Maxay yihiin arrimaha ay badda iyo difaaca ka mid yihiin ee ay warka ka soo saareen ciidamada Itoobiya?
Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan "dhibaato kasta oo la xiriirta amniga" iyagoo ilaalinaya danaha qaranka.
Afhayeenka ciidamada difaaca, Sareeye Guuto Getnet Aadan, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay sidaas isagoo soo qaaatay tusaalooyinka danaha qaranka ah oo ay ka mid yihiin: "xuquuqda isticmaalka biyaha" iyo "arrinta ku saabsan badda."
Taliyaha waaxda shaqaalaha ciidamada, Lieutenant Jeneral Achalu Shallamee, ayaa sheegay in dallacaaddii dhawaan la siiyay saraakiil sare oo ciidamada ka mid ah ay ahayd mid laga fiirsaday oo lagu eegay howlaha iyo waajibaadka dheeraadka ah ee ay qaadayaan.
Labada jeneraal ayaa warbixintan siiyey Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Turkiga oo ka laabtay shuruuc uu caalamka ugu soo rogi lahaa sida loo sameeyo kabaabka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Isku day Turkigu
ku doonayay in uu ku qasbo dukaamada kebaabka lagu iibiyo ee Midowga Yurub in
ay u hoggaansamaan sharciyo adag oo ku saabsan sida loo sameeyo kebab doner-ka ayaa
laga noqday.
Haddii dalabka
summada "Dammaanad-qaadka Takhasuska Dhaqanka" uu guulaysto,
xaddidaad ayaa lagu soo rogi lahaa noocyada maaddooyinka la isticmaali karo
marka cunnadan la sameynayo.
Wershadaha
kebabka ee Jarmalku ayaa si gaar ah ay tan u saameyn lahayd, maaddaama ay
tobneeyo sano isku dayayeen in kabaabkoodu ka duwanaado kii asalka akaa ee Turkiga.
Mas'uuliyiinta
Turkiga ayaa ku dooday in cunnadan loo tixgeliyo inay tahay mid qaran oo ku
faaftay Yurub maaddaama dadka Turkidu ku baaheen dunida. Laakiin saraakiisha
Jarmalku waxay sheegeen in kabaabku noqday qayb ka mid ah cunnada qarankeeda.
Habka dhaqan ee
loo sameeyo hilibka oo lagu dubo bir la suray ayaa soo jiray tan iyo Qarnigii
16-aad, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Doner-ka Turkiga (Udofed), magaca
doner ayaana ka yimid isla farsamada loo kriyo.
Haddii Midowga
Yurub uu shuruuc isku mid ah kusoo rogi lahaa inta midowga ka tirsan waxaa laga
rabi lahaa:
In hilibku uu noqdaa kan lo’ da’deedu ka weyn tahay 16 bilood, lax ugu yaraan lix bilood jirta amaba cajarrada iyo naasaha digaagga
Hilibka waxaa qasab ahaan lahayd in loo jaro sida cufka 3-5mm
Nooca mindida ayaa ahaan lahayd mid goonni ah waxaana la jaangoyn lahaa waxyaabaha la marinayo ee dhadhanka u yeelaya
Iran oo looga digay inaysan kordhin xiisadda ka dib cunaqabateyntii dib loogu soo rogay
Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, iyo Jarmalka ayaa ugu
baaqay Iran inaysan kordhin xiisadda, isla markaana ay raacdo waddada
wadahadalka, kadib markii cunaqabatayntii Qaramada Midoobay dib loo soo rogay
Sabtidii.
Saddexda dal waxay sheegeen in aysan haysan wax doorasho
kale ah oo aan ahayn inay dib u soo celiyaan tallaabooyinka adag ee ka dhanka
ah Tehran, "iyagoo u arka inay tahay fursaddii ugu dambeysay" sababo
la xiriira "sii kordhinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo iskaashi la’aanta
Iran."
"Waxaan ugu baaqaynaa Iran inay ka waantoobto tallaabo
kasta oo xiisadda sii hurinaysa," ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed
wadajir ah, iyagoo raaciyay: "Dib u soo rogidda cunaqabataynta Qaramada
Midoobay ma ahan dhammaadka diblomaasiyadda."
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa toddobaadkii hore
ku adkaystay in dalkiisu uusan wax ujeeddo ah ka lahayn horumarinta hubka
nukliyeerka, isagoo cambaareeyay dib u soo celinta cunaqabataynta caalamiga ah,
kuna tilmaamay inay yihiin "kuwa aan cadaalad ahayn, aan sax ahayn, kana
soo horjeeda sharciga."
Qaramada Midoobay ayaa dib u soo rogtay cunaqabataynta
dhaqaale iyo mid milatari oo ballaaran oo lagu soo rogay Iiraan saacaddu markay
ahayd 00:00 GMT Sabtidii — toban sano kadib markii laga qaaday heshiis caalami
ah oo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Iiraan waxay kordhisay hawlaha nukliyeerka ee mamnuuca ah ka
dib markii Maraykanku ka baxay heshiiska 2016-kii. Donald Trump ayaa Maraykanka
ka saaray heshiiska intii uu xilka hayay muddo xileedkiisii hore, isagoo
dhaleeceeyay heshiiska — oo loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ee Waxqabadka Guud
(JCPOA) — oo laga wada xaajooday xilligii madaxweynihii hore Barack Obama,
isagoo ku tilmaamay mid leh cilado.
Wadahadalladii dhex maray saddexda dal iyo Iiraan dhinacyada
kalfadhiga Golaha Guud ee QM toddobaadkan hore ayaa ku guuldareystay inay soo
saaraan heshiis dib u dhigaya dib u soo celinta cunaqabataynta.
Ruushka oo weerar culus ku qaaday Kiev
Xigashada Sawirka, Reuters
Duqa magaalada
Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in "weerar ballaaran" uu Ruushka
ku qaaday caasimadda Ukraine, waxaana ku dhintay afar qof, halka ay ku
dhaawacmeen ugu yaraan siddeed kale.
Diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ayaa xalay duqeeyay dhowr gobol oo ay ku jirto Zaporizhzhia,
halkaasoo ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah ay ku
dhaawacmeen, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen.
Wasiirka arrimaha
dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in boqollaal diyaaradood iyo gantaallo loo
adeegsaday weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay agagaarka Ukraine. Ruushku
kama hadlin.
Sabtidii,
madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa digniin u diray Ruushka. Madaxweynaha
Ruushka Vladimir Putin ayaa duullaan ballaaran ku qaaday dalka Ukraine bishii
Febraayo 2022, wuxuuna ku gacan seyray dadaallada caalamiga ah – ee uu
hormuudka ka yahay dhiggiisa Mareykanka Donald Trump – si loo soo afjaro
dagaalka.
Trump oo amray in ciidamo loo diro magaalada Portland si loo ilaaliyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah
loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in
la adeegsado "xoog buuxa" haddii loo baahdo, si loo xakameeyo
mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.
Trump wuxuu sheegay inuu "amar siiyay Wasiirka
Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u
ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu
burburiyay."
Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in
la ilaaliyo "goobaha ICE ee la weerarayo ama go’doonsan, kuwaasoo ay
bartilmaameedsanayaan kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha
ah," isagoo intaa raaciyey qoraal uu soo dhigay batrisa bulshada ee Truth
Social: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”
Qoraalkan ayaa dhaliyay dhaleeceyn adag oo uga timid
xildhibaanno Dimuqraadi ah, kuwaas oo sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo
keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro magaalada.
Shir jaraa’id oo ay qabatay sabtidii, guddoomiyaha gobolka
Oregon, Tina Kotek, waxay sheegtay in "ciidamo loo dirayo Portland ay
noqon doonto ku takri-fal awoodeed," iyadoo intaas ku dartay inay la
shaqeynayso Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon, Dan Rayfield, "si loo
eego haddii ay jirto wax jawaab ah oo lagama maarmaan ah."