Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo ka hadlay dagaalkii Raaskambooni ka dhacay

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Fifa oo xaqiijisay in Sacuudi Carabiya uu martigelin doono Koobka Adduunka 2034

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Koobka Adduunka ee ragga ee 2034 ayaa lagu qaban doonaa Sacuudi Carabiya, halka Spain, Portugal iyo Morocco ay si wadajir ah u martigelin doonaan tartanka 2030, sida ay xaqiijisay xiriirka adduunka ee Fifa.

    Saddex kulan oo oo la qaban doono 2030 ayaa sidoo kale ka dhici doona Argentina, Paraguay iyo Uruguay si loo xuso 100-sano guurada tartanka.

    Dalalka martigelinaya labada koob ee adduunka ayaa lagu xaqiijiyay shir aan caadi ahayn oo ay Fifa, maanta yeelatay kadib codbixin loo qaaday.

    Dhammaan 211-ka xubnood ee Fifa ayaa lagu matalayay kulanka oo muuqaal ahaan loo qabtay.

    Martigeliyeyaasha labada kulan, iyo dabaaldegyada 2030 ayaa labadoodaba lagu xaqiijiyay labo cod oo kala duwan oo loo qaaday.

    Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in dhowaanahan uu isku qarinayo cayaaraha, isagoo kharash badan ku bixiya cayaaraha si uu sare ugu qaado sumcadda dalkan shidaalka soo saara ee la xiriira diwaankiisa xuquuqda aadanaha iyo saameynta deegaanka.

    15-ka garoon ee loo calaamadeeyay in lagu qabto kulamada koobka aduunka ee 2034, afar ka mid ah ayaa ilaa iyo haatan la dhisay.

  2. Mucaaradka Suuriya oo wacad ku maray inay xirayaa xabsiyadii dadka lagu dhibaateyn jiray

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada Suuriya ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay xiraan xabsiyada aadka u xun ee uu gacanta ku hayay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Bashar al-Assad ayna ugaarsan doonaan kuwii ku lug lahaa dilka ama jirdilka maxaabiista.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Ahmed al-Sharaa, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Mohammed al-Jolani, ayaa sidoo kale sheegay inuu kala diri doono ciidamada ammaanka ee taliskii hore, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed ay heshay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

    Muuqaallo ayaa muujinaya kumannaan maxbuus oo laga sii deynayo xabsiga Saydnaya – oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku sheegeen inuu yahay "kawaanka bani’aadamka" – kadib dhicitaankii dowladda Assad ee Axaddii.

    Ku dhowaad 60,000 oo qof ayaa lagu jir dilay laguna dilay xabsiyada uu gacanta ku hayay Assad, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigeedu yahay UK.

  3. Madaxweyne Cirro oo xilka loo dhaariyay

    Madaxweyne Cirro

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Somaliland

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Cirro

    Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa guddoomiyaha maxkamadda sare u dhaariyay xilka madaxtinimada.

    Khudabaddiisa oo hadda socota ayuu ku ballan qaaday inuu sameeynayo isbadel ku saleysan rabitaanka shacabka iyo baahiya dadweynaha Somaliland.

    Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu xoogga saari doono wax ka qabashada adeegga caafimaadka, dhaqaalaha iyo shaqo la'aanta.

  4. Munaasabadda uu xilka kula wareegayo madaxweyne Cirro oo ka socota madaxtooyada

    Somaliland
    Qoraalka sawirka, Caleema saarka madaxweyne Cirro

    Xaruunta madaxtooyada Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa ka socota munaasabadda uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

    Goobta waxaa ku sugan boqollaal qof oo isaga yimid gudaha iyo dibadda. madaxweynayaal wakiillo iyo dad kale ayaa ka mid ah dadka lagu marti qaaday caleema saarka madaxweyne Cirro.

    Waxaa socda khudbadaha ay jeedinayaan mas'uuliyiinta goobta ku sugan, iyadoo ammaankA madaxtooyadana aad loo adkeyay.

    Cabdiraxmana Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ku guulaystay doorashadii 13-kii bishii Nufeembar ka dhacday Somaliland.

  5. Duqeyn diyaaradaha Israa'iil ka gaystay Qasa oo dad rayid ah ku dhinteen

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qasa

    Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa ayaa lagu dilay ugu yaraan 19 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas ay maamusho.

    Afhayeenka difaaca madaniga ah Maxamuud Bassal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhowr gantaal ay ku dhaceen guri saddex dabaq ah oo u dhow isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia.

    Tobaneeyo qof ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen halkaas, qaar badana ay weli ku hoos jiraan burburka, ayuu hadalkiisa ku daray. Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan sagaal carruur ah.

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyay in weerarka ay fuliyeen, balse waxaa ay ku tilmaameen weerar lagu bartilmaameedsaday “argagixiso”, hase-yeshee waxa ay su’aal galiyeen tirada dhimashada ee la sheegay.

    Inta badan duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysato Qasa, waxaa ku waxyeelooba dadka rayidka ah, iyadoo dhowr jeer hay’ado caalami ah iyo dowlado ay ku eedeyeen Israa’iil in ay Qasa ka gaysatay wax ay ku tilmaameen xasuuq.

  6. Wararkii ugu dambeyay ee xaaladda Raaskambooni iyo dhinacyada dagaallamay oo hadlay

    Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qoraalka sawirka, Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya

    Wararka laga helayo deegaanka Raaskambooni iyo aagagga ku xeeran oo shalay dagaallo ka dhaceen ayaa sheegaya in saaka xaaladdu deggantahay oo aan la soo warin wax dagaal ama iska horimaad ah.

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka shalay ka dhacay Raaskambooni oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalku ay halkaasi gaysay iyo kuwa maamulka Jubaland.

    War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Wakaaladda Wararka Soomaaliya ayaa lagu yiri: ”Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan,”.

    Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab.

    Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba.

    Marka laga yimaado labada dhinac iyo sida ay uga warrameen xaaladda dagaalka dhacay, ma jirto cid ka madax bannaan oo xaqiijin karta sida wax u dhaceen iyo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.