Mourinho: Waxay ahayd inaan 6-0 ku badino

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in ciyaartii "quruxda badneyd" ee ay la yeesheen Stock City inay ahayd inay si wanaagsan u badiyaan, halkii ay barbardhac 1-1 ah ay la gali lahaayeen.
Goolka uu dhaliyay Joe Allen, ayaa United u diiday guul inay gaaraan, laakiin Mourinho ayaa ciyaartaasi ku tilmaamay inay ahayd tii ugu wanaagsaneyd ee xilligan ay dheeleen.
"Waxay ahaan lahayd mid kamid ah natiijooyiinka wanaagsan", ayuu BBC-da u sheegay, wuxuuna intaa ku daray "waxaan ku badin lahayn 5-0 ama 6-0".

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan helnay fursado fiican, difaac fiican, goolal badanna waan dhalin waynay. Xaqiiqdii mararka qaar si xun ayaan u ciyaarnaa waana badinaa" ayuu hadalkiisa ku sii daray, macallimka Manchester United.
Kooxda United ayaa ciyaarta ku wanaagsaneyd, 24 jeer ayey isku deyeen inay goolal dhaliyaan, sagaal ka mid ah gool-hayaha ayaa ka qabtay.
Anthony Martial oo badal ku soo galay ayaa goolka u dhaliyay Manchester United, daqiiqaddii 69-aad, inkastoo dib laga bareejeeyay.







