Itoobiya oo shaqadii ka joojisay shirkad shidaal qodis ka wadday deegaanka Soomaalida

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Aryadyda muslimiinta ah ee Hindiya oo la barayo Heesahaa Diinta Hinduuga

    Ardayda Muslimiinta ah

    Siyaasiyiinta Kashmiir ee ay Hindiya maamusho ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin isku dayga ay dowladda Hindiya ku dooneyso in carruurta dugsiyada Muslimiinta lagu baro heesaha diinta Hinduuga.

    Madaxa wasiirkii hore Mehbooba Mufti ayaa sheegay in ku hagida ciyaalka iskuulada in ay heesaan heeso Hinduuga ah iyo in la xiro culumada diinta muslimiinta ay daaha ka qaaday ajandaha dhabta ah ee dowladda Hinduuga ee BJP.

    Kashmiir waa gobolka kaliya ee muslimiintu ku badan yihiin ee Hindiya.

    Faallooyinkeeda ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen muuqaalo ku saabsan arrimaha bulshada oo muujinaya qaar ka mid ah carruurta iskuullada oo qaadaya heesta Hinduuga.

    Waaxda waxbarashada ayaa sheegtay in heestan ay qeyb ka tahay sanadguuradii 153-aad ee dhalashada hogaamiyihii xorriyadda India Mahatma Gandhi.

  2. Shacabka Ruushka oo si xowli ah uga baxaya Dalkooda

    Qaxa shacabka Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Tikidhada diyaaradeed ee ka baxa Ruushka ayaa si xawli ah loo iibinayay tan iyo markii uu Mr Putin ku dhawaaqay howlgalka.

    Duulimaadyada tooska ah ee Moscow ilaa Istanbul ee Turkiga iyo Yerevan ee Armenia, ayaa u muuqda kuwa la iibiyay dhowrka maalmood ee soo socda.

    Labada gooboodba waxay u ogolaadaan dadka Ruushka inay soo galaan fiis la'aan. Wadooyin kale, oo ay ku jiraan caasimadaha Georgia, Uzbekistan iyo Azerbaijan ayaa sidoo kale laga arkayaa baahida socdaalka ee sii kordheysa.

    Weriyaha BBC-da ee bariga Yurub ayaa sheegaya in falanqeeyayaasha Ruushku ay durba shaki galiyeen ballanqaadyadii Mr Putin iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ee ahaa in baaqa la xadidi doono.

    Arrintan socdaalka ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay in qeyb ahaan uu heegan geliyay ciidamadiisa si ay u difaacaan dhulkooda hooyo, madaxbanaanida iyo amniga shacabka.

  3. Madaxweynaha Soomaliya oo New York kula kulmay Boqorka Urdun

    kulanka madaxda Soomaliya iyo Urdun

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xusseen.

    Madaxweynaha Xasan Sheikh ayaa boqorka Urdun uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

    Labada Hoggaamiye ayaaisla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee, iyagoo ku ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku sugan New York ayaa kulan doceedyo la qaadanaya mas’uuliyiin ka kala socota dowladaha caalamka, isagoo kala shiraya xaaladda hadda ee dalka iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dowladah kale ee caalamka.

  4. Fataahado xaaqay qabuuro ku yaalla Nigeria

    .

    Fataahado ayaa xaaqay in ka badan 1,500 meydad ah oo ku aasnaa qabuuro ku yaalla magaalada Mariga ee dhacda bartamaha Nigeria.

    In ka badan 500 qabuuro ah ayay xaaqeen fataahadaha toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Imaamka ugu sarreeya magaalada Alhassan Musa Na’ibi ayaa BBC u sheegay in meydad gaaraya 1,000 dib loo aasay.

    Fataahadaha ayaa ka dhashay roobab mahiigan ah oo ka da’yay halkaas.

    Imaamka wuxuu sheegay in dhibaatadan aysan weligeed la kulmin tan iyo markii la bilaabay qabuurahaas 500 sano ka hor.

    Daadadka ayaa sidoo kale burburiyay buunddooyin, waxay sidoo kale baabi’iyeen dhul beereed ballaaran.

    Nigeria waxaa saameeyay fatahaadihii ugu ba’naa muddo 10 sano ah.

    Tan iyo dabayaaqadii bishii July in ka badan 300 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha halka in ka badan 100,000 qof ay guryahooda ka qaxeen.

  5. Ciidammada huwanta ah ee ku sugan gobolka Hiiraan ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

  6. Dowladda Tunisia oo sii deysay hoggaamiyaha mucaaradka

    Rached Ghannouchi-hoggaamiyaha mucaaradka Tunisia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Rached Ghannouchi-hoggaamiyaha mucaaradka Tunisia

    Hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn ee dalka Tunisia ayaa la sii daayay kadib markii tan iyo xaley ay su’aalo weydinayeen ciidamada la dagaallanka argagixisada ee dalkaas.

    Rached Ghannouchi ayaa lagu eedeeyay in ku lug lahaa in koox jihaadiyiin ah uu si sharci darro ah ugu tallaabsiiyay Suuriya iyo Ciraaq, eedeymahaas oo uu beeniyay.

    Sida laga soo xigtay qareenkiisa, ciidamada ayaa maanta gelinka dambe su’aalo weydin doonaa.

    Xisbigiisa Al-Nahdha ayaa cambaareeyay arrintani.

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Tunisia, Cali Laarayedh ayaa su’aal weydinta hoggaamiyaha mucaaradka ku tilmaamay tallaabo kasoo horjeeda xuquuqul insaanka.

  7. Itoobiya oo shaqadii ka joojisay shirkad shidaal qodis ka wadday deegaanka Soomaalida

    .

    Dowladda Itoobiya ayaa qanddaraaska ka joojisay shirkad qaabilsan shidaalka oo laga leeyahay Shiinaha. Shirkaddan oo ay qeyb ahaan leedahay dowladda Shiinaha ayaa shidaal qodis ka waday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

    Itoobiya waxay sheegtay inay shirkadda Poly-PGL ay kuu guuldareysatay inay raacdo heshiiska ku saabsan dhaqaalaha iyo dhanka farsamada ee shidaal soo saarista.

    Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay shirkaddan inay sumeysay ceelasha biyaha kadib markii ay shirkadda ku daadisay waxyaabo waxyeelleynayo deegaanka.

    Shirkadda kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

    Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysay in ay ka faa'iideysato ceelal laga helay shidaal oo laga helay deegaanka Soomaalida, laakiin waxaa jirta cabasho ay dadka Soomaalida ah ka qabaan mashruucan oo ah mid aad u baaxad weyn.

    Shirkad Shiineys ah, oo in muddo ah qiimeyn ku sameyneysay ceelasha shidaalka iyo sida loo wajihi karo howsha qodiska, ayaa dhawaan dowladda federaalka Itoobiya u xaqiijisay in la qaadi karo tallaabada ka faa’iideysiga.

    Muddo dheer ayay Itoobiya ku howlaneyd inay xog dhammaystiran ka hesho kheyraadka dabiiciga ah ee gaarka ku ah gobolka Soomaalida.

    Wararka kale ee la xiiira sheekadan:

  8. Lammaanaha oo uu guurkooda ka bilawday farriin Facebook

    Qoraalka Muuqaalka, Lammaanaha uu guurkooda ka bilowday Facebook
  9. Mareykanka:Tallaabada Putin waxay muujineysaa in uu daciifay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Safiirka Mareykanka u fadhiya Ukraine ayaa sheegtay in tallaabada uu ku dhawaaqay Putin ee uu qeyb ahaan heegan ku gelinayo ciidamadiisa inay tahay ‘astaan muujineysa in uu daciifay’.

    “Aftida beenta ah iyo ciidan uruursiga waa astaan muujineysa daciifnimada iyo guuldarrada Ruushka” ayay Bridget Brink oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka.

    “Mareykanka waligiis ma aqoonsan doono waxa Ruushka uu sheeganayo inuu qabsaday eeku yaalla Ukraine, waxay nagu qaadataba waan garab taaganahay Ukraine” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Ukraine.

  10. Ruushka oo sheegay in uu howlgelinayo boqolaal kun oo askari oo keyd u ahaa

    Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka Sergey Shoigu ayaa xaqiijiyay in tallaabada qeyb ahaan ciidamada heeganka lagu gelinayo ay saameyn doonto ciidamada militeriga ee howlgabka ah.

    Wuxuu sheegay in 300,000 oo cidanka keydka ah in la howlgelinayo.

    Sergey Shoigu ayaa kasoo muuqday wareysi laga qaaday oo laga baahiyay warbaahinta dowladda.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty

  11. Itoobiya oo beenisay warbixinta Qaramada Midoobey ee sheegeyso in tacaddiyo laga geystay Tigray

    Dowladda Itoobiya iyo ciidamada TPLF waxaa labadooda lagu eedeeyay in tacaddiyo ay ka geysteen Tigray

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dowladda Itoobiya iyo ciidamada TPLF waxaa labadooda lagu eedeeyay in tacaddiyo ay ka geysteen Tigray

    Dowladda Itoobiya ayaa beenisay warbixin ay soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobey oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dilal ka geysteen halkaas.

    Itoobiya waxay warbixinta ku tilmaantay , “mid aan dhameystirneyn oo aan xaqiiq aheyn” isla markaana la doonayay in lagu waxyeelleeyo dowladda Itoobiya.

    Guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay hayaan caddeymo dhameystiran oo ku saabsan in militeriga Itoobiya ay dilal baahsan ka geysteen Tigray.

    Dowladda Itoobiya waxay sheegtay “inay iska cad tahay in warbixinta ay tahay mid siyaasadeed iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo warbixin baaritaan ah”.

    Dowladda ayaa is difaacday xilli ay sheegtay inay caddaaladda horkeentay dadka lagu helay inay geysteen dambiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka.

    Wararka la xiriira:

  12. Putin oo shaaciyay in uu heegan geliyay ciidamadiisa

    Vladimir Putin

    Xigashada Sawirka, Russian Presidential Press Service

    Qoraalka sawirka, Vladimir Putin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in qeyb ahaan uu heegan geliyay ciidamadiisa si ay ‘difaacaan dhulka hooyo, madaxbanaanida iyo amniga shacabkeena’.

    Wuxuu sheegay in heegaankan uu saameyn doono ‘muwaadiniinta kamidka ah ciidanka keydka ah’.

    Putin wuxuu sheegay in reer galbeedka ay u handadayaan Ruushka balse Ruushka uu heysto hub badan oo isku difaaci karo.

    “Waxaan adeegsan doonaa awood kasta oo lagu difaacayo shacabka”

    Putin oo dadweynaha kala hadlayay teleefishinka qaranka ayaa sheegay in uu qaadi doono tallaabo kasta uu difaaco shacabka ku nool gobolka Donbas.

    Wuxuu amar ku bixiyay in sare loo qaado dhaqaalaha si loo xoojiyo awoodda hagaajinta ee hubka.

    Wararka la xiriira:

  13. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.