You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tababare Conte oo ku faraxsan in uu sii joogo Chelsea
Tababaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte, ayaa sheegay in uu "ku faraxsan yahay" sii joogidda naadigaasi ku guulaystay horyaalka Premier League "sanado badan".
Chelsea ayaa horyaalka ku guulaysatay xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee uu layliyo tababare Conte, waxaana maanta oo Sabti ah ay ciyaarta fiinaalka ee koobka FA-ga la dheeli doontaa kooxda Arsenal.
Xiriirka tababarayaasha horyaalka ayaa 47 jirkan u magacaabay tababaraha sanadka, waxaana doonaysa kooxda Inter Milan ee ka dhisan dalkiisa Talyaaniga.
Haseyeeshee Conte ayaa yiri "Haddii Chelsea ay fursad ii siiso in aan kordhiyo sanadaha qandaraaskayga, diyaar ayaan u ahay."
Tababarahan horay usoo layliyay kooxda Juventus ayaa waxaa qandaraaskiisa Chelsea ka harsan laba sano.
Kooxdiisa ayaa koobka kale ku guulaysan karta xilli ciyaareedkan, haddii ay Arsenal kaga adkaato fiinaalka koobka FA-ga ee ka dhacaya garoonka Wembley.