Maraykanka oo kordhiyay lacagta la siinayo cidda keenta xog horseeda in la soo xiro madaxweynaha maanta markii sedexaad xilka loo dhaariyay dalka Venezuela

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu gaarsiiyay lacagta la siinayo cidda keenta xog horseeda in la soo xiro madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro oo maanta markii sedexaad loo dhiiraiyay xilka madaxweynaha wadankaasi $25 milyan.
Xafaladda caleema saarka madaxweyne Nicolás Maduro waxan xaadirin madax ka socota dunida iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka.
Sidoo kale waxa abaal marin la siin doonaa cidda xog lagu soo qabto keenta wasiirka arimaha gudaha Diosdado Cabello.
Waxa kale oo $15 milyan la siin doonaa qofka xog ka keena wasiirka difaaca Vladimir Padrino.
Dawladda UK ayaa iyana cunaqabatayno ku soo rogtay illaa 15 xubnood oo xilal sare ka haya dawladda Venezuela gaar ahaan garsoorka, ciidamada iyo xoogagga ammaanka.
Xafiiska horumarinta barwaaqo sooranka UK ayaa sheegay in kuwa cunaqataynta lagu soo rogay ay ka masuul ahaayeen “dimoqaraadiyadda oo la wiiqo, sharciga oo lagu tunto iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha”.
Xoghayaha arimaha dibadda UK David Lammy ayaa ku tilmaamay taliska Maduro mid “khaa’in ah”.














