Kornayl Xasan Ciraaqi oo la xaqiijiyey in la sii daayey

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da ee wararkii ugu dambeeyey ee gobolka iyo caalamka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Kornayl Xasan Ciraaqi oo la xaqiijiyey in la sii daayey

    Xasan Ciraaqi

    Xigashada Sawirka, X

    Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta la sii daayey kornayl Xasan Aadan Maxamed oo ku magac dheer Ciraaqi oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo muddo ku xirnaa halkaa.

    Xog ay BBC heshay ayaa sheegaysa in Kornaylka la sii daayey maanta abaarihii duhurnimadii, markaasoo laga soo ambabixiyey magaalada Hargeysa oo uu ku xirnaa tan iyo Arbacadii.

    Ilo kala jooga Wajaale oo ah xuduuddii laga talaabiyey iyo Jigjiga oo uu galabnimadii gaaray waxay BBC u xaqiijiyeeyn in uu bedqabo. Sidoo kale waxaa sii deynta Kornaylka xaqiijiyey xubno ka tirsan booliska Somaliland oo codsaday in aan magacooda la sheegin.

    Kornayl Ciraaqi ayaa laga qabtay 24 Siteembar magaalada Wajaale, ayadoo tan iyo wakhtigaa lagu hayey Magaalada Hargaysa, lamana oga sababta ka dambaysay xarigiisa.

  2. Midowga Yurub oo ka shiraya cabsida dayaaradaha bilaa duuliyaha ee ka soo wajahday Ruushka

    Drone

    Xigashada Sawirka, X

    Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Copenhagen si ay uga wada hadlaan arrinta la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu arkay garoomada Denmark iyo xadgudubyada uu Ruushka ku hayo hawada Midowga Yurub.

    Ujeedada kulankan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa ammaanka Yurub.

    "Marka loo eego Yurub, waxaa jira hal waddan oo doonaya inuu na cabsi geliyo, waana Ruushka, waana sababta aan ugu baahannahay inaan si adag uga jawaabno," Ra'iisul wasaaraha Denmark Madge Ferliksen ayaa u sheegay suxufiyiinta.

    Dhowr waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa taageeray qorshaha darbiga lakabyada kala duwan leh ee dayaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo ku lug yeelan doona dabagalka degdegga ah iyo soo rididda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

    Horaantii bartamihii Sebtembar, Romania ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay ay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

  3. Madaxda Yurub oo ka shiraya diyaaradaha Ruushka oo hawadooda farageliyay

    Shirka madaxda Yurub

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa Arbacada ku kulmaya magaalada Copenhagen si ay u xoojiyaan difaaca Yurub, kaddib dhacdooyin isdaba joog ah oo Ruushku ku farageliyay hawada sare ee waddamo ka tirsan Midowga Yurub.

    Kulankan wuxuu imaanayaa maalmo yar uun kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ay carqaladeeyeen socdaalka garoomada diyaaradaha ee Denmark.

    Weerarada drones-ka ee Ruushka ayaa kordhay, waxayna si gaar ah u saameeyeen waddamada dhaca bariga Midowga Yurub, sida Poland iyo Estonia.

    Toban waddan oo xubno ka ah Midowga Yurub ayaa hore u taageeray qorshayaal lagu raad raacayo lana burburinayo drones-ka Ruushka.

    Denmark ayaa sare u qaaday amniga ka hor shir-madaxeedka, waxayna mamnuucday dhammaan duulimaadyada drones-ka ilaa maalintii Jimcaha, iyadoo sidoo kale soo rogtay xayiraado adag oo la xiriira gaadiidka waddooyinka ee magaalada Copenhagen.

  4. Mbappe oo taariikh cusub ka samaeeyay Champions League

    Mbappe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kylian Mbappe ayaa saddex gool dhaliyey hal kulan gudaheed, taasi oo gaadhsiisay goolkiisii 60 aad oo Champions League ah, kaddib ciyaar ay Real Madrid ay garaacday kooxda Kairat Almaty oo ka dhisan Kazakhstan.

    Kabtanka Faransiiska ayaa goolka koowaad dhaliyey daqiiqaddii 25aad isagoo rigoore u beddelay gool, kaddib markii goolhayaha Sherkhan Kalmurza uu qalad ku galay Franco Mastantuono.

    Wuxuu goolka labaad dhaliyey daqiiqaddii 52aad, markaas oo uu kubbad dheer ka helay Thibaut Courtois kaddibna si xooggan shabaqa ugu hubsaday. Daqiiqaddii 73aad ayuu Mbappe dhaliyey goolkiisii saddexaad.

    Ciyaartoyda kale ee goolasha dhaliyey waxaa ka mid ahaa E. Camavinga (daqiiqaddii 83aad) iyo Brahim Díaz (daqiiqaddii 90+3).

  5. 69 oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay dalka Philippines

    Dhulgariir ka dhacay Philippines

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.9 oo ku dhuftay bartamaha dalka Philippines, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.

    Magaalada Bogo iyo degmooyin kale oo uu saameeyay dhulgariirka ayaa lagaga dhawaaqay "xaalad musiibo".

    Dhulgariirka ayaa Talaadadii ka dhacay xeebaha magaalada Cebu wuxuuna sababay koronto la'aan iyo burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha.

    Hay'adda Cilmiga Dhulka iyo Fulkaanta ee Philippines (PHIVOLCS) ma aysan soo saarin waxa digniin ah oo la xiriirta tsunami.

    Dadka ku nool meelaha uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u sheegay BBC-da in ay habeenkii lasoo dhaafay seexdeen waddooyinka dibadda, iyaga oo ka cabsi qaba dhulgariir kale ama dhismayaal burbura.

  6. Kanada ayaa qaxootigii ugu badnaa dib ugu celisay Maraykanka

    Calanka Kanada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dawladda Canada ayaa dardar-galisay dib u celinta dadka magan-galyo-doonka ee canada ka soo galayay dhanka Mareykanka kuwaasi oo hadda dib loogu celinayo mareykanka.

    Canada ayaa Mareykanka dib ugu celisay 3,282 qof siddeeddii bilood ee ugu horreyay snadkan 2025.

    Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah qareenada iyo ddaka u dooda xquuqda soo galootiga ee dalkaasi.

    Garyaqaan Mohamed Doolli oo ah Qareen in ka badan 30 sano ka hawl galayay magaalada Toronto islamarkana sharciyaqaan dhanka socdaalka ah ayaa BBC-da u sheegay in xilligan uu Maraykanku yahay meelaha ugu daran ee dadka magangalyo-doonka ahi ay ku noolaadaan."Kanada iyo Maraykanka heshiis ayaa ka dhaxeeyay waxaanu dhigayay in qaxootiga Maraykanka ka yimaadda aanay u soo gudbi karin dalka Kanada.Laakiin maanta Maraykanku ma aha meel amni ah. Qaxootiga waxa lagu la dhaqmaa wuxuush nimo," ayaa uu yidhi.

  7. Joseph Kabila, madaxweynihii hore ee DR Congo ayaa loo haystaa eedaymo badan

    Joseph Kabila

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Kinshasa ayaa garsoorayaal ka tirsan milatariga ayaa soo saaray xukunkii la wada sugayay ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore.

    Joseph Kabila ayaa lagu eedeeyay in uu la kulmay taliyeyaasha fallaagada M23 uuna kormeeray goobo tababar oo ku yaalla Goma iyo Bukavu, oo labaduba ay markii dambe qabsadeen kooxda.

    Maxkmada ayaa dil ku xukunta Joseph Kabila isaga oo aan maxkmada joogin islamarkana xukun maqnaashiyo ah lagu riday.

    Maxkamadda ayaa diiday codsi ah in la wareego hantidiisa balse waxay taageertay eedeymaha dambiyo dagaal, khiyaano qaran iyo shirqool.

    Taageerayaasha Kabila ayaa maxkamadeynta ku tilmaamay mid siyaasadeysan, halka sraakiisha u hadshay dowladda ay sheegayaan in xukunka uu isbedel ku sameynayo cadaaladda Congo.

    Kabila, oo dalka ka tagay laba sano ka hor, ayaa muddo kooban ku soo laabtay bishii May ee la soo dhaafay, isagoo tagay Goma oo ay fallaagada gacanta ku hayso.

    Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay madaxwaynihi hore ee Congo.

    Joseph Kabila oo 54-jir ah ayaa 18-sanno hoggaaminayay DR Congo, kaddib markii uu xilka kala wareegay aabihiis Laurent oo la toogtay sannadkii 2001-dii.

    Kabila ayaa xilka ku wareejiyay madaxweyne Félix Tshisekedi sanadkii 2019-kii, balse markii dambe waa ay isku dhaceen, Kabila ayaa musaafuris iskiis ah u galay 2023-kii.

  8. War deg deg ah, Shaqadii hay'adaha dowladda Mareykanka oo si rasmi ah u istaagtay

    Saq dhexe ayay u tahay magaalada Washington DC, waxaana si rasmi ah u bilowday xiritaanka shaqada dowladda federaalka Mareykanka.

    Tani waxay hadda u badan tahay inay boqollaal kun oo shaqaale ah kaga tagto inay galaan fasax aan mushahar lahayn oo ay joojiso barnaamijyo iyo adeegyo badan oo dawladda ah.

    Xiritaankan ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii aqalka senate-ka ee Jamhuurigu gacanta ku hayo uu ku guul darraystay inuu meel mariyo sharciga kharashaadka dawladda.

    Tani waa xiritaankii ugu horreeyay ee dowladda tan iyo 2018 waxayna keeni doontaa in shaqaalaha aan muhiimka ahayn la siiyo fasax aan mushahar lahayn.

  9. Maraykanka oo qarka u saaran shaqo-joojin iyo ismari waa adag oo u dhaxeeya Trump iyo Golaha Senat-ka

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Senatarrada Mareykanka ayaa ku guul darreystay inay ansixiyaan hinise-sharciyeed daqiiqaddii ugu dambeysay si looga hortago inay shaqada joojiso dowladda.

    Dhammaan dammaanad qaadka maalgelinta ayaa go'i lahaa saqda dhexe ee ET (04.00 GMT).

    Shaqo joojinta dowladda, oo ah kii ugu horreeyay tan iyo 2018-19, waxay keeni kartaa qaar - laakiin maaha dhammaan - adeegyada dawladda Mareykanka inay si ku meel gaar ah u istaagaan.

    Madaxweyne Donald Trump wuxuu shaqaalaha federaalka ugu hanjabay "shaqo ka cayrin ballaaran" oo aan laga laaban karin" haddii shaqo joojintu dhacdo.

  10. Subax Wanaagsan

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa aad kala socon kartaa baraha bulshada sida Facebook, Youtube, X iyo barta internet-ka ee bbcsomali.com

    Haweeney caano ku gadaysa Garowe

    Xigashada Sawirka, Said Fadhaye