Barcelona oo markii afraad ee xidhiidha qaaday Copa del Rey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Luis Suarez ayaa laba gool u dhaliyey kooxdiisa Barcelona oo u awood sheegatay Sevilla kuna guulaysatay koobka Copa del Rey markii afraad ee xidhiidh ah.
Sevilla qaybtii hore ee ciyaarta waxa laga dhaliyey saddex gool, Suarez ayaana goolkii koobaad ku furay ciyaarta oo kooxdiisa u dhaliyey.
Lionel Messi ayaa isna markiiba goolkii labaad ku hubsaday shabaga, waxoogaa ka dibna waxa uu kubad fiican u sallaxay Suarez oo goolka saddexaad dhaliyey.
Andres Iniesta ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta isna kooxda u dhaliyey goolkii afraad, guud ahaanna waxay guushu ku raacday Barcelona shan gool iyo eber ay ku muquunisay Sevilla.
Guushan ay ku hanatay koobka Copa del Rey, waxay Barcelona u ahayd neecaw qabow oo ay kaga soo kabatay jabkii xanuunka badnaa ee ay kaga hulleeshay tartanka horyaalka Yurub ee Champions League-g oo kooxda Roma ee dalka Talyaanigu wacdaro ku tustay Bercelona qabkeediina dhaawacday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Guul darradii ka soo gaadhay Barcelona tartanka horyaalka Yurub waxay ahayd mid ay labadii is arag ee ay kooxda Roma gorrodda isku dareenba lagaga gacan sareeyey oo markii hore 4-1 lagaga badiyey rogaal celiskiina 3-0 lagaga soo carraabiyey Talyaaniga oo ay ku wada ciyaareen.
Qaybtii dambe ee ciyaarta, Barcelona may dabcinin weerarkii ay ku haysay Sevilla inkasta oo guusheedu geed ka go'an ahayd, waxaanay gebogabadii ciyaartu noqotay shan gool iyo eber ay koobkii ku hantiday Barcelona.










