Baaqyada ah in baaritaan lagu sameeyo booliska iyo milateriga Kenya oo sii kordhaya ka dib markii ay BBC kashiftay

Xigashada Sawirka, AFP
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo cusboonaysiiyay baaqyo ku aaddan in baaritaanno lagu sameeyo dil ay ciidamada ammaanka Kenya u geysteen dibadbaxayaal, xilli ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo canshuur kordhin la sameeyey bishii Juun ee la soo dhaafay.
Arrintan ayaa daba socotay baaritaan ay sameysay BBC Africa Eye, oo soo bandhigtay xubno ka tirsan ciidamada ammaanka oo toogasho ku dilay saddex qof oo mudaaharaad ka dhigayay baarlamaanka Kenya, taasoo kicisay caro dadweyne iyo inay dalbadaan caddaalad.
Amnesty International iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KHRC) ayaa sheegay in saraakiisha lagu sheegay dukumentiga ay tahay inay wajahaan sharciga.
Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa ku jawaabay “naf kasta waa muhiim”, Koox hawlaha booliska dusha kala socota ayaa wadda baaritaan, waxayna dhaliileen Documentary-ga BBC-da oo ay ku tilmaameen mid “hal dhinac ah”.
Isniintii ayey BBC baajisay soo bandhigidda dokumetarigan oo lagu soo bandhigi lahaa Nairobi, ka dib markii uu cadaadis ka yimid hay’adaha dawladda.







