Euro 2020 oo dib loo dhigay ilaa xagaaga dambe

Euro 2020 trophy

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tartanka Euro 2020 waxaa dib loo dhigay muddo hal sanno ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Guddiyada kubadda cagta ee Yurub ayaa go'aankaasi ku gaaray shir degdeg ah oo muuqaal ay ku yeesheen oo ay Talaadadii ka qeybqaateen madaxda ay arrintaasi khusayso.

Tartanka oo la qaban lahaa inta u dhaxaysa 12 Juun ilaa 12 July ee xagaagan ayaa haatan waxaa dib loogu dhigay in la ciyaaro 11 Juun ilaa 11 July sanadka soo socda.

Dib u dhigista ayaa waxa ay fursadsiinaysaa horyaallada Yurub ee haatan la hakiyay in si caadi ah ay u dhammeystirmaan.

Markii dib loo dhigay ciyaaraha Euro ayaa Uefa haatan waxa ay ka baaraandagaysaa wixii ay ka yeeli laheyd Koobka Haweenka ee Yurub kaas oo lagu waday inuu ka dhaco waddanka Ingiriiska 2021 bilaaban lahaana 7 July.

Koobka Nations League iyo tartanka Yurub ee ciyaartoyda ay da'dooda ka yar tahay 21 ayaa sidoo kale la qorsheeyay in la qabto xagaaga soo socda.

Wembley

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Wembley ayaa waxaa lagu qaban lahaa todoba ciyaarood oo Euro 2020, oo ay ku jiraan ciyaaraha nus dhammaadka iyo finaalka

Uefa ayaa sheegtay in saddexdaasi tartan loo qaabayn doono si habaysan, hasayeeshee haatan ma ay cadda in wax laga badeli doono taariikhda tartamadaas la dheeli doono.

Markii ay dib u dhigeen Euro 2020 ayaa Uefa waxa ay sheegtay inay doonayso inay ka fogaato "inay adeegyada dadweynaha saarto cadaadis aan loo baahnayn" ee 12ka dal ee tartankaas martigalinaya, iyo sidoo kale inay gacan ka gaystaan sidii horyaallada iyo tartamada maxalliga ah loo soo afjari lahaa.

Uefa president Aleksander Ceferin explains

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin

"Waxaannu hogaaminaa ciyaaro ay dad badan ka qeybqaataan oo saamaynaysa nolosha dad badan iyadoo aynu wajahayno cudurkan dilaaga ah ee aan la arkayn sida degdega ahna u faafaya," ayuu yiri madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin.

"Waa xilliyadan oo kale marka bulshada kubadda cagtu ay u baahan yihiin inay muujiyaan mas'uuliyad, midnimo, wadajir iyo saameyn.