Shil kale oo fool xun oo ka dhacay magaalada Jigjiga
Inta la hubo 7 qof ayaa geeriyootey tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaarey, ka dib markii gaari xamuul ah uu xalay dulmaray dad fadhiyey goob ganacsi oo ku taal magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida.
Hay’adaha ammaanku weli ma shaacin sababta ka dambeysey in gaarigu uu ka baxo waddada ka dibna uu dadka dardaro.
Shilalka gawaarida ayaa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay deegaanka Soomaalida, wuxuuna kan imaanayaa labo maalmood ka dib markii tobaneeyo qof ay ku dhinteen shil baabuur oo is xigay oo ka dhacday degmada Qabri bayax.
“Gaariga oo ahaa nooca xamuulka ee carada qaada ayaa isagoo xawaare ku socda ka baxay wadada, kadibna wuxuu dardaray dadkii fadhiyay mehradaha ganacsi ee halkaas ku yaalay”, ayuu yiri Cabdixakiin cabdullaahi Gama’diid oo ah wariye madaxbannaan oo booqday Isbitaalka lageeyey maydadka iyo dhaawaca shilkaas ka dhashay, kaas oo BBC-da u warramay.
“Arrinta kale ee naxdinta badan ayaa ah in xubnaha bini’aaamka oo qeybihiisa kala duwan oo aad arkeysid, gacan go’na iyo xubno kale ayaa marba meel laga soo qaadayay, ilaa afar qof ayaa la gartay ilaa hadda”, ayuu intaas raaciyay.
Laamaha amniga ayaa wada baaritaan la xiriira shilkan. Guddi gaar ah ayaa sidoo kale loo saaray arrintan.










