Andy Murray oo ku guulaystay shaqsiga ciyaaraha ee sanadka

Andy Murray oo ah ciyaaryahan tayniska dheela oo reer Britain ah ayaa ku guulaystay abaalmarinta BBC ee shaqsiga ugu wanaagsan ciyaaraha ee sanadka.

Wuxuuna noqonayaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee abaalmarintan ku guulaysta saddex jeer oo xiriir ah.

Murray ayaa sanadkan ku tilmaamay kii ugu faa'iidada badnaa ee soo mara illaa iyo hadda.

Wuxuu sanadkan ku guulaystay billad dahab ah in tii ay socdeen ciyaarihii Olimbigga ee Rio, markii labaadna wuxuu hantiyay koobka Wimbledon, isaga oo noqday ciyaaryahanka ugu sareeya ee dhanka tayniska marka laga hadlayo raga.

Dhanka kalana tabobaraha kooxda Leicester City, Claudio Ranieri ayaa loo magacaabay tababaraha ugu wanaagsan ee sanadka

Macallinkan Talyaaniga u dhashay ayaa si aan la saadaalinin ugu guulaystay horyaalka ingiriiska ee Premier League title.