You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mesut Ozil: Arsenal maxay isaga fogeysay hadalkiisa ka dhanka ah Shiinaha?
Kooxda Arsenal ayaa iska fogeysay hadal uu sheegay laacibka qadka dhexe uga dheela, Mesut Ozil oo ku saabsanaa sida dowladda Shiinaha ay ula dhaqmeyso Muslimiinta dalkaas ee Uighur.
Sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda aadanaha, illaa hal milyan oo qof - oo u badan bulshada Muslimiinta Uighur - in loo maleynayo in lagu xiray xabsi si weyn loo ilaaliyo iyagoo aan maxkamad la hor geyn.
Dowladda Shiinaha waxay ku doodeysaa in "xarun lagu barayay xirfado kala duwan la geeyay si looga hortago xagjirnimada rabshadaha sababta".
"Arsenal, Koox ahaan markasta way ka fogtahay siyaasadda," ayaa lagu sheegay war ka soo baxay kooxdan ka dhisan london.
"Ka dib farriintii Ozil ee baraha Bulshada ee Jimcihii, Arsenal waxay caddeyneysaa in taas ay tahay aragti u gaar ah Mesut ozil."
Warka qoraalka ah ee kooxda Gunners waxaa lagu daabacay barta arrimaha bulshada ee Shiinaha ee Weibo.
Mesut Ozil oo ah Muslim, wuxuu Muslimiinta Uighurs ku tilmaamay "halgamayaal ka hortagaya cadaadis" wuxuuna cambaareeyay dowladda Shiinaha iyo dalalka Muslimiinta ee ka aamusan arrintaas.
Shiinaha waxay si joogto ah u beenisaa in si xun ay ula dhaqanto bulshada Muslimiinta ee dalkaas ee Uighur.
Qoraalka Arsenal waxaa aragti ka dhiibtay kumannaan qof. Kuwana way dhalleeceeyeen, kuwa kalena way taageereen.
Mid ka mid ah dadka aragtidooda ka dhiibtay wuxuu yiri "ma intaas uun?", mid kalena wuxuu soo xirtay funaanadda Ozil ee Arsenal oo qeyb laga jaray.
Bishii October, Xiriirka ciyaaraha Basket-ka ee Mareykanka waxaa soo foodsaartay dhaqaale xumo ka dib markii xubin ka tirsan waaxda fulinta uu ka hadlay qalalaasaha kala dhexeeya Shiinaha.
Maamulaha Houston Rockets, Daryl Morey wuxuu bartiisa twitter-ka ku qoray farriin uu ku taageeray dibadbaxayaasha dimuquraadi doonka ah ee Hong Kong.
Taas waxay sababtay in malgashadayaasha Shiinaha ay la noqdeen dhaqaalahooda iyo heshiisyada baahinta.