TOOS, Imaaraadka oo joojiyay dhammaan ganacsigii iyo is-weydaarsigii maaliyadeed ee uu la lahaa Iran iyo Iran oo ka jawaabtay

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Imaaraadku sheegay in Iran dhankeeda looga soo riday laba gantaal hase-yeeshee Iran ayaa arrintaas ku tilmaantay mid aan sax ahayn.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Faransiiska oo dalkiisa ka eryaya laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah

    Faraansiiska ayaa ku dhawaaqday inuu maalmaha soo socda dalka ka eryi doono laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu Talaadadii ku daabacay barta X.

    Tallaabadan ayaa timid maalin kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ay sheegtay in laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Faransiiska, kuwaas oo ku lug lahaa khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhacay Tehran bishii Luulyo, aan loo oggolaan doonin inay dib ugu laabtaan Iiraan.

    Wasaaradda Sirdoonka ee Iiraan ayaa dowladda Faransiiska ku eedaysay “faragelin ku saabsan arrimaha gudaha Iiraan iyo isku day ay ku doonayso inay saameyn ku yeelato dalka.”

    19-kii Luulyo, wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ciidamada ammaanka Iiraan ku eedeeyay inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee labada shaqaale, isagoo sheegay in si ula kac ah loo xiray loona cabsi geliyay.

    Xiisadda ayaa sii kordhisay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Paris iyo Tehran, iyadoo labada dhinac ay hadda qaadeen tallaabooyin is-daba-joog ah oo ka dhan ah diblomaasiyiinta midba midka kale

  2. Netanyahu oo falcelin adag kala kulmay sawirkii Erdogan ee uu adeegsaday

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Erdogan

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo isu diyaarinaya doorashada guud ee la qabanayo 27-ka Oktoobar, ayaa ololihiisa doorashada ku isticmaalay boor ay ku jiraan sawirka iyo hadalladii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo isaga ku saabsan.

    Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa Isniintii, shalay, qabanayay doorasho hordhac ah oo ay ka qaybgalayaan xubnaha xisbiga, si loo go'aamiyo liiska musharraxiinta xisbiga ee doorashada baarlamaanka Israa'iil ee Knesset.

    Faahfaahin iyo xog dheeraad ah halkan ka ahriso: Netanyahu oo sawirka Erdogan u isticmaalay ololihiisa doorashada

  3. Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hakiyay xiriiradii uu lahaa Iran

    Imaaraadka iyo Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Imaaraadka iyo Iiraan

    Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu hakisay dhammaan xiriirradii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahaayen Iran ilaa amar dambe, kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda gobolka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aanka uu ka dhashay dagaalka sii kordhaya oo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.

    Saacado ka hor inta aan go’aanka la shaacin, Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay inay ogaatay laba gantaal oo ballistic ah oo Iran laga soo tuuray oo ku wajahnaa Imaaraadka.

    Sida ay wasaaraddu sheegtay, mid ka mid ah gantaallada wuxuu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee Imaaraadka, halka kan kalena uu ku dhacay meel ka mid ah ciidda Imaaraadka.

    Tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalalka gobolka ee ay saameeyeen weerarrada Iran.

    Xiisadda cusub ayaa hadda mar kale sare u qaaday khatarta amni ee Imaaraadka, iyadoo labada dhinac ay hore ugu jireen xaalad dagaal iyo xiisad aad u daran.

  4. Faa’iidooyinka aan la wada ogeyn ee uu leeyahay koob shaah ah oo aad cabto maalin kasta

    Koob shaah ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Koob shaah ah

    Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.

    Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.

    Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .

    Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka iyo awoodda .

    Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay, miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas oo dhaaman shaahu xoojin karo.

    Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12 boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.

    In ka badan saddex-meelood laba oo ah (68.5 boqolkiiba) waxay tilmaameen in ay cabaan maalinkii hal koob kafeega ah , halka 42.2 boqolkiiba ay cabaan laba ilaa saddex koob maalintii, ayada oo 4.9 boqolkiiba ay cabbaan 4 koob ama ka badan maalintii.

    Natiijooyinka waxay muujiyeen in cabbitaanka kafeega ama shaaha ee da'da dhexe qofka ku jira ay waxtar u leedahay, waxaana daraasadda lagu sheegay in kafeega uu aad u wanaagsan yahay marka labadooda la is barbardhigo.

    Daraasadan la daabacay ayaa xaqiijisay in cabbitaanka laba ilaa saddex koob oo kafee ah maalin kasta ay si weyn u dheerayn karto nolosha qofka .Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa cabayay shaaha iyo kafeega kumanaan qarni ka hor iyagoo u arka inuu wanaagsan yahay.

    Daraasado badan ayaa muujiyay in shaaha uu kaalin mug leh ka qaato habka difaaca jirka, la dagaalanka caabuqyada sababa bararka, xanuunada kansarka iyo wadna xanuunka.Khubarada cuntada ee dalka Maraykanka ayaa horay shaaca uga qaaday in Shaaha uu jirka u leeyahay faa’iido caafimaad oo ay ka mid tahay korriinka jirka.

    Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Shaaha bigayska ee sida joogtada ah loo isticmaalaa uu jirka u leeyahay faa’iido aan la soo koobi karin, sababtoo ah waxa ku jira, Maadada loo yaqaan Flavonoids iyo Antioxidants oo ah maadooyin la dagaalama waxyaabaha gabowga jirka ku dhaliya isla markaana firfircooni galiya dhiiga iyo koriinka jirka oo wasakhda ka saara.

    Iyadoo uu shaaha iyo kafeegu leeyihiin dhammaan faa’idooyinkaas ayaa haddana waxaa jira khataro caafimaad oo ka dhalan kara haddii uu qofka si xad dhaaf ah u isticmaalo.

    Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa ka mid ah haddii aad kafeega si xad dhaaf ah aad u cabto, taas ayaa laga yaabaa inay kuu horseeddo neerfahaaga oo aad u kaco iyo degenaansho la'aan, waxaana laga yaabaa inay carqaladeyso hurdadaada.

    Ugu danbeeyna xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa qaba in shaaha iyo kafeega ay muhiim yiiin, balse waxaa ay ku taliyeen in aan si xad dhaaf ah loo cabin, sokortana laga yareeyo, ama haddii loo bahdo aan lagu darin.

  5. War deg deg ah, Dad laga musaafurinayo Mareykanka oo la gaynayo dalka Liberia

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Liberia waxay oggolaatay inay qaabisho ilaa 1,200 qof oo laga masaafurinayo Maraykanka, kuwaas oo aan asal ahaan u dhalan Liberia, muddo hal sano ah. Tani waxay ka mid tahay heshiisyada ugu waaweyn ee noocan ah, iyadoo Maraykanku sii adkaynayo siyaasaddiisa ka dhanka ah socdaalka sharci-darrada ah.

    Dadka la keenayo waxay ka iman doonaan Afrika, Waqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika iyo Kariibiyaanka. Kooxdii ugu horreysay oo ka kooban 20 qof ayaa la filayaa inay Liberia gaaraan Khamiista.

    Mas’uuliyiinta Liberia waxay sheegeen in dadkaas la baaray ka hor intaan la keenin, waxaana la sheegay in badankoodu ay galeen xadgudubyo la xiriira sharciga socdaalka.

    Dadka la keenayo waxay sidoo kale heli doonaan fursad ay magangelyo uga codsadaan Liberia, ama ay dalka uga baxaan haddii ay doonayaan.

    Dowlado kale oo Afrikaan ah ayaa iyaguna hore u bilaabay inay qaabilaan dad Maraykanku masaafurinayo oo aan si sharci ah loogu celin karin dalalkoodii.

  6. War deg deg ah, Kooriyada Koonfureed oo ka jawaabtay warkii ka soo yeeray Trump

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in dhoollatusyada milatari ee ay hadda wadajir ula waddo Maraykanka la soo afjari doono lix maalmood ka hor waqtigii loo qorsheeyay, sidoo kalena la yareyn doono baaxaddooda.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa amray in dhoollatusyada la dhimo. Wuxuu ku tilmaamay kuwo aan habboonayn oo cadaawad ku ah Kuuriyada Waqooyi.

    Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha Maraykanku uu rajaynayo inuu Kim Jong Un, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, la kulmo dabayaaqada sanadkan.

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung, ayaa ku baaqay in dalkiisu yeesho awood difaac oo madax-bannaan oo xoog badan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo ku-tiirsanaanta Maraykanka ee dhinaca difaaca.

  7. War deg deg ah, Wararka waxaa ugu waaweyn Imaaraadka iyo Iran oo khilaaf ka dhex qarxay, Uk iyo Ruushka oo hadallo dhiilo leh hawada isu marinaya. Xuutiyiinta oo weeraray xaruumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay iyo colaaddi Mareykanka iyo Iran oo meesheedii ka sii socota

  8. War deg deg ah, Iran oo si adag uga falcelisay tallaabada Imaaraadka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa beeniyay sheegashada Imaaraadka Carabta ee ah in Iran ay gantaallo ku ridday dalkooda.

    War-saxaafadeed uu soo saaray, Baghaei wuxuu sheegay in “eedeymaha” Imaaraadku ay yihiin kuwa aan sal iyo raad lahayn. Wuxuu sheegay in tallaabada Imaaraadku ay ka hor imaaneyso mabda’a deris-wanaagga, isla markaana ay carqaladeynayso dadaallada lagu xoojinayo kalsoonida iyo ka hortagga sii xumaanshaha amni-darrada gobolka.

    Saacado kaddib markii Imaaraadku sheegay in laba gantaal oo ballistic ah laga soo tuuray Iran, Abu Dhabi waxay ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan macaamiladii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahayd Iran ilaa amar dambe. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay in mid ka mid ah gantaallada uu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee dalka, halka kan kalena uu ku dhacay ciidda Imaaraadka..

    Iran, si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkeysaneysaa in sheegashada Imaaraadku aysan sax ahayn. Khilaafkan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli xiriirka labada dal uu mar kale aad u xumaaday, iyadoo horey loo soo sheegay weerarro iyo eedeymo la xiriira maraakiibta Imaaraadka ee marayay marin-biyoodka Hormuz

  9. War deg deg ah, Imaaraadka oo qaaday tallaabo caro leh kadib markii gantaallo lagu weeraray

    Imaaraadka

    Xigashada Sawirka, Shutterstock

    Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu hakisay dhammaan xiriirradii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahaayen Iran ilaa amar dambe, kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda gobolka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aanka uu ka dhashay dagaalka sii kordhaya oo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.

    Saacado ka hor inta aan go’aanka la shaacin, Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay inay ogaatay laba gantaal oo ballistic ah oo Iran laga soo tuuray oo ku wajahnaa Imaaraadka.

    Sida ay wasaaraddu sheegtay, mid ka mid ah gantaallada wuxuu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee Imaaraadka, halka kan kalena uu ku dhacay meel ka mid ah ciidda Imaaraadka.

    Tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalalka gobolka ee ay saameeyeen weerarrada Iran.

    Xiisadda cusub ayaa hadda mar kale sare u qaaday khatarta amni ee Imaaraadka, iyadoo labada dhinac ay hore ugu jireen xaalad dagaal iyo xiisad aad u daran.