TOOS, Trump oo ku hanjabay in uu beegsan doono kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan haddii la dayn waayo weerarrada maraakiibta
Donald Trump ayaa ku hanjabay in laga bilaabo hadda uu Mareykanku duqayn doono islamarkaana uu burburin doono buundo ama xarun kasta dhalisa korontada oo ku taal Iiraan, si looga jawaabo weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo maraakiibta Marinka Hormuz.
Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ayaa sheegay inay xireen marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta isla markaana ah albaabka laga galo Badda Cas.
Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay taageerto Iiraan, ayaa sheegtay inay weerartay laba markab oo kuwa shidaalka qaada oo laga leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo marayay Badda Cas.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii Isniintii ay ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn (xayiraad) ku soo rogeen maraakiibta Sacuudiga.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah maraakiibta, oo lagu magacaabo Encelia, la beegsaday, taasoo sababtay inuu dab ka kaco markabka. Waxay ku tilmaantay weerarka mid jebinaya sharciga caalamiga ah.
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xayiraadda ay Xuutiyiintu saareen maraakiibta ay keeni karto koror cusub oo ku yimaadda qiimaha shidaalka ee caalamka.
Markab salid waday oo lagu weeraray meel bannaanka ka ah xeebaha Sucuudiga
Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar ka dhacay meel 70 Mayl-baddeed koonfur-galbeed ka xigta magaalada Al-Shaqeeq ee dalka Sacuudiga.
Sida warbixintu sheegtay, kabtanka markab sida shidaalka ayaa ku dhawaaqay in markabka lagu bartilmaameedsaday walax aan la aqoonsan oo lagu soo weeraray. Weerarkan ayaa sababay dab ka kacay markabka, iyada oo shaqaalihii markabkuna ay ku hawlan yihiin xakamaynta dabkaas.
Sida ay sheegtay hay'adda Ingiriiska ah, ilaa iyo hadda ma jiraan warar sheegaya qasaare nafeed ama wasakhow deegaanka ah oo la soo wariyay.
War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay koonfurta Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadoodu qaadeen wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobo millatari oo ku yaalla Iiraan, ku dhawaad 5:30 galabnimo oo ku beegan 1-da habeenimo xilliga Tehraan, kaddib amarrada Madaxweynaha Mareykanka.
Sida uu sheegay CENTCOM, Hadafka hawlgalkan ayaa ah in la sii wado dhimista awoodda Iiraan ay ugu hanjabto badmaaxiinta rayidka ah iyo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan biyaha gobolka.
Falcelinnada hadalkii Trump oo weli sii socda
Falcelinnada ka imanaysa Iiraan ayaa sii socda si loogu jawaabo war-saxaafadeedkii Donald Trump ee ku saabsanaa bartilmaameedsiga kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan, haddii maraakiibta ganacsiga la weeraro.
Saacadahii la soo dhaafay, dhowr mas'uul oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan (IRGC) ayaa ka falceliyay hadalladaas.
Majid Mousavi oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka ee Kacaanka Iiraan, ayaa ku hanjabay in haddii la weeraro buundooyinka iyo warshadaha korontada ee dalkaas, ay sidoo kale korontada ka go'i doona xulafada iyo kuwa martida u ah. Waana mid "hubaal ah."
Qoraal u muuqda jawaab laga bixinayo hanjabadii Donald Trump ee saacado ka hor ayaa waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ballanqaaday jawaab celin haddii Maraykanku uu weeraro kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan.
Wuxuu ku qoray barta bulshada ee X: "Mabda'a difaaceennu waa mid cad: il il ayaa loogu aargudaa. Weerar kasta oo ka dhan ah Iiraan oo uu ku jiro weerar ka dhan ah kaabayasheenna, wuxuu horseedi doonaa jawaab xoog badan."
Qalibaaf: Gobol aannaan saliid ku iibinayn, ma jiro nin saliid ku iibin doona
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxamed Baqer Qalibaaf, afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ahna madaxa wadahadallada Iiraan, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku yidhi: "Astaanta iyo xaaladda Marinka Hormuz ku ma soo laaban doonto sidii ay ahayd dagaalka ka hor."
Mr. Qalibaaf wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: "Gobol aannaan saliid ku iibinayn, ma jiro nin saliid ku iibin doona. Haddii amnigeenna la dammaanad qaadi waayo, ma jiri doonaan kaabayaaal ammaan ah, amniga Marinka Hormuz-na wuxuu ku jiraa maqnaanshaha xoogagga Maraykanka."
Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, illaa 53 qof ayaa ku dhintay meertadii ugu dambaysay ee weerarrada Maraykanku ku qaaday Iiraan.
Sida ku xusan xogta ay soo saartay wasaaraddu, dhimashadan ayaa dhacday muddadii u dhaxeysay 27-kii Juun illaa subaxnimadii 22-ka July.
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, oo xogtan ku baahiyay barta X, ayaa sheegay in 592 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, ma aanu caddayn inta ay le'eg tahay tirada dadka dhintay ee millatariga ah iyo inta ay le'eg tahay tirada rayidka ah.
Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta Maraykanka, ugu yaraan 18 askari oo milatariga Maraykanka ah ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan bishii March ee sannadkii hore.
Qaybta Ka hortagga Dambiyada iyo Arrimaha Bulshada ee Garsoorka Tehran ayaa ka digtay isticmaalka adeegga Starlink.
Muuqaal iyo farriin qoraal ah oo loo diray muwaadiniinta ayaa Garsoorka Tehran wuxuu ku dhawaaqay in "soo dejinta, iibsashada, iibinta, rakibidda, iyo isticmaalka qalabka satellite-ka ee intarneedka, oo uu ku jiro Starlink, ay tahay mid la mamnuucay oo mudan ciqaab sharci ah."
Tani ma aha markii ugu horraysay oo ay masuuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka digaan isticmaalka Starlink.
Dagaalkii sagaal iyo soddonka Maalmood socday, helitaanka intarneedka caalamiga ah ayaa laga xidhay muwaadiniinta Iiraan, marka laga reebo dad kooban oo heli karayay adeegyo dheeraad ah.
War deg deg ah, Hay'adaha xuquuqda aadanaha oo ka walaacsan dacwadaha kooxaha lala xiriiriyo Boko Haram
Xigashada Sawirka, AFP
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ku
eedeysay dowladda Nigeria inay si caddaalad-darro ah u maareyneyso dacwadaha la
xiriira dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Haram.
War-saxaafadeed ay soo saartay Maanta, HRW waxay sheegtay
in caddaaladdu aysan si buuxda uga muuqan dacwadaha loo haysto dadka ay
saameeyeen kacdoonka Boko Haram sannadihii la soo dhaafay.
Hay’addu waxay sheegtay in dacwadaha intooda badan lagu
beegsado dadka aan xilal sare ka hayn ururka, halka tuhmanayaasha magacyada
waaweyn leh ee lagu eedeeyo dambiyada culus ay weli ka baxsan yihiin ciqaabta.
HRW waxay sidoo kale tilmaantay inay jiraan dhibaatooyin
la xiriira nidaamka garsoorka dembiyada iyo tayada caddeymaha la horgeeyo
maxkamadaha.
Waxay sheegtay in qaar ka mid ah dacwadaha lagu saleeyay
oo keliya qirashada eedeysanayaasha, iyadoo aan la hayn caddeymo ku filan oo
taageeraya eedeymaha loo jeediyay.
HRW ayaa intaas ku dartay in qaar ka mid ah
eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay taageereen kooxaha hubeysan, inkastoo
ay suuragal tahay in lagu khasbay inay sidaas sameeyaan.
Hay’addu waxay sidoo kale su’aal gelisay waxtarka
qareennada ay maxkamaduhu u magacaabaan dadka aan awoodin inay qareen
qabsadaan, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay caqabad ku noqon karto helitaanka
difaac sharci oo buuxa.
Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Nigeria ay
sanadkan wajahday koror ku yimid dacwadaha la xiriira argagixisada, iyadoo in
ka badan 1,100 qof lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay ka tirsanyihiin Boko
Haram iyo ISWAP.
War deg deg ah, Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiiska tamarta nukliyeerka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump iyo Sacuudiga
Washington iyo Riyaad ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan
inay gaareen heshiis u oggolaanaya Sacuudi Carabiya inay markii ugu horreysay
yeelato tamarta nukliyeerka.
Labada dal ayaa gaaray heshiis ganacsi oo u oggolaanaya
shirkado Mareykan ah inay dhisaan isla markaana maamulaan warshado tamarta
nukliyeerka ah oo ku yaalla gudaha Sacuudi Carabiya, sida uu BBC-da u sheegay
mas’uul gobolka aqoon wanaagsan u leh oo xog-ogaal u ah heshiiska.
Ku dhawaaqista rasmiga ah ee heshiiska ayaa la filayaa
inay dhacdo caawa.
Sida ay sheegtay CBS News, heshiiska ayaa sidoo kale u
oggolaan kara Sacuudi Carabiya inay iyadu hodmiso shidaalka loo isticmaalo
matoorrada nukliyeerka.
Magacyada shirkadaha ku lug leh heshiiska weli lama
shaacin, hase yeeshee CBS waxay sheegtay in heshiiska uu u baahan doono in
lagala tashado Kongareeska Mareykanka.
Kenya oo qirtay in dad loo karaantiilay cudurka Ebola
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa
markii ugu horreysay qirtay in dad badan la karantiilay muddo 21 maalmood ah.
“Waxaan karantiilnay dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha
Madaxweynaha,” ayuu yiri Wasiir Aden Ducaalr.
Markii suxufiyiintu wax ka weydiiyeen mustaqbalka xarumaha
karantiilka ee loo dhisayo in lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka, wuxuu sheegay
in dowladda ay joojisay dhismaha xarunta karantiilka Ebola ee laga dhisayay
Laikipia, kadib amar maxkamadeed oo hakiyay mashruuca.
Ducaale ayaa hadalkan sheegay xilli uu la wareegayay shan
tan oo agab caafimaad ah oo ay Hindiya ugu deeqday Kenya, kuwaas oo ay ka mid
yihiin qalabka difaaca shaqsiga, qalabka baaritaanka cudurrada, heerkulbeegyada
infrared-ka iyo agab kale oo degdeg ah si loo xoojiyo u diyaargarowga Kenya ee
Ebola.
Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa hadda aan Kenya laga helin
wax kiis Ebola ah oo la xaqiijiyay, balse dowladda ay weli ku jirto heegan
sare.
Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo dood ka taagan tahay xarun
karantiil oo Mareykanku maalgeliyay oo ku taalla Nanyuki, taas oo wararka qaar
sheegayaan inay weli shaqaynayso inkastoo maxkamaddu bishii May amar ku bixisay
in la joojiyo dhismaheeda.
Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Mareykanka ayaa xaqiijisay in toddobo shaqaale gargaar oo Mareykan ah oo ka
qayb qaadanayay la tacaalidda cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee
Congo ay isku karantiileen xarun ku taalla Kenya. Hase yeeshee, lama oga in
lagu hayo saldhigga ciidamada cirka ee Laikipia ee Nanyuki.
War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarrada Mareykanku hayo dalkeeda
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Iran, 53 qof ayaa
ilaa hadda ku dhintay duullaannadii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku qaaday Iran.
Tiradan waxay ku saabsan tahay muddadii u dhexeysay 27-ka
Juun ilaa maanta.
Markii uu ku dhawaaqayay tirada khasaaraha, Wasiirka
Caafimaadka Iran Hossein Kermanpour ayaa bartiisa X ku qoray in weerarrada
Mareykanka ay sidoo kale sababeen 592 dhaawac.
Ma uusan sheegin in dadka dhintay ay ahaayeen ciidan ama
shacab.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 18
askari oo Mareykan ah lagu dilay tan iyo markii uu billowday dagaalka
Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran bishii Maarso ee sannadkii hore.
18-kii Luulyo, Mareykanku wuxuu xaqiijiyay in mid ka mid
ah saldhigyadiisa ku yaalla Urdun lagu bartilmaameedsaday gantaallo Iran laga
soo tuuray.
Saddex askari ayaa la dilay Jimcihii kadib markii gantaal
Iran laga soo tuuray uu ku dhacay saldhiggooda Al-Muwaffaq Al-Salti ee Urdun.
Askari afraad ayaa sidoo kale la dilay Axaddii markii
diyaarad aan duuliye lahayn oo weerar ahayd ay ku qaraxday magaalada Erbil ee
Ciraaq.
Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga la safatay, warna ka soo saartay hanjabaadaha Xuutiyiinta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay
hanjabaadaha ka dhanka ah dalka Sacuudiga ee ka imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu
yiri: “ Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa hanjabaadaha ay
kooxda Xuuthiyiintu u jeediyeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale
falalka wax u dhimaya amniga marin biyoodka, xorriyadda isu socodka
maraakiibta, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah,”.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya, ayaa
bayaankooda ku yrii: waxay Soomaaliya mar kale carabka ku adkeeneysaa sida ay uga go'an
tahay ilaalinta madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha,
iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah,”.
Mas'uuliyiinta Xuuthiyiinta ayaa hore u sheegay inay qorsheynayaan inay xiraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo loo tixgeliyo albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas, isla markaana ay beegsan doonaan maraakiibta Sacuudiga ku wajahan.
War deg deg ah, Trump oo baahiyay war cusub oo ku saabsan Marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in
Mareykanku uu ka aargoosan doono haddii Iran ay bartilmaameedsato wax markab ah
oo mara Gacanka Hormuz.
“Laga bilaabo hadda, mar kasta oo Jamhuuriyadda Islaamiga
ah ee Iran ay weerarto markab maraya Gacanka Hormuz iyadoo adeegsanaysa
gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn ama hub kasta oo kale, Mareykanku wuxuu
duqeyn doonaa buundo ama warshad koronto, wuuna burburin doonaa,” ayuu Trump ku
sheegay bayaan uu ku daabacay bartiisa Truth Social.
Wuxuu intaas ku daray in bartilmaameedyadaasi ay ku jiri
karaan xarumo ku yaalla meel u dhow caasimadda Tehran ama gudaha magaalada
Tehran, isagoo tilmaamaya meelaha suurtagalka ah ee Mareykanku tallaabo ka
qaadi karo.
War deg deg ah, Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay
bartilmaameedsatay saldhigyada Maraykanka ee King Faisal iyo Prince Hassan ee
Urdun, iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn intii
lagu jiray “Hawlgalka Nasr 25”, taas oo ay sheegtay inay waxyeello gaarsiisay
qalab milatari iyo ciidamo Maraykan ah.
IRGC waxay sheegtay bayaan ay soo saartay in la burburiyay
ama waxyeello loo geystay goob diyaarinta diyaaradaha F-15, siddeed diyaaradood
oo aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah, iyo laba diyaaradood oo qumaatiga u
kaca oo culus.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xarunta
ay deggan yihiin ciidamada Maraykanka la bartilmaameedsaday, ayna jiraan askar
la dilay iyo kuwo dhaawacmay.
Sheegashooyinka IRGC weli si madax-bannaan looma xaqiijin,
waxaana aan weli wax jawaab ah ka bixin saraakiisha Maraykanka ama Urdun.
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino oo loogu baaqay inuu is casilo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa ugu baaqay
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay in
hoggaankiisu uu “dilayo kubadda cagta.”
Isagoo la hadlayay wargeyska Talyaaniga ee La Gazzetta
dello Sport, Tebas wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in waqtigii Infantino
uu hoggaanka hayay uu dhammaaday, inkastoo uu qiray in uu taageero ka haysto
inta badan ururrada kubadda cagta ee dunida.
Tebas wuxuu ku andacooday in nidaamka doorashada
madaxweynaha FIFA uu yahay mid musuqmaasuq badan, taas oo keentay in cidna
aysan ku dhiiran inay la tartanto Infantino, maadaama ay aaminsan yihiin
inaysan guulaysan karin.
Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay Infantino, isagoo ku
eedeeyay faragelin ku saabsan go’aankii ganaaxa ciyaaryahanka Mareykanka ee
Balogun, fasaxyada cabitaanka biyaha inta lagu jiro ciyaaraha, waqtiga dheer ee
nasashada kama dambaysta ah, iyo soo jeedinta ah in Koobka Adduunka lagu
kordhiyo 64 kooxood.
Intaa waxaa dheer, Tebas wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaal
badan oo kubadda cagta ah aysan ku qanacsanayn hoggaanka Infantino, balse ay
doorteen inay aamusiyaan.
Dhinaceeda, UEFA waxay dhaleeceysay go’aanka lagu
oggolaaday Balogun inuu ciyaaro, iyadoo ku tilmaantay go’aanka mid “aan la iska
indho tiri karin, aan la fahmi karin, isla markaana aan la sharxi karin.”
Infantino ayaa la filayaa in mar kale loo doorto muddo
afraad xilka madaxweynaha FIFA shirweynaha FIFA ee la qaban doono bisha Maarso
ee sannadka dambe, laakiin Tebas wuxuu qiray in arrinta Balogun ay dhaawici
karto fursaddiisa.
BBC Sport ayaa xiriiro la smaeynaysa FIFA si ay uga hesho
jawaab ku saabsan eedeymaha loo jeediyay madaxweynaheeda.
War deg deg ah, Nin gabdhaha yaryar u gan jiray Jeffrey Epstein oo meydkiisa la helay
Xigashada Sawirka, US Department of Justice
Xeer-ilaaliyeyaasha
Faransiiska ayaa sheegay in Daniel Siad, oo ahaa nin shaqadiisu ahayd inuu soo
xulo gabdhaha wax xayaysiiya isla markaana uu xiriir la lahaa Jeffrey Epstein,
meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Paris.
Siad
ayaa lagu tuhunsanaa inuu haween da'yar u gayn jiray Jeffrey Epstein, oo ahaa
maalqabeen Maraykan ah oo lagu helay dambiyo galmo, hase yeeshee wuu beeniyay
eedeymaha loo jeediyay.
Waxaa
sidoo kale ka yaallay dacwooyin dhowr ah oo Faransiiska laga gudbiyay, oo ay ku
jiraan eedeymo kufsi.
Magaciisa
ayaa ka muuqday kumannaan dukumenti oo la sii daayay oo la xiriiray faylasha
Epstein, kuwaas oo ay ku jireen Emaillo muujinayay inuu Epstein u diri jiray
haween da'yar, iyadoo qaar ka mid ah gabdhahaas, sida la sheegay, ay da'doodu
ka hoosaysay da'da sharcigu oggol yahay.
Waxaa
la sheegay inuu xiriirka la sii waday Epstein ilaa bilo yar ka hor geeridii
Epstein ee lagu ee ka dhacday xabsiga uu ku jiray.
Alireza Khanmohammadi, oo ah madaxa Hay'adda Dayactirka, Horumarinta iyo
Qalabaynta Dugsiyada, ayaa sheegay in 1,288 dugsi ay waxyeello ka soo gaartay
weerarradii dhawaan uu Maraykanku qaaday, kuwaas oo 16 ka mid ahi u baahan
yihiin "dib-u-dhis iyo dayactir ballaaran."
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, Khanmohammadi ayaa yiri:
"Inta kale ee dugsiyada oo waxyeello qayb ahaan soo gaartay waa la
dayactiray, waxaana dalka oo dhan ka haray 40 dugsi oo keliya, kuwaas oo la
qorsheeyay in la dayactiro ka hor bisha Sebtembar."
War deg deg ah, Degdeg: Qaraxyo laga maqlay magaalada Sirik iyo faahfaahin soo baxaysa
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qarax laga maqlay
agagaarka magaalada Sirik.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ILNA, weli lama shaacin xog rasmi
ah oo ku saabsan goobta saxda ah ee qaraxyadu ka dhaceen.
Tan iyo markii uu billowday wajiga cusub ee colaadda u dhexeysa
Maraykanka iyo Iiraan, magaalada Sirik waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu
waaweyn ee ay Maraykanku weerarrada ku bartilmaameedsadaan.
War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in la hadlo ururka Xisbullaah
Xigashada Sawirka, Kevin Dietsch/Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay
inuu wadahadal la yeesho ururka Xisbullaah haddii Madaxweynaha Lubnaan Joseph
Aoun uu codsado arrintaas.
Trump ayaa hadalkan sheegay intii lagu jiray kulankiisii ugu horreeyay
ee uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweyne Aoun.
Trump wuxuu sheegay in Lubnaan si aad ah loola dhaqmay si aan caddaalad
ahayn, wuxuuna ballanqaaday in dalkaasi uu heli doono "ixtiraamka uu mudan
yahay," isagoo xusay in weli ay jirto "arrinta Xisbullaah."
Markii la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu la xiriiro Xisbullah, Trump
wuxuu yiri:
"Haddii Madaxweynaha Lubnaan uu iga codsado inaan la hadlo Xisbullaah,
waan samayn doonaa."
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan faahfaahin nooca wadahadalka uu
ula jeeday, mana uusan sheegin inay jiraan qorshayaal mustaqbalka lagu qabanayo
wadahadallo noocaas ah.
Intii lagu jiray kulanka, Madaxweyne Joseph Aoun ayaa Maraykanka ku
boorriyay inuu sii wado taageerada uu siiyo ciidamada Lubnaan si loo
dhammaystiro bixitaanka ciidamada Israa'iil ee koonfurta dalka loona xoojiyo
amniga.
Aoun ayaa sidoo kale ka digay in hakinta gargaarka Maraykanka ay dib u
soo celin karto xaaladdii qalalaasaha ahayd ee laga soo maray koonfurta Lubnaan
sannadihii 1970-meeyadii.
Kulankan ayaa dhacay xilli ciidamada Lubnaan ay bilaabeen inay la
wareegaan ammaanka qaar ka mid ah deegaannadii ay ciidamada Israa'iil ka
baxeen, kaddib heshiis uu dhexdhexaadiyay Maraykanku oo dhexmaray Lubnaan iyo
Israa'iil.