Wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga cayaartoyda

David Luiz wuxuu u wareegayaa Chelsea

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, David Luiz wuxuu u wareegayaa Chelsea

Naadiyada Kubadda cagta ee horyaalka Premier League ee Ingiriiska ayaa lacagtii ugu badnayd ku bixiyey soo iibsashada cayaartoyda, ka hor intii uusan dhamaanin xilligii la kala wareegidda cayaartoyda.

1.3 Bilyan oo Doollar ayaa cayaartoy lagu kala iibsaday. Ragga lala kala wareegay waxaa ka mid ah difaaca kooxda PSG David Luiz oo ilaa 40 Milyan oo Doollar dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Chelsea.

Cayaartoydii ugu dambaysay ee intii uusan suuqa kala wareegidda xirmin la kala wareegsaday ama la kala iibsaday waxaa ka mid ah: