TOOS, Imaaraadka oo joojiyay dhammaan ganacsigii iyo is-weydaarsigii maaliyadeed ee uu la lahaa Iran iyo Iran oo ka jawaabtay
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Imaaraadku sheegay in Iran dhankeeda looga soo riday laba gantaal hase-yeeshee Iran ayaa arrintaas ku tilmaantay mid aan sax ahayn.
Faransiiska oo dalkiisa ka eryaya laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Faraansiiska ayaa ku dhawaaqday inuu maalmaha soo socda dalka ka eryi doono laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah.
Faraansiiska ayaa ku dhawaaqday inuu maalmaha soo socda dalka ka eryi doono laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu Talaadadii ku daabacay barta X.
Tallaabadan ayaa timid maalin kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ay sheegtay in laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Faransiiska, kuwaas oo ku lug lahaa khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhacay Tehran bishii Luulyo, aan loo oggolaan doonin inay dib ugu laabtaan Iiraan.
Wasaaradda Sirdoonka ee Iiraan ayaa dowladda Faransiiska ku eedaysay “faragelin ku saabsan arrimaha gudaha Iiraan iyo isku day ay ku doonayso inay saameyn ku yeelato dalka.”
19-kii Luulyo, wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ciidamada ammaanka Iiraan ku eedeeyay inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee labada shaqaale, isagoo sheegay in si ula kac ah loo xiray loona cabsi geliyay.
Xiisadda ayaa sii kordhisay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Paris iyo Tehran, iyadoo labada dhinac ay hadda qaadeen tallaabooyin is-daba-joog ah oo ka dhan ah diblomaasiyiinta midba midka kale
Netanyahu oo falcelin adag kala kulmay sawirkii Erdogan ee uu adeegsaday
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Erdogan
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo isu diyaarinaya doorashada guud ee la qabanayo 27-ka Oktoobar, ayaa ololihiisa doorashada ku isticmaalay boor ay ku jiraan sawirka iyo hadalladii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo isaga ku saabsan.
Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa Isniintii, shalay, qabanayay doorasho hordhac ah oo ay ka qaybgalayaan xubnaha xisbiga, si loo go'aamiyo liiska musharraxiinta xisbiga ee doorashada baarlamaanka Israa'iil ee Knesset.
Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hakiyay xiriiradii uu lahaa Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Imaaraadka iyo Iiraan
Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu hakisay dhammaan xiriirradii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahaayen Iran ilaa amar dambe, kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aanka uu ka dhashay dagaalka sii kordhaya oo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.
Saacado ka hor inta aan go’aanka la shaacin, Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay inay ogaatay laba gantaal oo ballistic ah oo Iran laga soo tuuray oo ku wajahnaa Imaaraadka.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, mid ka mid ah gantaallada wuxuu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee Imaaraadka, halka kan kalena uu ku dhacay meel ka mid ah ciidda Imaaraadka.
Tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalalka gobolka ee ay saameeyeen weerarrada Iran.
Xiisadda cusub ayaa hadda mar kale sare u qaaday khatarta amni ee Imaaraadka, iyadoo labada dhinac ay hore ugu jireen xaalad dagaal iyo xiisad aad u daran.
Faa’iidooyinka aan la wada ogeyn ee uu leeyahay koob shaah ah oo aad cabto maalin kasta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Koob shaah ah
Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in
cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto
da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.
Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa
Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee
Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa
74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.
Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis
ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay
iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .
Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la
waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka
iyo awoodda .
Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood
oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay,
miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas
oo dhaaman shaahu xoojin karo.
Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka
qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12
boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.
In ka badan saddex-meelood laba oo ah (68.5 boqolkiiba)
waxay tilmaameen in ay cabaan maalinkii hal koob kafeega ah , halka 42.2
boqolkiiba ay cabaan laba ilaa saddex koob maalintii, ayada oo 4.9 boqolkiiba
ay cabbaan 4 koob ama ka badan maalintii.
Natiijooyinka waxay muujiyeen in cabbitaanka kafeega ama
shaaha ee da'da dhexe qofka ku jira ay waxtar u leedahay, waxaana daraasadda
lagu sheegay in kafeega uu aad u wanaagsan yahay marka labadooda la is
barbardhigo.
Daraasadan la daabacay ayaa xaqiijisay in cabbitaanka laba
ilaa saddex koob oo kafee ah maalin kasta ay si weyn u dheerayn karto nolosha
qofka .Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa cabayay shaaha iyo
kafeega kumanaan qarni ka hor iyagoo u arka inuu wanaagsan yahay.
Daraasado badan ayaa muujiyay in shaaha uu kaalin mug leh ka
qaato habka difaaca jirka, la dagaalanka caabuqyada sababa bararka, xanuunada
kansarka iyo wadna xanuunka.Khubarada cuntada ee dalka Maraykanka ayaa horay shaaca uga
qaaday in Shaaha uu jirka u leeyahay faa’iido caafimaad oo ay ka mid tahay
korriinka jirka.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Shaaha bigayska ee sida
joogtada ah loo isticmaalaa uu jirka u leeyahay faa’iido aan la soo koobi
karin, sababtoo ah waxa ku jira, Maadada loo yaqaan Flavonoids iyo Antioxidants
oo ah maadooyin la dagaalama waxyaabaha gabowga jirka ku dhaliya isla markaana
firfircooni galiya dhiiga iyo koriinka jirka oo wasakhda ka saara.
Iyadoo uu shaaha iyo kafeegu leeyihiin dhammaan
faa’idooyinkaas ayaa haddana waxaa jira khataro caafimaad oo ka dhalan kara
haddii uu qofka si xad dhaaf ah u isticmaalo.
Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa ka mid ah haddii aad kafeega si
xad dhaaf ah aad u cabto, taas ayaa laga yaabaa inay kuu horseeddo neerfahaaga
oo aad u kaco iyo degenaansho la'aan, waxaana laga yaabaa inay carqaladeyso
hurdadaada.
Ugu danbeeyna xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa qaba in
shaaha iyo kafeega ay muhiim yiiin, balse waxaa ay ku taliyeen in aan si xad
dhaaf ah loo cabin, sokortana laga yareeyo, ama haddii loo bahdo aan lagu
darin.
War deg deg ah, Dad laga musaafurinayo Mareykanka oo la gaynayo dalka Liberia
Xigashada Sawirka, Getty Images
Liberia waxay oggolaatay inay qaabisho
ilaa 1,200 qof oo laga masaafurinayo Maraykanka, kuwaas oo aan asal ahaan
u dhalan Liberia, muddo hal sano ah. Tani waxay ka mid tahay heshiisyada ugu
waaweyn ee noocan ah, iyadoo Maraykanku sii adkaynayo siyaasaddiisa ka dhanka
ah socdaalka sharci-darrada ah.
Dadka la keenayo waxay ka iman doonaan Afrika,
Waqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika iyo Kariibiyaanka. Kooxdii ugu horreysay
oo ka kooban 20 qof ayaa la filayaa inay Liberia gaaraan Khamiista.
Mas’uuliyiinta Liberia waxay sheegeen in
dadkaas la baaray ka hor intaan la keenin, waxaana la sheegay in badankoodu ay
galeen xadgudubyo la xiriira sharciga socdaalka.
Dadka la keenayo waxay sidoo kale heli
doonaan fursad ay magangelyo uga codsadaan Liberia, ama ay dalka uga
baxaan haddii ay doonayaan.
Dowlado kale oo Afrikaan ah ayaa iyaguna hore
u bilaabay inay qaabilaan dad Maraykanku masaafurinayo oo aan si sharci ah
loogu celin karin dalalkoodii.
War deg deg ah, Kooriyada Koonfureed oo ka jawaabtay warkii ka soo yeeray Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in dhoollatusyada
milatari ee ay hadda wadajir ula waddo Maraykanka la soo afjari doono lix
maalmood ka hor waqtigii loo qorsheeyay, sidoo kalena la yareyn doono
baaxaddooda.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa amray in dhoollatusyada la
dhimo. Wuxuu ku tilmaamay kuwo aan habboonayn oo cadaawad ku ah Kuuriyada
Waqooyi.
Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha
Maraykanku uu rajaynayo inuu Kim Jong Un, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,
la kulmo dabayaaqada sanadkan.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung,
ayaa ku baaqay in dalkiisu yeesho awood difaac oo madax-bannaan oo xoog
badan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo ku-tiirsanaanta Maraykanka
ee dhinaca difaaca.
War deg deg ah, Iran oo si adag uga falcelisay tallaabada Imaaraadka
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa beeniyay sheegashada Imaaraadka Carabta ee ah in Iran ay gantaallo ku ridday dalkooda.
War-saxaafadeed uu soo saaray, Baghaei wuxuu sheegay in “eedeymaha” Imaaraadku ay yihiin kuwa aan sal iyo raad lahayn. Wuxuu sheegay in tallaabada Imaaraadku ay ka hor imaaneyso mabda’a deris-wanaagga, isla markaana ay carqaladeynayso dadaallada lagu xoojinayo kalsoonida iyo ka hortagga sii xumaanshaha amni-darrada gobolka.
Saacado kaddib markii Imaaraadku sheegay in laba gantaal oo ballistic ah laga soo tuuray Iran, Abu Dhabi waxay ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan macaamiladii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahayd Iran ilaa amar dambe. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay in mid ka mid ah gantaallada uu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee dalka, halka kan kalena uu ku dhacay ciidda Imaaraadka..
Iran, si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkeysaneysaa in sheegashada Imaaraadku aysan sax ahayn. Khilaafkan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli xiriirka labada dal uu mar kale aad u xumaaday, iyadoo horey loo soo sheegay weerarro iyo eedeymo la xiriira maraakiibta Imaaraadka ee marayay marin-biyoodka Hormuz
War deg deg ah, Imaaraadka oo qaaday tallaabo caro leh kadib markii gantaallo lagu weeraray
Xigashada Sawirka, Shutterstock
Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu hakisay dhammaan xiriirradii ganacsi iyo maaliyadeed ee ay la lahaayen Iran ilaa amar dambe, kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aanka uu ka dhashay dagaalka sii kordhaya oo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba.
Saacado ka hor inta aan go’aanka la shaacin, Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay inay ogaatay laba gantaal oo ballistic ah oo Iran laga soo tuuray oo ku wajahnaa Imaaraadka.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, mid ka mid ah gantaallada wuxuu ku dhacay meel ka baxsan biyaha dhuleed ee Imaaraadka, halka kan kalena uu ku dhacay meel ka mid ah ciidda Imaaraadka.
Tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalalka gobolka ee ay saameeyeen weerarrada Iran.
Xiisadda cusub ayaa hadda mar kale sare u qaaday khatarta amni ee Imaaraadka, iyadoo labada dhinac ay hore ugu jireen xaalad dagaal iyo xiisad aad u daran.