Go'doominta Maraykanka ee dekadaha Iiraan oo dhaqan gashay, iyadoo Trump sii wado hanjabaada ka dhana ah dalkaas

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in la “baabi’in doonno” maraakiibta Iiraan” haddii ku soo dhwaadeen marakiibta badda ee Marayakanka

Tebin toos ah

  1. Trump oo la weydiiyay suurtagalnimada wada-hadallo dambe oo dhexmara Iiraan iyo wixii ku jawaabay

    Trump ayaa la weydiiyay suurtagalnimada wada-hadallo dambe oo dhexmara Mareykanka iyo Iran, ka dib markii ay ergooyinkoodu ku guuldareysteen inay heshiis ku gaaraan dalka Pakistan dhammaadkii toddobaadka.

    "Waxay si aad u weyn u rabaan inay heshiis gaaraan."

    "Iran ma yeelan doonto hub nukliyeer ah," ayuu yiri, waana arrinta weli ah caqabadda ugu weyn ee u dhaxaysa labada dhinac.

    "Waxyaabo badan ayaan ku heshiinnay, laakiin arrintaas kuma aynan heshiin."

    Balse wuxuu sheegay in "hubaal" in Iiraayniyiintu ugu dambeyntii oggolaan doonaan. "Haddii aysan oggolaan, heshiis ma jiro," ayuu yiri Trump.

  2. Hadal uu jeediyey Trump oo Raysal Wasaaraha Talyaaniga si adag ugu hortimid

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in dhaleecaynta Donald Trump ee ku aaddan Pope Leo ay tahay mid "aan la aqbali karin."

    "Waxaan u arkaa ereyada Madaxweyne Trump ee ku aaddan baadire weynaha, kuwo aan la aqbali karin. Pope-ku waa madaxa kaniisadda Katooligga, waana mid sax ah oo munaasib ah inuu ku baaqo nabad uuna cambaareeyo dhammaan noocyada dagaalka," ayay tiri bayaan ay soo saartay.

    Hadalkan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka uu hadalo dhaliila u jeediyey Pope-ka.

  3. Ra’iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay xaaladda Bariga Dhexe iyo qodabada uu taabtay

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa hadda soo gunaanaday khubad uu jeediyey xubnaha Baarlamanaka isagoo warbixin ka siiyey xaaladdaha Bariga Dhexe.

    Waxyaabaha uu soo qaaday intii hadlayey Starmer waxaa ka mid ahaa

    • Heshiiska xabbad-joojinta ee Maraykanka iyo Iran waa “mid si cad loo soo dhaweynayo,” balse Lubnaan waa in lagu daraa shuruudaha heshiiska
    • Wuxuu rajeynayaa in wada-hadalladu sii socdaan iyada oo aan xiisaddu sii kordhin, gaar ahaan Marinka Hormuz oo uu ku tilmaamay “boog sii furan,” oo Iran si xun uga faa’iidaysatay
    • Saameynta dhaqanka Iran waxay sababaysaa khasaare dhaqaale oo “aad u weyn,” oo ka muuqda “meel kasta oo shidaal lagu iibiyo dalka”
    • Ganacsiyada tamarta, maraakiibta, caymiska iyo maaliyadda ayaa u sheegay in maraakiibtu aysan mari doonin marinka ilaa uu noqdo mid ammaan ah
    • Boqolaal waddan ayaa toddobaadkan dambe ku kulmi doona shir looga hadlayo xaaladda marin-biyoodka muhiimka ah
    • Shirkaas wuxuu diiradda saari doonaa dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo xal wada-hadal ah iyo dib u furista marinka, sidoo kale qorshe milatari oo lagu “xaqiijinayo badbaadada maraakiibta” mustaqbalka
  4. Trump oo soo saaray hanajbaad cusub oo ka dhana Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in iiraan “maraakiibta wax weerarta” la “ baabi’in doono” hadii ay ku soo dhawaadaan maraakiibta badda ee Marayakanka ee go’doominta. Sida uu k usheegay qoral cuusb uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

    “Ciidamada badda ee Iran waxay ku jiran badda, si dhammaystiran ayaa loo buburbiyey, 158 markab. Waxa aynaan weli garaacin waa tiro yar oo ka mid ah waxa ay ugu yeeraan ‘doonyaha weerarka degdegga ah,’ sababtoo ah uma aanan arkin khatar weyn,” ayuu Trump qoray.

    “Digniin: Haddii mid ka mid ah maraakiibtan ay si kasta ugu soo dhowaadaan xannibaaddeena, isla markiiba waa la BAABI’IN DOONAA, iyadoo la adeegsanayo isla nidaamka dilka ee aan u isticmaalno daroogada lagu qaado doonyaha badda.”

  5. Xog cusub oo ka soo korortay xaaladda hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei

    Xog cusub oo ka soo korortay xaaladda hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei

    Xigashada Sawirka, DPA/Alamy Live News

    Hoggaamiyaha cusub ee sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa wali ka kabanaya dhaawacyo darran oo wejiga iyo lugaha ah oo ka soo gaaray weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay aabbihii billowgii dagaalka, sida ay saddex qof oo u dhow saaxiibbadiisa gaarka ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wejiga Khamenei ayaa ku doorsoomay weerarkii lagu qaaday xarunta hoggaamiyaha sare ee bartamaha Tehran, wuxuuna dhaawac weyn ka soo gaaray mid ama labada lugoodba, sida ay sheegeen dhammaan saddexda ilood.

    Si kastaba ha ahaatee, 56-jirkan ayaa ka kabanaya dhaawacyadiisii, maskaxdiisuna wali waa mid firfircoon, sida laga soo xigtay dadkan codsaday in aan magacyadooda la sheegin.

    Wuxuu ka qayb qaadanayaa kulamo uu la leeyahay mas'uuliyiinta sare isagoo adeegsanaya shirarka cod ahaan, wuxuuna ku lug leeyahay go'aan ka gaarista arrimaha waaweyn oo ay ka mid yihiin dagaalka iyo wada-xaajoodyada lala leeyahay Washington, sida ay sheegeen laba ka mid ah ilahaas.

    Su'aasha ku saabsan in caafimaadka Khamenei ee u oggolaanaysa inuu maamulo arrimaha dawladda ayaa timid xilli Iiraan ay ku jirto xilligii ugu xasaasisaneed muddo tobanaan sano ah, iyadoo wadahadallo nabadeed oo xasaasi ah ay Islamabad ugu soo dhammaadeen Maraykanka kuwaas oo furmay shalay.

  6. Warar cusub oo ka soo kordhay go’doomita Maraykanka ee dekadaha Iiraan

    Warar dheeraad ah oo ku saabsan qoraalka loo diray shaqaalaha Maraabiibta oo ka timid Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom), ayey markii ugu horreysay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Qoraalkaas, Centcom waxaa lagu sheegtay in xannibaaddu ay daboolayso “dhammaan xeebaha Iran,” balse aan ku koobnayn, dekedaha Iran iyo xarumaha saliidda.

    Waxay sidoo kale intaa ku dartay in gargaar bani’aadannimo sida cunto iyo sahay caafimaad la oggolaan doono, balse ay mari doonaan kormeer.

    Sidoo kale akhri

  7. Xog laga helay waxa ay la kulmi karaan maraakiibta jabisa go’doominta Maraykanka ee Iiran

    Ship

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada Maraykanka ayaa lagu wadaa inay dhaqan geliyaan xannibaad ka dhacaysa Gacanka Cumaan iyo Badda Carbeed, dhanka bari ee Marinka Hormuz. Tani waxay khuseyn doontaa dhammaan maraakiibta, iyadoon loo eegin calanka ay wataan, sida lagu sheegay qoraal ay Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom) u direen marakiibta, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Centcom ayaa ka digtay in maraakiibta “soo galaya ama ka baxaya aagga xannibaadda iyagoo aan haysan oggolaansho ay la kulmi doonaan qabasho, leexin iyo in la gacanta lagu dhigo,” sida ku xusan qoraalka.

    Xannibaadda ayaa la qorsheeyay inay bilaabato shanta galabnimo ee waqtiga maxaliga ah, sida qoraalku xaqiijinayo.

    Waxa kale oo lagu sheegay: “Xannibaaddu ma carqaladayn doonto marin caadi ah oo dhexdhexaad ah oo loo maro Marinka Hormuz, kuna socda ama ka imanaya meelaha aan Iran ahayn.”

    Sidoo kale akhri

  8. Netanyahu oo war cusub soo saaray

    Benjamiin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay taageersan tahay go’doominta badda ee Mareykanku ku soo rogay dekedaha Iran.

    Khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay golihiisa wasiirrada, ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu yiri: “Madaxweyne Trump wuxuu go’aansaday inuu ku soo rogo xannibaad badeed. Annaguna, dabcan, waan taageersanahay mowqifkan adag.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la hadlay madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance Axaddii, kadib wadahadallo lala yeeshay Iran. Vance ayaa u sheegay Netanyahu in “arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la tirtiro dhammaan walxaha [nukliyeerka] la hodmiyay iyo in la hubiyo in aanay jirin wax hodmin ah oo dambe,” sida ku cad khudbadda muuqaalka.

    Netanyahu wuxuu sheegay in Vance uu ka soo wacay diyaaraddiisa isagoo ka soo laabanaya Pakistan, isla markaana uu si faahfaahsan uga warbixiyay horumarka wadaxaajoodyada lala leeyahay Iran.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu intaas ku daray in wax kasta oo tilmaamaya kala fogaansho u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ay yihiin “wax gebi ahaanba ka soo horjeeda xaqiiqada.”

    Sidoo kale akhri

  9. Maxaa ka jira in Shiinaha uu hub siinayo Iiraan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa warbixinnada ku saabsan in hub la siinayo Iiraan ku tilmaantay "eedayn aan sal iyo raad lahayn".

    Maalmihii ugu dambeeyay, warbaahinta Mareykanka ayaa daabacday warbixinno ku saabsan arrintan, iyagoo soo xiganaya ilo sirdoon.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Guo Jiaqin, ayaa shir jaraa'id ka sheegay, in Shiinuhu uu had iyo jeer qaato hab "mas'uuliyad leh" oo "si taxaddar leh" marka la eego dhoofinta hubka.

    Shiinaha ayaa si isdaba joog ah u sheegay in uusan hub ka iibin dalalka uu dagaalku ka socdo.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sidoo kale ku baaqday "xakameyn" dhinac walba ah waxayna rajo ka muujisay in xabad joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ay noqoto "mid joogto ah.

    Sidoo kale akhri

  10. Sida siyaasiyiin sarsare oo Maraykan ah ay ugu ololeyayaan xil ka qaadista Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Baaqyada lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo Trump iyada oo la adeegsanayo qodobka 25-aad ayaa si weyn waxaa u soo dhaweeyay xisbiga Dimuqraadiga oo ku tilmaamay hadalka madaxweynaha Mareykanka mid mas'uuliyad darro ah iyo "dambiyo dagaal".

    Dalka isu arka nabad ilaaliye caalami ah ayaa hadda dib loogu soo celiyay sharciga caalamiga ah. Waxaa kaloo jirta in hogaamiyihii dhaliilsanaa habka loo maamulo siyaasadda gudaha ee dal kale uu hadda ku dhaqmayo wax ka yaabiyay indhaha caalamka.

    Kamala Harris: Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Kamala Harris ayaa ka mid ah dadka aadka ugu horyimid qaabka uu haatan Trump wax ku wado.

    "Falalka Trump waxay halis gelinayaan ciidamadeena geesiyaasha ah."

    Ilhaan Cumar: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Minnesota ayaa ku baaqday in xilka laga xayuubiyo Madaxweyne Trump Talaadadii ka dib markii uu ugu hanjabay Iran inuu xasuuqi doono Iran haddii dalkaasi uu gaari waayo heshiis dib loogu furayo marin biyoodka Hormuz.

  11. “Hadii uu Mareykanka mar kale tijaabiyo dulqaad-keena, waxaan u dhigi doonaa cashar weyn” - Qalibaf

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    MaxamedBaaqir Qalibaf, oo ka jawaabaya amarkii Donald Trump ee ahaa in la xiro marin biyoodka Hormuz, ayaa yiri: "Hanjabaadaha Trump ee dhawaanahan wax saameyn ah kuma lahan qaranka Iiraan. Tani ma aha hal-ku-dheg. Waan caddeynay. Haddii Mareykanku mar kale tijaabiyo rabitaankeenna, waxaan bari doonnaa cashar ka weyn kii hore" ayuu yiri.

    Isagoo Axaddii la hadlayay wariyeyaasha safarkiisa Pakistan iyo wadahadallada uu la galay JD Vance, Mr. Qalibaf wuxuu ku nuuxnuuxsaday: "Waxaan tan iyo bilowgii ku dhawaaqnay inaanan ku kalsoonayn Mareykanka. Derbigayaga kalsooni-darrada ah waa 77 sano jir, waxayna laba jeer nagu soo weerareen bartamaha wadahadallada wax ka yar hal sano gudaheed. Markaa waa kuwa ay tahay inay kasbadaan kalsoonidayada.

    Isagoo ka jawaabaya hadalladii ugu dambeeyay ee Donald Trump iyo digniintiisii ​​ku saabsanayd marin biyoodka Hormuz, Mr. Qalibaf wuxuu yiri: "Hanjabaadaha noocan oo kale ah wax saameyn ah kuma lahan qaranka Iiraan. Waxaan caddeynay inaysan ahayn hal-ku-dheg, adduunkuna ayaa taas ku arkay indhihiisa... Haddii aad dagaallantaan, waan dagaallami doonnaa, haddii aad la timaadaan caqli, si lamid ah ayaan idinkula macaamili doonaa. Iskuma dhiibi doono hanjabaad kasta; ha tijaabiyaan rabitaankeenna mar kale si aan cashar weyn u barno.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka "dalab xad dhaaf ah iyo codsiyada sharci darra ah".

    Sidoo kale akhri

  12. War deg deg ah, Raysal wasaaraha Ingiriiska oo hadda hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Raysal wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in UK "aysan taageersanayn xayiraad lagu soo rogo" dekedaha Iiraan.

    Starmer ayaa haatan la hadlay barnaamijka BBC Radio 5

    Wuxuu sheegay in jawaabta UK ay diiradda saarayso sidii loo furi lahaa Marinka Hormuz sababtoo ah "sidaas ayaan qiimaha tamarta hoos ugu dhigi karnaa sida ugu dhakhsaha badan". ayuu yiri.

    Markii la weydiiyay inuu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, mas'uul ka yahay saameynta ay ku yeelatay qiimaha tamarta ee UK, Starmer jawaab tos ah kama uusan bixin.

    Wuxuu sheegay in "waxa ugu muhiimsan" ee uu sameyn karo ay tahay inuu isu keeno dalalka, si ay ugu baaqaan in la joojiyo xiisadda iyo in la furo marin biyoodka.

    Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay tahay cidda sababtay xayiraadda gaadiidka ee ka gudbaya Khaliijka, wuxuuna sheegay in UK aan lagu jiidin dagaalka.

    Sidoo kale akhri

  13. War ka soo kordhay ciidamada Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa goor dhow a sugayaa inuu hadal jeediyo raysal wasaaraha Ingiriiska, Keir Stermer, kaas oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Khaliijka.

    Intaa aan sugeyno inuu hadlo starmer, dhanka kale war ayaa ka soo kordhay ciidamada Iiraan.

    Ciidamada Iiraan ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan xayiraadda Mareykanka uu ku soo rogay dekedaha Iiraan, iyagoo hanjabaadaha Washington ku tilmaamay kuwo sharci darro ah, isla markaana ku tilmaamay fal burcad badeednimo.

    War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee IRIB ee dowladda Iiraan, ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto xakamaynta marin biyoodka Hormuz, xitaa marka dagaalku dhammaado, iyo in maraakiibta cadowga la shaqeeya aysan xaq u lahayn inay maraan biyaha dhulka Iiraan.

    Digniin loo diray dalalka kale ee Khaliijka, militariga Iiraan ayaa sheegay, in amniga dekedaha gobolka "uu yahay mid qof walba u gaar ah ama mid aan cidna u gaar ahayn" haddii dekedaha Iiraan uu bartilmaameedsado Mareykanka, "ma jiri doonto deked ku taal Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan oo ammaan ah" ayaa lagu yiri qoraalka.

    Sidoo kale akhri

  14. Muxuu yahay waxa gaarka ah ee uu Mareykanku leeyahay wuu go’doominayaa?

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ka dib markii Mareykanka iyo Iiraan ay ku guuldareysteen inay heshiis nabadeed ka gaaraan Pakistan, Donald Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu bilaabi doono "GO’DOOMINTA” Maraakiibta isku dayaya inay galaan ama ka baxaan, Marinka Hormuz ".

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa markii dambe sheegay in ciidamadoodu ay si aan kala sooc lahayn u dhaqan gelin doonaan xayiraadda maraakiibta ka baxaya iyo kuwa soo galaya dekedaha Iiraan, oo ay ku jiraan kuwa Gacanka iyo Gacanka Cumaan .

    Si kastaba ha ahaatee, Centcom waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Mareykanka aysan caqabad ku noqon doonin xorriyadda maraakiibta u kala goosha dekedaha aan Iiraan ahayn .

    Qoraal uu maanta so dhigay bartiisa Social, Trump wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu bilaabi doono xannibaadda maraakiibta soo galaya iyo kuwa ka baxaya dekedaha Iiraan gelinka dambe ee maanta.

    Trump ayaa sheegay in dalal kale ay ka qeyb qaadan doonaan go'doominta, balse ma uusan sheegin dalalka kale. BBC-da ayaa fahamsan in UK aysan ku lug yeelan doonin xannibaadda.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka "dalab xad dhaaf ah iyo codsiyada sharci darra ah".

    Sidoo kale akhri

  15. Jooji 5-tan qodob si aad farxad ugu noolaatid

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Inta badan waxaynu maqalnaa dhammaan waxyaalaha ay tahay inaan samayno si aan u helno nolol farxad leh, oo dhammaystiran. Laakiin ka waran waxyaalaha ay tahay in aan joojino samayntooda si aanu ugu noolaano nolol farxad leh?

    Rumayso ama ha rumaysan, in aad maya tiraahdo waxyaalaha qaarkood waxa ay muhiim u tahay farxaddaada.

    Waxaanu eegeeynaa dhowr qodob oo ay tahay inaad joojiso si aad farxad ugu noolaato.

    1: Inaad wax walbo haye tirahdo

    Inaad noqoto qof waxa walba ‘haye’ yirado ah ma ahan jawaabta ugu fiican ee aad bixiso.

    Dhab ahaantii, waxaanu niraahnaa 'maya' marar badan, sooma ogid inuu jiro filim dhan oo la yirahdo (Yes Man) oo ku saabsan waxyaabaha suurtogalka ah ee dhacaya adduunka.

    Laakiin, ‘haa’ had iyo jeer maaha jawaabta ugu fiican – gaar ahaan ma aha haddii aad rabto inaad faraxsanaato.

    2: Baacsiga kaamilnimada ama nolol dhameystiran

    Waxaa laga yaabaa inaad wali kuugu jirto maskaxdaada inaad aaminsan tahay in ku dadaalida kaamilnimada ay kuu horseedeyso farxad.

    Dhab ahaantii, raadinta kaamilnimada ayaa si liddi ku ah u diidaysa inta badan buuxinta iyo raaxaysiga nolosha.

    Bal qiyaas haddii qof walba uu gaaro heerkaas nolosha dhameystiran.

    3: Cuqdadda ama inaad qof caloosha xumaan ugu hayso

  16. Ingiriiska iyo go’aankiisa ku aaddan xayiraadda Trump ee dekedaha Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, PA

    BBC-da ayaa fahaMsan in UK aysan ka qayb qaadan doonin fulinta go'doominta militariga Mareykanka ee dekedaha Iiraan.

    Maraakiibta iyo ciidamada badda ee Ingiriiska looma isticmaali doono inay xannibaan dekedaha Iiraan, laakiin qalabka miinooyinka ka saara iyo awoodaha ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee UK ayaa sii wadi doona inay ka shaqeeyaan gobolka.

    Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa yiri: "Waxaan sii wadeynaa taageerada xorriyadda marin-biyoodka iyo furitaanka Marinka Hormuz, kaas oo si degdeg ah loogu baahan yahay buu yiri, si loo taageero dhaqaalaha adduunka iyo qiimaha nolosha ee dib loogu soo nooleeyo waddankeenna."

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhaqan gelinta go'doominta dhammaan gaadiidka badda ee soo gala iyo kuwa ka baxa dekedaha Iran Isniinta.

    Waxay intaa ku dareen in maraakiibta ka imaanaya meelo kale loo ogolaan doono inay maraan marin biyoodka Hormuz, oo ah marin biyood muhiim ah oo Iran ay si hufan u xirtay iyadoo ka jawaabaysa weerarada Mareykanka iyo Israel.

    Sidoo kale akhri

  17. Trump ma waxuu doonayaa inuu soo celiyo weerarada cirka ah ee Iraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Rogaal-celis: Mareykanka iyo Iiraan oo sii wada khilaafka ka dhashay wadahadalladii nabadda

    Mareykanka iyo Iiraan weli kala taagan ka dib markii wadahadalladii nabadda ee ka socday Pakistan ay burbureen.

    Maxaa u dambeeyay oo dhacay?

    • Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu bilaabi doono xayiraadaha maraakiibta soo galaya iyo kuwa ka baxaya dekedaha Iiraan wixii ka bilowda gelinka dambe ee maanta.
    • Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in xayiraadda si aan kala sooc lahayn loogu fulin doono maraakiibta ka kala socda dhammaan waddamada - si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in ciidamadoodu "aysan hor istaagi doonaan xorriyadda marinka maraakiibta ka gudbaya Marinka Hormuz ee ka baxaya iyo kuwa ka imanaya dekedaha aan Iiraan ahayn".
    • Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in maraakiibta militariga ee ku soo dhawaada marin biyoodka loo arki doono inay jebinayaan xabad joojinta hadda jirta, isla markaana "si xun loola macaamili doono"
    • Warbixin ay soo saartay Wall Street Journal ayaa lagu sheegay, in Trump uu ka fiirsanayo inuu dib u bilaabo weerarrada cirka ee Iiraan. Aqalka Cad ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan xulashooyinka ay miiska saaran yihiin. Kaas oo la xirriira inuu Trump dib u bilaabi doono weeraradii cirka ahaa ee ka dhanka ahaa Iiraan go’aanna laga gaari doono.
    • Trump ayaa sheegay in Iiraan ay wali rabto inay sii waddo hamigeeda nukliyeerka , isagoo wacad ku maray, in Mareykanka uu hubin doono in "Iiraan aysan yeelan doonin hub nukliyeer ah".
    • Burburka wadahadallada nabadda iyo kororka qiimaha saliidda ayaa saameeyay dhaqaalaha adduunka – qiimaha shidaalka ayaa hadda ka sarreysaa $100 halki barmiil.

    Sidoo kale akhri

  18. Muhiimadda marinka Hormuz iyo halka uu ku yaalo

    .

    Marinka Hormuz waa halbowlaha ganacsiga ee muhiimka ah kaas oo soo mara qiyaastii 20% saliidda dunida.

    Marinka Hormuz oo ballaciisa meesha ugu dhuuban ay dhan tahay 40 Km gees-ka-gees, waa waddada qura ee dunida ku xirta shidaalka ka yimaada dalalka kulaala Gacanka Persia, dhiilladan la xiriirta xiritaankiisana waxaa durbadiiba laga dareemay suuqyada dunida oo walaac uu soo food saaray.

    Haddaba ahmiyadda marinka Hormuuz ku fadhiyo, waxaa noo sharraxaya Axmed Maxamed Mooge oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa shidaalka dunida.

    "Hormuuz wuxuu ka mid yahay shan marin oo baddu ka siriqsan tahay, kuwaas oo kala ah Hurmuz, Suez, Baab ul Mandab, Malaika iyo Panama canal. Marka shantaas marin la eegana Hormuz kan ugu saxmadda badan. Waxaana maalintii mara 17 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Shidaalkaas wuxuu ka kala yimaadaa dalalka kala ah Iran, Ciraaq, Kuweyd, Baxrayn, Qadar iyo qayb ahaan Sacuudi Careebiya iyo Imaraadka Carabta. Tusaale ahaan Sacuudiga oo maalintii dhoofiyta 10 milyan oo barmiil maalintii, 7 milyan oo ka mid ah wuxuu ka dhoofiya dhinaca Hormuuz. Waxaana la oran karaa Hormuz waa halbowlaha shidaalka dunida".

    Ilaa 3,000 ama wax ka badan markab ayaa sida caadiga ah ka shiraacda marinka bil kasta. Sannadkii 2025, qiyaastii 20 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa soo mara marinka maalintii.

    Waa qoto dheer oo ku filan booyadaha saliidda cayriin ee ugu weyn adduunka, waxaana isticmaala shirkadaha shidaalka iyo gaaska waaweyn ee Bariga Dhexe - iyo macaamiishooda.

    Sidoo kale akhri

  19. Iiraan oo si adag uga hadashayin la xayirayo dekadaheeda

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in go’adoominta marin-biyoodka Hormuz ay bilaaban doonto galinka dambe ee Isniinta maanta ah, isla markaana ay saameyn doonto oo keliya maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iiraan.

    Iiraan waxay sheegtay in maraakiibta militariga ee soo mara marinkaas “si daran loola dhaqmi doono”, halka afhayeenka baarlamaanka dalkaasna uu sheegay, in Tehran aysan "is dhiibi doonin.

    Madaxweynaha Trump ayaa ku dhawaaqay tallaabadan kadib markii wada-hadallada lala yeeshay Iiraan ay ku fashilmeen in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka isla markaana si buuxda dib loogu furo marinkan ganacsi ee muhiimka ah.

    Qiimaha saliidda Brent Crude ayaa mar kale ka sare ugu kacay boqol doolar, kaddib natijo la’aanta u uku soo dhamaaday shirka.

    Donald Trump ayaa sheegay in xannibaadda ciidanka badda ee Mareykanka ay cadaadis saari doonto Iiraan si ay marinka u furto.

    Qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee aduunka ayaa si caadi ah ku mara marin-biyoodkan.

    Sidoo kale akhri

  20. Trump oo war cusub ka sheegay Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, ge

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaan haynaa faallooyin dheeraad ah oo ka yimid Donald Trump oo ku saabsan damaca Nukliyeerka ee Iiraan, ka dib markii labada dhinac ay ka soo tageen wadahadalladii nabadeed ee Pakistan iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Iiraan ay weli rabto hub Nukliyeer ah, isla markaana ay damacaas muujiyeen intii uu socday kulankii Islaamabaad.

    "Weli way rabaan, waxayna taasi caddeeyeen habeen dhaweyd. Iiraan ma heli doonto hub Nukliyeer ah."

    Trump ayaa horay u sheegay in wadahadalladii tooska ahaa ee lala lahaa Iiraan ay fashilmeen sababtoo ah Tehraan oo "diiddan inay ka tanaasusho damaceeda Nukliyeerka."

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa hore u sheegay in labada dhinac ay “hal tallaabo ka gaabsiyeen” inay heshiis gaaraan, balse Iran waxaa la kulantay “dalabyo xad-dhaaf ah, isbeddel ku yimid himilooyinka, iyo xayiraad.”