Guardiola oo raaligelin ka bixiyay dagaalkii Man City iyo Chelsea

Ciyaartoyda labada dhinac ayaa dagaallamay

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Ciyaartoyda labada dhinac ayaa dagaallamay

Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola, ayaa raaligelin ka bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay intii ay socotay ciyaartii ay la lahaayeen Chelsea.

Dagaalkaasi wuxuu dhaliyay in Sergio Aguero iyo Fernandinho ciyaarta laga saaro oo roose la siiyo. Kullankaasi ayaa Chelsea waxay ku adgaatay 3-1.

Chelsea ayaa ka soo kabatay gool ay iska dhaliyeen qeybtii koobaad ee ciyaarta.

Dagaalka wuxuu ka bilowday taako uu Aguero u dhigay Luiz

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Dagaalka wuxuu ka bilowday taako uu Aguero u dhigay Luiz

Aguero ayaa roosaha ku muteystay ka dib markii uu si xun lugta ugu dhuftay difaaca Chelsea David Luiz.

Saaxiibkiisa, Fernandinho ayaa dhankiisa ciyaarta laga saaray ka dib markii uu u gacan qaaday Cesc Fabregas.

"Waa dhibaato in ciyaarta ay sidan oo kale ku dhammaato," ayuu yiri Guardiola, wuxuuna intaa ku daray, "Taasi ma jecleysa, raaligelin ayaan ka bixinaayaa wixii dhacay".

Fernandinho wuxuu kala tuuray Fabregas

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Fernandinho wuxuu kala tuuray Fabregas

"Ma u maleynaayo ficilkii Aguero inuu ahaa ula kac. Labada ciyaaryahanba way ordayeen, waana intaa oo keli ah". ayuu sheegay macallinka Manchester United.

"Hadaba Fernandinho wuxuu difaacaayay saaxiibkiisa, ka dib markii ciyaaryahanada Chelsea ay u gacan qaadeen Aguero". Ayuu xaqiijiyay Guardiola.