donald Trump

    Mareykanka ayaa hakiyay qayboka mid ah hub loo daabuli jiray dalka Ukrayn, sida uu sheegay Aqalka Cad. Waa tallaabo ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeystay dagaalka Ruushku uu kula jiro Ukrayn.

    Go'aanka ayaa lagu sifeeyay y "in danaha Mareykanka mudnaanta kowaad la siinayo" kaddib markii ay Waaxda Difaaca dib u eegis ku sameysay "taageerada millitariga iyo caawinta Maaeykanka ee dalalka kale", afhayeenka Aqalka Cad Anna Kelly ayaa sidaas sheegtay, Talaadadii.

    Maraykanka ayaa balaayiin Doollar oo gargaar mlilitari ah u diray Ukrayn tan iyo markii Ruushka uu duullaan ballaadhan ku qaaday bishii February 2022, taasi oo keentay in qaar ka mid ah maamulka Trump ay walaac ka muujiyaan hoos-u-dhac ku yimaadda kaydka Maraykanka.

    Dowladda Ukrayn ayaan ka hadlin ku dhawaaqista go'aankan. Saraakiisha Maraykanka ayaan isla markiiba sheegin kuwa ay yihiin shixnadaha la hakiyay.