You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Taageere kubad oo geeriyooday markii meel kore laga soo tuuray
Taageere kubadeed oo reer Argentine ah ayaa u geeriyooday dhaawac madaxa ka soo gaaray labo maal mood ka hor ka dib markii taageereyaal caraysan ay ka soo tuureen qaybta kore ee garoonka ee ciyaarta laga daawado, iyagoo u qaatay in uu ka mid yahay taageereyaasha kooxdii ay is hayeen.
Emanuel Balbo oo 22 jir ah ayaa lagu soo warramay in uu la murmay nin intii ay socotay ciyaartii Sabtidii ee dhexmaraysay kooxda Belgrano iyo kooxda Talleres ee martida ahayd, ciyaartaas ayaa ka dhacday magaalada Waqooyiga ku taalla ee Cordoba.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in nin uu ku dhawaaqay in Balbo uu ka mid yahay taageereyaasha Talleres balse uu is qarinayo.
Meel kore oo ka mid ah qaybta ciyaarta laga daawado ee garoonka ayuuna ka soo riixay, sida ay muujinayaan sawirro la helay.
Wuxuu ku soo dhacay jaran jar shub ah oo meesha uu taagnaa ka hoosaysay shan mitir.
Isbitaalka ayaa loola cararay isaga oo jug culus ay ka soo gaartay madaxa, dakhaatiirta ayaana ku dhawaaqay in ay maskaxdiisu dhimatay.
Afar ruux ayaa loo xiray weerarkaas, Hay'adda maamusha kubadda cagta ee Argentine-na waxay sheegtay in dadka masuulka ka ah fweerarkaas in caddaaladda la horkeeni doono.
Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay sheegeen in rabshado kubad ka dhashay ay Argentine ugu dhinteen in kabadan 40 ruux tan iyo sanadkii 2013kii.