Degdeg: Xaaska Maduro oo lagu arkay nabarro iyo dhaawacyo loo gaystay
War hadda na soogaaray ayaa sheegaya in qareenka Cilia Flores, Mark E. Donnelly, uu sheegay in macmiilkiisu oo uula jeedo xaaska Maduro ay soo gaareen “dhaawacyo culus” markii iyada iyo ninkeeda Maduro lagu qabtay Venezuela, sida uu sheegay warbaahinta Mareykanka ee bah-wadaagta la ah BBC-da ee CBS News.
Sidii aan horay u xusnay, Flores ayaa lagu arkay maxkamadda iyadoo nabarro ka muuqdaan.
Donnelly wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in ay qabto jab ama nabarro aad u daran oo ku yaalla feeraha, iyadoo garsooruhuna ku amray dacwad-oogayaasha in la hubiyo in la siiyo daryeel caafimaad oo ku habboon.
“Macmiilkayaga waxaa ka muuqata niyad wanaagsan. Waxaan rajaynaynaa inaan dib u eegno oo aan ka hortagno caddaymaha ay dowladdu haysato. In kasta oo aan jeclaan lahayn inaan hadda soo bandhigno dhinaceenna, haddana waxaan sugaynaa inaan sidaas ku samayno maxkamadda, waqtiga ku habboon. Marwada Koowaad way ogtahay in waddo dheer ay hor taallo, wayna u diyaarsan tahay,” ayuu Donnelly ku yiri bayaan uu siiyay BBC.