Keitany oo ku guulaysatay tartanka orodka New York

Mary Keitany oo Kenya u dhalatay ayaa ku guulaysatay tartanka maaratoonka dumarka ee NY sannadkii 3aad oo xiriir ah.

Waxay 4 daqiiqo ka horraysay qofkii ku xigay oo ah Sally Kipyego oo iyadana Kenya u dhalatay.

Keitany waxay noqotay gabadhii ugu horraysay ee seddex goor oo isku xigta ku guulaysata tartanka, tan iyo 1980 meeyadii.

Dhinaca ragga waxaa ku guulaystay Ghirmay Ghebreselasie oo u dhashay Eritrea.