You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran oo gantaallo ku garaacday isbitaal ku yaalla Israa'iil iyo khasaare la soo werinayo

Halkan kala soco tabinta tooska ah iyo wararka dunida

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran oo beenisay in ay weerartay isbitaal Israa'iil ku yaalla

    Wakiillad Iran ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay been wararka sheegaya in Iran ay gantaal ku weeraratay isbitaal ku yaalla koonfurta Israa’iil, Iran ma bartilmaameedsato kaabayaal rayid ah.” Ayaa lagu yiri war la baahiyay

    Qoraal ay Iran ku baahisay barteeda X-Net ee New York ayaa lagu yiri: “Tallaabooyinkeena difaaca waa kuwo sax ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana lagu beegsadaa oo keliya meelaha si toos ah u taageeraya duullaanka sharci-darrada ah ee Israa’iil.”

    Horey, Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran, Abbas Araqchi, ayaa beeniyay in isbitaalka Soroka la beegsaday, isagoo sheegay in bartilmaameedku uu ahaa xarumo milatari oo ku wareegsan isbitaalka, islamarkaana waxyeellada isbitaalka ay ka dhalatay “walxo ka yimid xaruumahaas.”

  2. DAAWO: Sawirro muujinaya khasaaraha gaaray isbitaal Israa'iil ku yaalla oo Iran weerartay

    Waxaa hadda na soo gaaray sawirro muujinaya Khasaaraha iyo burburka soo gaaray isbitaal ku yaalla Israa'iil kaddib markii Iran ay gantaal ku weerartay.

  3. Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha oo si adag uga hadlay weerarda Israa'iil ku qaadday Iran

    Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushka ayaa si adag u cambaareeyay weerarada Israa’iil ay ku qaaday Iran, waxayna ku baaqeen in xiisadda la dejiyo.

    Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa yeeshay wadahadal khadka telefoonka ah, waxayna ku muujiyeen taageeradooda in xalka lagu gaaro wadahadal diblomaasiyadeed.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araaqi, ayaa lagu wadaa inuu Jimcaha kulan la yeesho wasiirada dhiggiisa ah ee dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Britain, kaasoo ka dhacaya magaalada Geneva. Ku-xigeenkiisa, Saeed Khatibzadeh, ayaa u sheegay BBC-da in Iran ay diyaar u tahay diblomaasiyad, balse ay sii wadi doonto iska caabbinta weerarada Israa’iil.

  4. War deg deg ah, Israa'iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei,

    Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, “In uusan xaq u lahayn inuu sii noolaado.” Israel Katz ayaa ku adkeystay in Ayatollah Khamenei laga dhigo mid mas’uul ka ah weerarkii gantaalka ee Iran ay la beegsatay isbitaal ku yaalla agagaarka Tel Aviv.

    Bukaanno badan ayaa laga saaray isbitaalka Beersheba maalintii ka horreysay weerarka, taasoo badbaadisay nolosho. Iran ayaa sheegtay in bartilmaameedkeedu uu ahaa xarun ciidan oo ku dhow isbitaalka.

    Hadalka Katz ayaa muujinaya in militariga Israa’iil ay hadda ka fiirsanayaan in ay isku dayaan dilka hoggaamiyaha Iran, kaddib markii ay horey u dileen saraakiil badan oo ka tirsanaa ciidamada Iran.

  5. Soomaali laga soo samatabixiyay duqeymaha Israa'iil ka waddo Iran

    Safaaradda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga ayaa qoraal ay barteeda Facebook, ku baahisay ku sheegtay in ay u suurta gashay in xuduudda ay wadaagaan Iran iyo Turkiga laga soo samatabixiyay dhaqatar Soomaali ah oo ku soo dhaawacmay duqeymihii Israa’iil ka gaysatay magaalda Tehran.

    Dhaqatar Mustafa Cali Macalin oo dalka Iran ka baranayay caafimaad ayaa ka mid ahaa tiro dhalinyaro Soomaali ah oo Iran qaarkood u joogay waxbarasha iyo ganacsi.

    Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara ayaa horey u baahisay in ay ku howlantahay arrinta ku saabsan soo samata-bixinta dadka Soomaalida ah ee dalkaasi duqeymuhu ku qabsadeen.

  6. Muxuu yahay welwelka soo food saaray Iraniyiinta ah ku nool dibadaha?

    Waxaa iminka na soo gaaraya in dadka Iraniyiinta ah ee ku nool dibadda ay si weyn isugu dayayaan inay la xiriiraan asxaabtooda iyo ehelkooda ku sugan gudaha Iran.

    Sepideh, oo ku nool Jarmalka, ayaa u sheegtay BBC-da inaysan wax war ah ka helin qoyskeeda tan iyo galabnimadii shalay.

    "Internet-ka waa maqan yahay, waxaanan awoodi la'ahay inaan waco iyada oo la adeegsanayo WhatsApp-ka. Ma jiro hab kale oo aan si toos ah ama si dadban ugla xiriiri karo qoyskeyga, aad ayaan u welwelsanahay hadda, sababtoo ah ma garanayo xaaladda ay qoyskaygu ku sugan yihiin," ayay tiri.

    Amin, oo ku nool UK, ayaa ku sugan xaalad la mid ah midaas. Ma uusan helin wax war ah oo ku saabsan qoyskiisa muddo dhowr maalmood ah, mana oga in ay badqabaan iyo in kale.

    "Xitaa marka aan si toos ah u waco, cidna iga jawaabi mayso," ayuu yiri Amin. "Xitaa hadda ma awoodo inaan shaqeeyo."

  7. Iiraan oo diginin u dirtay Mareykanka isla markaana wacad ku martay in ay “cashar u dhigi doonto kuwa ka gardaran”.

    Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran ayaa u digay Maraykanka iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ka fiirsanayo inuu ku biiro weerarrada ay Israa’iil ku hayso xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

    Warbaahinta dowladda Iran oo soo xiganeysa Kazem Gharibabadi ayaa lagu yiri: "Haddii Mareykanku uu doonayo in uu si firfircoon u soo farageliyo taageerada Israa'iil, Iran ma heli doonto doorasho kale oo aan ahayn in ay adeegsato qalabkeeda si ay cashar ugu dhigto kuwa gardarada wada oo ay is difaaceyso."

    Madaxweynaha Iran oo shacabka dalkaas kula hadlay baraha bulshada ayaa sheegay, in uu faray qeyb kasta oo ka mid ah dowladda in ay “u adeegto Iran”.

    Halkan kala soco wararkan wixi ka soo kordho

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  8. Dib u milicsi: Israa'iil oo sheegtay sida kaliya ee ay uga badbaadi karto khatarta Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegay in haddii la sii hagaajiyo xiriirka ay la leeyihiin waddamada saaxiibka la ah ee ka tirsan Ururka Jaamacadda ay heli doonaan "xalka kaliya" ee ka caawin kara in ay ka guuleystaan khatarta uga imaan karta Iiraan.

    Waxa uu wasiirku hadalkan jeediyay kaddib markii Israa'iil lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee ay isugu imaadaan diblomaasiyiinta sar sare ee Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

    Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed - oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco - ayaa xiriir la sameystay Israa'iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir ah uma aysan lahayn.

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan horumarinta xiriirkooda saaxiibtinnimo.

    Diblomaasiyiinta Jaamacadda Carabta, oo ay wehliyaan Xog hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa sidoo kale isku waafaqay in ay taageeraan hannaanka nabadeed ee la doonayo in xal loogu helo dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Falastiin.

    Dhammaantood waxa ay taageersan yihiin in la dhiso dowlad madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka barbar dhisan Israa'iil, arrintaas oo uu Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Naftali Bennett, meesha ka saaray.

  9. Tirada dhaawacyada Israa'iil oo kordhay

    Waxaan na soo gaaray warar kale oo ka yimid adeegga degdegga ah ee Israa'iil, Magen David Adom.

    Waxay sheegayaan in guud ahaan 65 qof hadda laga tacaalayo oo laga dabiibayo dhaawacyo ka dib duqaymo goor sii horeysay ay Iran ka fulisay guud ahaan dalka.

    Tan waxaa ku jira nin 80 jir ah iyo laba dumar ah oo 70 jir ah oo ku jira "xaalad halis ah", laba dumar ah oo 80 jir ah oo ku jira "xaalad dhexdhexaad ah", 42 qof oo ku jira "xaalad fudud" iyo 18 qof oo dhaawacmay intii ay u socdeen inay bambooyinka gabbadaan.

    Adeeggu wuxuu sheegay in goor dhow shaacin doonaan warar kale oo dheeri ah.

  10. War deg deg ah, Iran oo ka hadashay bartilmaameedkeeda saxda ah ee weerarkii maanta

    Bartilmaameedka ugu weyn ee gantaalka saaka ee Iiraan ayaa ahaa saldhig ciidan oo ku taala meel u dhow Isbitaalka Soroka ee Beersheba, ma ahan isbitaalka laftiisa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee IRNA, weerarka ayaa lala beegsaday xarun ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa’iil “taliyaha iyo sirdoonka (IDF C4i)” iyo xero sirdoon iyo milatari oo ku taala Gav-Yam.

    "Isbitaalku waxaa kaliya soo gaaray waxyeelada ka dhashay qaraxaqaraxa mana gaarin khasaare ba'an, laakiin kaabayaasha milatarigu waxay ahaayeen bartilmaameedka saxda ah" ayay warbixintu intaas ku dartay.

    Wariyaasha BBC-da ayaa ku si jeeda isbitaalka ay wax ka dhaceen, wixii war ah oo soo kordhana halkan ayaad kala socon doontaan.

  11. In ka badan 30 qof oo ku dhaawacantay weerarka ay Iiraan ku qaaday Israa'iil

    Dhakhaatiirta caafimaadka ee Israa'iil ayaa dabiibaya ugu yaraan 32 qof oo dhaawac ah ka dib weerarradii ugu dambeeyay ee Iran, sida uu sheegay adeegga degdegga ah ee Israa'iil Magen David Adom (MDA).

    Laba qof, ookala ah nin da'diisu tahay 80 jir iyo haweeney 70 jir ah, ayaa xaaladoodu aad u liidato, halka 30 qof oo kalena ay qabaan dhaawacyo fudud, oo u badan qaraxyada iyo firirka, ayuu yiri adeegga MDA.

    Warbixin taa ka duwanna, dhaqtar ka tirsan MDA, Yossi Shilo, ayaa sheegay in kooxdiisu ay arkeen "burbur ballaaran" oo gaaray goob dhisme ah”.

    Haweeney da'deedu ay ku dhowdahay 60 jir ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoo ku jirta "xaalad halis ah", ayuu intaa raaciyay.

    Iiraan war ayay soo saartay, halkan kala sii soco.

  12. Iran oo gantaal ku garaacday isbitaal ku yaala Israa'iil

    Isbitaal ku yaalla magaalada Beersheba ee Israa’iil ayaa goor hore oo subaxnimada manta ah lagu garaacay gantaal ay Iiraan leedahay iyadoo dagaalku galay maalinkii 7-aad.

    Muuqallo gobta laga soo duubay ayaa muujinaya burbur baaxad leh, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan dhaawacyo.

    Seeriga digniinta ee duqeymaha cirka ah ayaa laga maqlay guud ahaan Israa'iil waxaana jira warar sheegaya in ugu yaraan lix weerar oo kale halka dhaawacyo kale oo badan laga soo sheegayo magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

    Lixdan diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa xalay beegsaday Iran - ka dib markii Israa'iil ay uga digtay dadka inay ka baxaan aagga dhexe, oo u dhow magaalada Arak ee waqooyi galbeed ee Iiran.

    Wixii ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan

  13. Xarunta nukliyeerka Iiraan ee qarsoon oo Mareykanka keliya duqeyn karo

    LinkXaruntan waxay ku taalaa dhulka buuraleyda koonfureed ee magaalada Texraan ee caasimadda Iiraan.

    Waa xarun muhiim ah nukliyeerka Iiraan, Israa’iilna waxay dooneysaa inay weerarto

    Fardow waa xarunta labaad ee nukliyeerka Iran. Waxay ku tool gunta hoose ee buuraha u dhow magaalada Qom oo 95 kilomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimada ee Tehran, wuxuuna kanaalka dhulka hoostiisa ah isku xiraa Ingiriiska iyo Faraansiiska, waana mid anaan gaarin hubka Israa’iil.

    Keliya Mareykanka ayaa loo arkaa inuu leeyahay awoodda u uku weerari karo xaruntaas, tallaabadaas oo sii adkeyn karta xiisadda Bariga Dhexe. Israa’iil hubka ay heysato ee ay ku weerari karto xaruntan, balse waxay gaaraan oo keliya 10 m(33 fiit) oo dhulka hoostiisa ah.

    Waxay ku taal meel qiyaastii 60 mayl (96km) koonfurta ka xigta caasimadda Texraan

    Sanadkii 2006-dii ayaa la bilaabay dhismaha xaruntaas, waxayna shaqada bilowday 2009-kii markaas oo Tehran ay si rasmi ah ugu dhawaaqday jiritaankeeda.

    Inkastoo la sheegay xarunta Fardow in ay ku taal 80 mitir meel ka hooseysa dhul dhagax iyo ciid adag, hadana waxaa ilaaliya gantaalada Iran iyo Ruushka.

    Bishii Maarso ee sanadkii 2023-kii, waxay Hay'ada Atoomikada Caalamiga heshay qeybo ka mid ah yuraaniyamka oo la naaxiyay ilaa iyo 83.7 boqolkiina, taas oo aad ugu dhow in hub laga dhigo.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  14. War deg deg ah, Maxuu Putin ka yidhi in la dilo Aayatulaah Cali Khamani?

    Mar ay saxafiyiintu wax ka weydiiyeen suurtagalnimada in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Aayatulaah Cali Khamani, hogaamiyaha Ruushka wuxuu yiri:

    "Xitaa ma doonayo in aan ka hadlo suurtagalnimadan, ma doonayo." Waxaas oo dhan waan maqlaa, laakiin xitaa ma rabo inaan ka hadlo,” ayuu u sheegay saxafiyiin ku sugnaa madasha dhaqaalaha ee St Petersburg.

    Mar sii horaysay ayay wakaalada wararka ee AFP waydiisay in Iran ay caawimo waydiisatay Ruushka iyo in kale. Putin ayaa ku jawaabay: “Saaxiibadayada Iran nama ay weydiin arrintan”.