Qof u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay siddeed
sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah hub
iyo agab milatari uga dhoofiyay Mareykanka una diray Waqooyiga Kuuriya, sida ay
sheegtay waaxda caddaaladda Mareykanka.
Shenghua Wen, oo 42 jir ah, ayaa la sheegay inuu qaatay ku
dhowaad 2 milyan oo doollar oo uu ka helay saraakiil Waqooyiga Kuuriya ka soo
jeedda si uu hubka uga dhoofiyo gobolka California, sida lagu sheegay
war-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay waaxda caddaaladda.
Wen, oo deganaa magaalada Ontario ee gobolka California,
ayaa la xiray tan iyo Diseembar 2024. Bishii Juun 2025, wuxuu qirtay dambiyo ay
ka mid yihiin inuu ka shaqeynayay si uu u jebiyo Xeerka Cunaqabataynta
Dhaqaalaha Caalamiga ah iyo inuu ahaa wakiil sharci-darro ah oo u shaqeynayay
dowlad ajnabi ah.
Kiiska Wen wuxuu muujinayaa hababka ay Waqooyiga Kuuriya
uga gudubto cunaqabataynta caalamiga ah ee lagu soo rogay ganacsigeeda hubka.
Waaxda caddaaladdu waxay ku tilmaantay Wen inuu yahay
“muhaajir sharci darro ah”, waxayna sheegtay inuu ku yimid Mareykanka isagoo
wata fiisaha ardaynimada sanadkii 2012, balse uu sii joogay dalka ka dib markii
fiisihiisu dhacay Diseembar 2013.
“Ka hor inta uusan u safrin Mareykanka, Wen wuxuu la
kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Waqooyiga Kuuriya oo uu kula kulmay
safaaradda Waqooyiga Kuuriya ee Shiinaha,” ayay tiri waaxda caddaaladdu.
“Saraakiishan ayaa u dhiibay hawlo uu ku soo iibsado agab ay u baahantahay
Waqooyiga Kuuriya.”
Bishii 2022, laba sarkaal oo Waqooyiga Kuuriya ka soo
jeeda ayaa la xiriiray Wen iyagoo adeegsanaya baraha fariimaha internetka,
waxayna ku amreen inuu si qarsoodi ah uga dhoofiyo hub iyo agab kale Mareykanka
loona geeyo Kuuriyada Waqooyiga.
Sanadkii 2023, Wen wuxuu konteennarro hub ah ka diray
dekedda Long Beach ilaa Shiinaha, isagoo beegsaday in ay ugu dambeyn gaaraan
Waqooyiga Kuuriya. Wuxuu si khaldan u sheegay macluumaadka ku saabsan waxa
saarnaa kantoonnarradas
Mid ka mid ah konteenarradaas, oo uu ku sheegay in uu siday
qaboojiye, ayaa gaaray Hong Kong bishii Janaayo 2024, ka dibna loo sii diray
magaalada Nampo ee Waqooyiga Kuuriya.
Sidoo kale, Wen wuxuu iibsaday shirkad hubka iibisa oo ku
taalla Houston isagoo isticmaalaya lacag uu ka helay sarkaal Waqooyiga Kuuriya u
dhashay, wuxuuna hubka uga raray Texas ilaa California si loogu dhoofiyo.
Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, wuxuu iibsaday ku
dhowaad 60,000 oo xabbo oo rasaas ah, isaga oo qorsheynayay in uu u diro
Waqooyiga Kuuriya.